Waxa
laga joogaa 21 sannaddood markii heshiis ku
dhexmaray Maxamed Siyaad Barre
iyo Mingistu Xayle

Waxa
laga joogaa 21 sannaddood markii
heshiisku dhexmaray Maxamed S iyaad Barre
iyo Mingistu Xayle oo kala hoggaamin
jiray xukuumado kelitalis ahaa oo ka dhisnaa Jamhuuriyaddii Somaliya
iyo Itoobiya. Heshiiskaasi mar kii uu dhacay waxa aan joogay
magaalada Sheekh. Bishii Labaad ee
sanna dkii 1988 ayaan ka soo kicitimay
Muqdish, waa na lagu nabad qabay, waxa keliya ee dhegaha dadku ay
maqlayeen hadalhayntii xukunkii maalmahaa ku dhacay
Ismaaciil Cali Abokor oo ahaan jiray
madaxweyne ku xigeen iyo Cum ar Carte
Qaalib oo muddo dheer ahaa Wasiirkii arrimaha dibedda oo
labado odaba lagu xukumay dil iyadoo la
sii daayey dhammaan xubnihii la xidhnaa o o ka soo jeeday
koonfurtii Soomaaliya ee xilligaa. Dilkaas oo markii danbe lo ogu
bedelay xabsi aan dhammaad lahayn. Maalmahaas ayaan ka soo anbab
axay Muqdisho.
Socdaalkaygii hore waxa aan ku horreeyey Hargeysa, balse markii
danbe w axa aan ku soo noqday Sheekh. Goor galab ah oo
saacadda afrikada bari c aga-cagaynayso shantii galabnimo ayaa
loo diyaargaroobay BBC dii. Waa
Makhaayad hadhqoodaarkeeda, waxa fadhiya dad badan waxa dhegta loo
taagayaa heshiiskii dhexmaray Siyaad iyo
Mingistu. Wax la sugoba waxa ay si faahfaahsan uga warrantay
heshiiskii. Waxa aan ka xasuustaa
1.
In ciidanka xadka fadhiya 30 km laga durkiyo
sooh dimaha
2.
In la xidho idaacadaha xooggaga mucaaradka ku
ah labada dal
3.
In tageerada laga joojiyo xooggaga mucaaradka
labada dhanba
Xilligaa waxa jiray oo keliya oo xoog ahaa jabhaddii
SNM. Waayo muddo ka hor ayey burburtay
jabhaddii ugu da'da weynayd ee SSDF oo uu hoggaam inayey Cabdilaahi
Yuusuf Axmed, oo xilligaa xidhnaa, kuna xidhnaa Itoobiya.
Heshiiskaasi waa mid aan tuugna xadi karin. Waxa uu ahaa mid
muujinayey daciifnimadii maamulkii Siyaad Barre. Waayo waxa uu u
saxeexay in aan laga hadli karin dhulkii Soomaligalbeed oo ay
Itoobiya iska leedahay. Isagoo xillig aa u arkayey dhibka ugu
weyni in uu yahay kursiga oo lagu soo weeraro. Sheekadaas umaan
bixin ee yaanaan qalin taraarin ee aan soo gondadego. Makhaayaddii
baynu fadhinay. Markii ay BBC dii warkii dhammaysay baa dadkii
sheekaysteen. Nin Gaashaanle sare ahaa oo haystay ciidanka xoogga
dalka ee xerada Sheekh baa intuu qoslay yidhi: " Maantaa geeleenu
nabad ku daaqayaa dhulkii Hawdka" Dee cidi uma ay jawaabaynoo waaba
laga baq ayey. Laakiin waxa hoos loo sii lahaa" Yaa... ...
waar maantay inoo dhamma tay. Maantaa la soo qabqabanayaa
SNMtii iwm.
Maalintii danbe ayaa la waraystay Muj: Axmed
Siilaanyo. Waxa aan ka xasu ustaa su'aalihii la weydiiyey:
"Miyaan
halgankiiníi sidaa ku istaagin mar had dii ay heshiiyeen
Siyaad Barre iyo
Mingistu? warcelintiisii
baanaan illaabi kar
in oo ka kululaa madaafiic. Waxa uu
Axmed ku jawaabay: "
Halgan kayagu kuma xidhna laba dal oo heshiiya
ee waa halgan ummadeed, mana joogsan ayo"
Hadaladaasi waxa ay u ahaayeen dulmanihii xilligaa joogay,
hadallo lagu diirsado. Waxa ay u ahayd
yididiilo. Waxa tuhun uu geliyey in uu
ogyah ay arrimo u qarsoon iyo awoodo uu ku
faani karo oo ka qarsoon Labada da wladood ee heshiiyey. Waxa
taa xigtay saddex bilood dabadeed, in dalkii ba la soo galay
oo SNM ka dhex toostay
Burco iyo Hargeysa.
Markii uu dagaalku
bilaabmay ayaa la weydiiyey qaabka dagaalku uu u dhac ay. Axmed
Siil aanyo markii uu ka jawaabay su'aalihii kale ayaa la weydiiyey
in ay Sheekh gacanta ku hayaan. Runta ayuu ka sheegay oo yidhi Maya,
Sh eekh ma odh an karo. Markaa waxa aan ku sugnaa magaalada
Sheekh, oo dee haddii uu odhan lahaa SNM
baa haysata warkii oo dhan waxaanu is odhan lahayn waa been. Waxaase
waraysigaasi uu noo caddeeyey in uu xaqiiqo ka sheegayey goobihii
dagaalku ka dhacay.
Haddii aan xasuusta dib halkaa uga sii celiyo. Dagaalkii uu ku
dhintay Maxamed Xaashi Lixle 1984kii ilaahay ha u naxariistee ayaa
uu ku jawaabay, SNM waa wada Lixle, oo
macnaheedu ahaa haddii uu geesi naga dhintay
SNM waa wada Geesi.
Isku soo wada xoori. Maalintii Jimcihii ee
bishu ahayd 12/06/2009 ayaan ku la kulmay casha sharaf
loo sameeyey Mud: Axmed Maxamed Maxamuud Siil aanyo iyo Marwadiisa
iyo xoghayaha arrimaha dibedda ee KULMIYE.Waxa ca shasharaf-taas
sameeyey Jaaliyadda deegaanka Dariiqada Sheekh
oo aa n ka mid ahay. Waxa dad badan garanayaan
deegaanka Dariiqada Sheekh oo xilli laga joogo
150 sannadood ka hor ka xoroobay
qabyaaladda iyo kala qay bsanaanta dadka soomaaliyeed ragaadiyey.
Waa deegaan kooban oo hadda na ay deggenyihiin qabaal aad u fara
badan oo ka kala yimi deegaanno kala fog. Waa deegaan ku caan ahaa
waxbarashada, waa meel ka tilmaaman dee gaanada kale. Waxba yaanaan
taa ku dheeraan ee aan ku soo noqdo casha dii iyo kulankii Siilaanyo.
Kulan kaasi ma uu ahayn mid lagaga sheekaysanay ey xaallada maanta
taagan, ee waxa aad u xiise badnaa, in waayo hore iyo taariikho hore
ilaa dugsigii hoose ay isla garteen si fiicanna noogu soo gudbi yeen
Ruugcaddaaga, Rashiid Sh Adan Xasan iyo
Axmed Maxamed Siilaanyo.
Sheekooyinkaas iyo kaftankaas waxa dhexsocday cuntadii iyo
cabbitaankii oo uu xilweyn iska saaray
Caddaruus Sh Aadan oo gurigiisa marti loo ahaa. Qoraalkan
uguma aan talo gelin xaaladda maanta taagan iyo xisbiyada toon na.
Qof kastaaba xisbiga uu doono ayuu taageerayaa oo uu xor u yahay ee
taariikh hore iyo xusuus ayuunbaan qalinka u qaatay iyo tilmaamid
kulankii iigu horreeyey ee aan la kulmo Axmed
Siilaanyo oo aan aad u xasuusto anig oo dhawr iyo toban jir
ah iyo xaaladdii adkayd ee dalku berigaa ku jiray oo uu ahaa
hoggaamiyihii SNM iyo maanta oo Afartan
jirkii wax ii weheliyaan.
Waad qiyaasi kartaa muddada u
dhaxaysa. Wax badan baa isbedelay oo ilm ihii maalintaa dhashay xaas
buu leeyahay. Kii shan jirka ahaa waa soddon jir ku dhowaad. Dadkuna
taariikhda waxa ay ka eegaan kolba halka maanta ta agan. Tagtada
ayaa lagu saxaa timaaddada. Haddii kale meel laga yimi iyo m eel loo
socda toonna garanmaysid oo waxaad noqonaysaa
"Dhirad onkod kiciyey"
Sayid Maxamed Yuusuf
Stockholm/Sweden |
|