"Waxaan Aad Uga Xumahey In Aamiin Muuse Aan Reer Gabiley Ukala
Aqoonsanin Horeyso iyo Dambeysaba Inuu Sarifle Yahey iyo In Uu Run
Yahey Xilkan Uu Sheegtaa" Ibraahim Axmed Xasan (Sangal)
Gabiley (TNN)-Ibraahim Axmed Xasan(Sangal) oo kamid ah Masuuliyiinta
Xisbiga Ucid ee Gobolka Gabiley ayaa si adag uga jawaabey hadalo
Rakhiis ah sida uu hadalka u dhigay oo kasoo Yeedh ay Aamiin Muuse
Xirsi oo Sheegtey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley.
Ibraahim Axmed Xasan (Sangal) ayaa si adag uga jawaabey hadlo
deelqaaf ah oo uu Aamiin Muu se Xirsi ku weerarey Golaha Cusub ee
Deegaanka Degmada Gabiley isagoo ka hadlayay arimo da ntiisa gaar
ahaaneed ah islamarkaana sheeganaya in uu yahey Gudoomiyaha Xisbiga
Kulmiye ee Gobolka Gabiley oo aanu ku dhaqdhaqaaqin wakhtiyadii ay
socotey Doorashadii Golayaasha Deeg aanka dalku oo Murashaxiinta
Kulmiye waxyaabo badan u baahnaayeen in Maamulka Xisbiga ee heer
Gobol wax kala qabto duruufo xiligaa taagnaa
Mr Sangal oo arintaa ka hadlaya waxa kamid ahaa hadaladiisii Sida
Tan "Aamiinow horta aynu ka la saarno muraadka iyo Maamul wax ka
sheega dadka Reer Gabiley waxey kuu yaqaanaan Sarifle dilaal ah oo
ganacasatada dilaala laakiin kuuma yaqaanaan Masuul xil Xisbi haya
gaar ahaan ku Xukuumada ah oo Kulmiye ah waxaan is leeyahey markaa
wax lala yaabo ma aha in aad Warbaa hinta mariso hadalo darjiidh ah
oo aan macno laheyn hadaan ka jawaabo hadaladaadii weerarka bilaa
Xikmada ahaa Golaha Deegaanka Degmada Gabiley waxey xilka hayeen
sideetan iyo kow maalmood Caqliga caadiga ahi marnaba ma liqi ama ma
Qaadan karo in wax laga sheego ama la qiimeeyo sababtoo ah waxey
joogeen waa xili kooban waxaan filayay anigu shakhsiyan maadaa ma aad
sheeganeyso inaad Gudoomiye u tahey Xisbiga Xaakimka Kulmiye in
hadii xataa Golaha Deegaanka Gabiley khaldamaan inaad noqon laheyd
kii toosin lahaa ee wax u sheegi lahaa hase yeeshee waxa nasiib daro
ah inaad kala naqeysatey labadii Sarkaal ee Maamulka Degmada
ka masuulka ahaa aad kala dhaweysatey si indho, la,aan ah oo aad
tidhi xilgudashadiisa ayaa fiican mid ka kalena ma fiicna taasina
waa Shaqadii sariflayaasha oo layaaba kuma lihid dadka Reer
Gabileyna wey iswada yaqaanaan nin waliba waxa uu ku fiican yahey
adigu Arimaha Siyaasada in laguu soo yeedhiyo mooyaane marnaba
kumaad fiicneyn runta cid umaad sheegin" Ayuu yidhi Mr Sangal.
Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa "Soomaalidu waxey ku maahmaahdaa
Shimbiri mar bay dab qaadayoo markiina min alley gubtey adna
garaadkaaga waligaa mar baad hadashoo waxaad kala saartey labadii
inan ee Reer Gabiley ee inoo hayay Xilalka Maamulka Degmada
Xoghayaha D/ho ose iyo Maayarka, waxaan talo kuugu soo jeedinayaa in
aad ku ekaato sarifkaaga waayo hadalk u wuxu amaan yahey intuu
afkaaga kujiro hadii kalena waxaad iska wadataa xilkaa aad ee Taan aged balaaydii Xabashida ah waligaa qof laba hadal
lagulama hadlo oo Xabashidii ayaa iska dey say malaha adigu Waagii
Xeyle salaase ayaad taqaaney Itoobiya,e oo inaadeer iska daa inshi
iyo haye iyo hada aniga mey aheynta dambe oo ka istaafuruleyso
ceebta aad duhurka cad qaadey booska Gudoomiyanimada Xisbiga
Kulmiyena u banee dhalinyaradii kusoo rafaadey ileyn adigu aqalbaad
dhex fadhidaye howl iyo dhibi kaamay soo gaadhine waxaanan
kuleeyahey hadaanad hadalkaa hadalka fiican uga noqon waxaad ka
heshaad leedaheye waxaan hadalka kuugu gaba gabeynayaa jiim noo taani
Sheeko kale oo aan aheyn Gudoomiyaha Kulmiye keen sxb” Ayuu Ibra ahim
Axmed Xasan (Sangal).
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Aamiin Muuse Xirsi ayaa inta badan iska
sheegta Xilkani iyadoo aa n dadka intiisa badan ee degan Gobolka
Gabiley u aqoonsaneyn Gudoomiyaha Xisbiga maadaama uu iska haysto
meherad Sarifka lacagaha Qalaad iyo isku badelka Shilinka Somaliland
ah isla mar kaana, ay macaamilo leeyihiin iibka Adhiga iyo dilaaliinta
Saylada Xoolaha Gabiley oo ka sarifta la cagta taas, oo aan u
suurtagalineynin in uu Maamulka Xisbiga Matelo.
Timacade News Desk
Gabiley, Somaliland
|