WAXAAN BAADI GOOB U GALAY

 

 



Waxaan baadi goob u galey
Hayaan gibishu u xidhnayd
Waxaan gudub raacayiyo
Gucliyo orod xiiqsanaa
Galaha taariikhdayada
Ruuxii garasho lihi dareen
Markaan isu gororiyana
Gob’odu meelbay ahayd
Inuu gobonimo hantuu

*****

Shacbigu guud ahaan raboo
Go’aan adagbaa u yiil
Gayigan Somaaliland
Ayaamihii naga gudhnaa
Iney godol qaad yihiin
Galada Rabibaa iska leh
Aduunyada guud ahaan
Waxaan gaadhsiinayaa
Inaan garnaqsado xiligan

*****

Gartaydana aan marsado
Gefkuna iga reeban yahey
Idinkoon ka galgalan wax jira
Idinkoon ku gabood falayn
Karaamo waxaan ka galo
Xaqiiqdana gees marayn
Waxaan geedka ugu baxey
Idinkoon gebo gebo ku gelin
Xaqoo la gardaadsho iyo
Garsoor baan eegayaa
Abwaan guunabaa mar yidhi
Gobeey liicoo ha jabin.

*****

 

 



Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, nin weyni goor waa beryey wuu yaqaanaa, murtidan wa xaan uga gol leeyahay, manta bulshada reer Soomaaliland waxey ka dheregsentahey marxala da ay mareyso iney tahey xiligii ay ku kala garan laheyd nacabkeeda & nasteexeeda, aduunka nmanta jira ee ay horseedka u tahey jimciyada quruumaha ka dhaxeysa,hogaankana ay u hay aan dowladaha is bida xaq dhaqaale, xag aqooneed, & xag awoodeedba, isuna tiriya iney halb eega garsoorka iyagu yihiin,waxey qarankan Soomaaliland & Bulshadiisuba ka tirsanayaan ga bood fal adaminimo kii ugu xumaa, kuwaas oo ay ugu waaweyn yihiin:

1. Xaqii aayo ka tashi ee bulshadani laheyd, lana wadaageysay bulshada Caalamka eek u cada a charterka jimciyada quruumaha ka dhaxaysa.

2. Xiligii sida arxandarada ah loo xasuuuqayey dadka reer Soomaaliland ee loo adeegsadey aw ooda milateri ee nooc walba laheyd laguna gumaadayey diyaaradihii calooshooda u shaqeysta ya asha South afrikanka ahi wadeen, oo aan wax damqasho iyo jixinjix toona ah aaney beesha
caalamku ka muujin isla markaana ay ka gaabsadeen samatabixintii ummadan Soomaalilaand t aasi oo kumanaan dada oo reer Sooomaaliland ahi ku le’deen, waxa xusid mudan dawlada aanu jaarka nahey ee Etheopia oo barakicii shacbigan siisay martigalin caalamkana ugu baaqdey in ey gurmad u fidiyaan dadkii tabaaleysnaa hay’adihii gargaarka eek u sugnaa Etheopia, halkaa isbedel taariikheed oo walaaltinimo, ay dawlada Etheopia ku guuleysatey iney soo afjarto oo colaad dhawr qarni soo jirtey mar kaliya isu bedesho jawi saaxiibtinimo, Walaalnimo, oo aan dh amaad laheyn .

3. Waxaa wax laga tiiraanyooda ah, odhaah laga hayo Axmed Al Saki (wasiirkii hore ee Bitroo lka & Tamarta ee Boqortooyada Sucuudi Arabia) oo sanadihii sideetamaadkii si cad ugu soo ba ndhigey Caalamka gefka & Jawrfalka laga galey qaran tamar yar oo dhibtaa loo geystey saam eyn weyn ku yeelatey noloshoodii, horumarkoodii,qaranimadoodii & aqoontoodiiba, mudo dhee rna la qarinayey in ay aheyd Soomaaliland wadamada kaydka shidaal ee hoos jiifaa uu yahey mid u dhigma ama ka badan ka wadamada khaliijka Carbeed, balse laga door biday in xuquuqd oodaa dhaqaale, horumarineed & dadnimoba loo sidko shucuub iyaga la mid ah. Falkaas oo ay wada jir u galeen kana midaysnaayee dalaka hruumarey ee soo saarey shidaalka khaliijka & w adamadaas shidaalka loo soo saarey, taasi oo bulshada Soomaaliland u aragto mid lagu xaqire y laguna duudsiyey xquuqdoodii aadaminimo & jiritaankoodii laguna fuliyey khiyaamo heer caa lami ah oo aan qaynuun saldhig u ah la helayn, iyagoo manta noqon lahaa bulsho waxtar iyo ga rgaarba u geysata bulshooyinka Caalamka ee aan laheyn khayraadka noocan, kaalin firfircoon a kaga jiri lahaa horumarka caalamka, Soomaalidu waxey ku maahmaahdaa nin ku diley hadh k uuma jiido, dhacdadani waxey noqoneysaa jawrfal & tacadi lagu sameeyo bulsho kamida bulsh ooyinka caalamka tii ugu weyneeyd ee la galo abid.

4. Dhibaatooyinka taariikhdu ka marag kaceyso ee dalkan laga galey waxa kamida, iyadoon dal kani wax taageero ah ka helin caalamka in ay ummadiisu iska dulqaadeen digteytor & gumeysi la miisaan ahaa kii uu ka gilgishey George Washington hogaamiyihii horseedka u ahaa gobonim adii dalka mareykanka ee 13ka mustacmaradood ee France & England kala gumaysanayeen, isl amarkaana dalka manta loo yaqaan USA & hrumarkuu gaadhey manta marayo inuu noqdo dal kii ugu quwada weynaa ee hogaaminaya caalamka, waxaaan mareykan & Caalamka xoriyada jecel halkan ku xasuusinayaa odhaah uu ka tegey halyey Soomaaliyeed oo magaciisa la odhan jirey Cabdilaahi Caabi Faarax oo aheyd kuna yidhi Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya isla ma rkaana ahaa Madaxweynihii Labaad ee Soomaaliland AHUN Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal odhaahdaa oo aheyd sidatan “ Hadaad Dayaxii noqotey ma waxaad noo ogolaan weyde y inaanu noqono xidigaha yar yar ee ag jooga”


5. Somaaliland dib u xorynteedii ka dib sanadkii 1991ka waxey qabsatey wax weyn sida Hubka dhigistii Maleeshiyooyinka, dibu heshiisiintii qaranka, soo celintii amniga & kala dambeynta, sal u dhigidii hanaan dawladnimo oo dhameystiran, Taabo galintii Dimoqraadiyada iyo hanaanka Xi sbiyada badan, & suurta gelintii Doorashooyinka degaanada, barlamaanka, madaxtooyada oo laba jeer ah, kuwaas oo dhamaantood u dhacey si cadaalad & nabad gelyo ah, hawshaas oo ay ku hanatey Xasilooni aan liicliic laheyn mudo rubuc qarni ku dhow. Soomaaliland waxey buu xisay dhamaan shuruudihii looga baahnaa qaran oo ku yimid rabitaanka shacbiga. Waxa mar labaad gef & xadgudub ku ah iyadoo hrumarka intaa le’eg gaadhey hadana lagaga masuugey xaqii &waajibaadkii kaga gudboonaa in ay ka hesho beesha caalamka, waxaana shacbigani u a rkaa iney tahey go’doomin ku fadhida ujeedooyin culus oo ka dhana xuquuqda Aadamaha.

Mudadaa aan kor ku soo sheegay waxey beesha caalamku taageero mug leh siinaysay dowlad ihii taagta yaraa een muqdisho awoodeeyn in ay ka taliyaan ee u kala dambeeyay koonfurta S oomaaliya, iyadoo markasta lala garabtaagnaa aqoonsi caalamiya, kuwaas oo dhamaantood ku dhismey dariiq ka baxsan waaqaca & rabitaanka shacbiga, markastana dawladahaas mid kasta oo ka midi ay u fashilmaysay si aan ka duwaneyn siday tii ka horeysay u fashilantey, qorshaya ashaas oo mar walba ka imanayey aduun badanina kaga baxayey Beesha Caalamka, waxa ay taasi lamid tahey 1945kii dhamaadkii dagaalkii labaad ee dunida markii dadka reer France ka bi yo diideen hogaamiye ay jeclaayeen xiligii ay ku jabeen dagaalka soo guryo noqoshadiisii markii dhibaatadii dagaalku ka faydantey General ( Charles Degoul), distoorkii iyo noocii dawladeed e e uu soo bandhigey, taasi waxey dhaxalsiisey dalka Farance in 1945kii – 1958kii ay 14 raysal w asaare ku guul dareystaan iney soo dhisaan dawlad degan, waxana bulshada faransiisku waa yo aragnimo dheer ka dib garteen dhibtaa ninkii ka saari lahaa inuu yahey diigool . beesha caa lamku se waxay manta garan la’dahey xasiloonida geeska Afrika & mushkilada Soomaaliya furd aaminteedu iney tahey aqoonsiga Soomaaliland. Taasi waxey noqon laheyd dariiq tusaale noqd a lagana qaato waayo aragnimo & hab dhaqan la tixraaco.

Waxaa muhiim ah in maanta caalamka aan halkan ugu soo bandhigo in Somaliland leedahey kha yraad dabiiciya, oo u saamaxaya iney waqtigan caalamka wax la qabsato, isla markaana wax weyn ka taraya guud ahaan koboca dhaqaalaha caalamka, & gaar ahaan geeska Afrika, mana qabto bulshada reer Somaliland in la joogo waqtigey ku sii jiri laheyd Gacmo Hoorsi, waxaaney isu arkaan dad kheyrkood hayaamey oo higsanaaya iney yihiin, isla markaana ay hor yaalaan fursado u suurta gelinaya iney guuraan geedi aan riyo aheyn. Ugu danbeyn shacbiga Soomaa liland iyagoo dhistey qaran ku yimid rabitaankooda kuma milmi karaan xukuumad dhalanteed ku dhalad ah oo ka fog dariiqii wadan ku dhismi lahaa anagoo jecel inaanu ka mid noqono aqoo nta waayo aragnimo ee qaramada gacanta ka geysanaaya dib u dhiska Soomaaliya.

Soomaaliland iyadoo ixtiraameysa qawqqniinta caalamiga ah, Xuquuda aadamaha, xasiloonida guud ahaan caalamka gaaar ahaan geeska Afrika, waxa aanu caalamka ka rajeyneynaa in aa nu Beesha Caalamka ka helno Aqoonsi Caalami ah oo ah midhka aanu xaqa ugu leenahey kana mudanahey, oo ka duwan maqaamyada kor u dhigid iyo hoos u dhigid ee yeeshay dabeecadii M erkurida (mercury) .

Waxaanan talo ku siinayaa beesha caalamka in aan saacadan la joogo ku dhicin male haboow, iyo surmo seegto marlabaad tacab khasaar ka dhasho, taas oo macnaheedu yahey in la saxo hanaanka loo marayo wax ka qabashada arimaha Somaliland & Soomaaliya & guud ahaan xas iloonida danta shucuubta geeska Afrika . qaramada midoobeyna yey qaadin dhabihii ururkii um madaha midoobey ( league of Nations ) ee ka horeeyay ku burburey.


Waxaan kaga baxayaa qormadan maahmaahda tidhaahda: Qooley qoorqabasho biyaha kuma cabto.
 

 


Wa Billaahi Tawfiiq

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile

Golaha Wakiilada JSL
Hargeysa