“Waxaan
Qabaa in Dimuqraadiyadda Somaliland Ay Sii Xoogeysanayso, Waxaana
Lagu Qiimaynayaa Doorashooyinka Soo Socda Siday U Qabsoomaan”

Thierry
Choinier, Xoghayaha 1aad Ee Safaaradda Faransiisku Ku Leeyahay
Djibouti
Xoghayaha koowaad ee Safaaradda dawladda Faransiisku ku leedahay
dalka Djibouti, Thierry Choinier ayaa shalay dalka dib uga dhoofay,
kadib markii uu socdaal qaatay muddo saddex maalmood ah ku joogay
Somaliland.
Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Faransiiska ee Djibouti, Mr. Thierry oo
Sa xaafadda ugu waramayey Madaarka Hargeysa ka hor intii aanu dalka
ka dhoofin ayaa sheegay in ay dawladiisu qorshaynayso inay
goob-joogayaal caalami ah u soo dirto doorashada madaxtooyada
Somaliland ee lagu wad do in ay dalka ka dhacdo 27 September
2009, isagoo Somaliland ku amma anay hanaan dimuqraadiyadda ee
qaadatay, waxaanu xusay in dimuqraa diyadda Somaliland ay
marba marka ka dambaysa sii xoogaysanaysa, has e yeeshee Mr.
Thierry intaas ku daray in doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay
dalka ka qabsoonto sannadkan ay tahay mid lagu qiimayn doo no
dimuqraadiyadda Somaliland heerka ay gaadhsiisan tahay. “Waxaan
qabaa in dimuqraadiyadda Somaliland ay sii xoogeysanayso, waxaana
lagu qiimaynayaa doorashooyinka soo socda siday u qabsoomaan,” ayuu
yidhi Mr. Thierry.
Xoghaye Thierry wuxuu sheegay in ujeedada socdaalkiisa Somaliland ay
ahayd mid la xidhiidhay xog-ogaal u noqoshada xaaladda Somaliland
iyo sidii loo sii xoojin lahaa cilaaqaadka ka dhexeeya labada dal ee
Somaliland iyo Faransiiska.
Mr. Thierry wuxuu xusay in muddadii uu ku sugnaa Somaliland uu la
kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin iyo
saraakiil sar-sare oo ka tirsan golayaasha qaranka.
Sidoo kale waxa uu Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Faransiisku ku
leeyah ay Djibouti uu sheegay in muddadii uu joogay Somaliland uu
booqday mag aada dekedda ah ee Berbera, halkaas oo uu kula
kulmay madaxda Deke dda, Ciidanka Ilaalada Badda iyo
ganacsatada gobolka Saaxil.
Mr. Thiery Choiner, oo booqashadiisani aanay ahayn tii ugu horeysay
ee uu Somaliland ku yimaado, balse dhawr jeer oo hore booqashooyin
kala gaar ah ku yimid Hargeysa, ayaa waxa madaarka Hargeysa ku sii
sagoo tiyay Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) oo ah wakiilka Somaliland
u fadhiya dalka Faransiiska iyo saraakiil kale.
Haatuf
|