Waxaa ummadda Somaliland looga digayaa Urur la magac baxay S-NUM oo isaguna ku hawlan falal Argagixiso ah

 

Ugu horayn waxa hambalyo iyo bogaadin mudan xukuumadda JSL oo muddo bil ka yar ku soo gebegebaysay baadhitaankeedii kuna soo bandhigtay ciddii ka dambaysay weerardii Argagixisada Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay caasimadda JSL, Hargeysa, Isla markiibana si habsami ah halkeedii uga amba qaaday hawshii muhiimka ahayd ee is diiwaan galinta. Intaa ka dib maqaalkan oo ah qormadii ugu dambaysay warbixin 3 qaybood ah oo laga soo saaray kulankii UDUB UK ku qabteen magaalada Cardiff ee Wales dabaayaqadii bishii hore ee November, kuna saabsanaa la dagaalanka Argagixisada iyo dardar galinta hawlaha Xisbiga UDUB iyo Xukuumadda JSL, waxaanu halkan ku soo gudbinaynaa go’aamadii iyo talooyinkii ka soo baxay Kulankaas gaar ahaan intii loogu talo galay Saxaafadda.

1. Waxaa haboon in goobahooda lagu weeraro ciddii soo abaabushay Argagixisadii 29 October. Waxaa kale oo ummadda Somaliland u baahan in looga digo Urur la magac baxay S-NUM oo isaguna ku hawlan falal Argagixiso ah oo uu ka fuliyey gobalka Sool. Ururka S-NUM waa Urur loo asaasay ama u taagan la dagaalanka Muwaadiniinta JSL iyo burburinta Qaranka JSL. Ururkani wuxuu fuliyaa hawl gallo ciidan iyo kuwa siyaasadeed oo dhan ka ah jiritaanka Somaliland sida ku cad ujeedooyinkiisa aad ka akhrisan karto Bartiisa Internetka ama Mareegta hoos ku xusan. Sida laga warqabo wuxuu ururkani ka fuliyey Gobalka Sool hawl gallo bilow ah iyo qaraxyo ku beegnaa isla todobaadkii ay dhaceen weeraradii Argagixisada ee Hargeysa.
Guji Mareegtan: http://www.n-sum.org/sites/default/files/press.pdf

2. Shicibka Somaliland waa in si joogto ah loo wacyi galiyaa looguna baraarujiyaa muhimadda nabad galyada, xasliloonida iyo amaanka qaranka.Waxa loo baahn yahay in dadkeenu yeeshaan dareen fog, lana yimaadaan feejignaan dheeraad ah. Muwaadin kastana waa in lagu booriyaa waajibaadkiisa, meeshiisana waa inuu heegan ka galaa lana shaqeeyaa ciidanka iyo hay’adaha nabad galyada si loo fashiliyo shirqoolada iyo dibin daabyooyinka cadawoga JSL iyo damaca Argagixisada.

3. Waa in lagu canbaareeyaa Qaramada Midoobay “U.N” go’aankeedii Argagixisada u hiilinayey ee ay hoos ugu dhigeen heerka nabgalyada ka jirta Somaliland. Talaabaddan haddii ay ku adkaystaan waxay sii xaqiijinaysaa Siyaasaddooda ku salaysan waxqabad la’aanta, cadaalad xumada, cunsuriyeynta, dafiraadda iyo duudsiga xuquuqda dadka Somaliland.

4. Iyaga oo midaysan kana tarjumaya siyaasadda arrimaha dibadda JSL waa in Jaaliyadaha Somaliland iyo Ururadooda, Axsaabta siyaasadda iyo Wakiilada ama Xafiisyada dibadaha ee JSL ay abaabulaan mudaharaadyo iyo ficilo kale oo ay ku muujinayaan dareenkooda Aqoonsi doonka JSL iyo sida ay uga xun yihiin dhibaatada iyo dulmiga caalamiga ah ee lagu hayo dadka Somaliland
5. In Xukuumadda JSL sii kordhiso dedaalkeeda ku waajahan ka qayb galinta shacbiga Somaliland awoodaha iyo talooyinka iyo go’aanada ku saabsan aayahooda ama mustaqbalkooda.isla markaana waa inay dardar galiso hawlaha daryeelka iyo adeegga ay u fidiso shacbiga Somaliland .

6. In Xisbiga UDUB uu dhamaystiro wixii hawlo ka qabyo ah si loogu diyaar garoobo doorashada Madaxweynaha JSL ee March 09. Umaddana loogu soo bandhigo Barnaamijyada UDUB ee CUSUB. Xubnaha xisbiga UDUB waa inay muujiyaan midnimo, iskana ilaaliyaan talaabooyinka ka baxsan xeerka iyo falalka keenaya fadeexaddii xisbiga Kulmiye oo kale. Habka iyo hanaanka loo qabto loona maamulo shirweynaha xisbiga UDUB ayaa muujin doonta masuulnimada iyo bisaylka siyaasadeed ee xubnaha iyo guud ahaan xisbiga UDUB marka loo eego Axsaabta mucaaridka ah.

7. Saxaafadda Madaxa banaan iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay waxaa looga baahan yahay xilkasnimo dheeraad ah gaar ahaan xilliyada iyo xaaladaha aan caadiga ahayn. Dawladda iyo Shacbiga iyo Jaaliyadaha Somaliland waxaa la gudboon inay kawada tashadaan qaabka ugu haboon iyo talaabada u qalanta ee laga qaadi karo maamulka qaybta Afsomaliga ee BBCda si ay Idaacaddu u noqoto mid qancisa dhegaystayaasheeda Somaliland.

8. Waa in hogaamiyaasha iyo masuuliyiinta rayidka ah ee magaca iyo maamuuska ku leh bulshada dhexdeeda sida: Culimada Diinta, Madax dhaqameedyad, Abwaanada, Aqoonyahanada, Macalimiinta iyo Waalidiintuba kordhiyaan isku xidhnaantooda si ubadkeennu u helaan tusaale lagu hirto, Aqoonta hufan iyo Akhlaaqiyaadka hagaagsan ee dhaliya bulsho leh cudud iyo cilmi midaysan oo lagu caabiyo Cadowga.

9. In la sameeyo Cilmi baadhis kala duwan si loo ogaado xqiiqada iyo sababah keenay ama ku kalifaya shakhsiyaad Somaliland u dhashay sida qaar Siyaasiyiin sheeganaya, qaar Wadaado sheeganaya, qaar Baayaca mushtar sheeganaya iyo qaar Professors sheeganayaba iwm inay ka shaqeeyaan dibin daabyada iyo duminta Qarankooda JSL.


10. Xisbiga talada haya ee UDUB iyo Xukuumadda JSL waa inay ummadda uga xog waramaan si joogto ah hawlaha iyo hagardaamooyinka hogaanka iyo madaxda sare ee Axsaabta Mucaaridka ah si ay u bedalaan habdhaqankoodasSiyasadeed ee ay kulamada iyo shirarka dawladaha iyo haydaha caalamiga ah kaga dacweeyaan kuna codsadaan in la cuna qabateeyo xukuumadda JSL iyo hadalada caadada u ah ee cadowga Somaliland dhegahoodu ku raaxaystaan.
 

 


Ilaahay baa Mahadleh


Axmed naasir Xirsi Maxamed