Waxaa
Nabadgeliyada Wiiqaya Oo Kow Ka Ah Guddida Rugta Gana csiga,...Madxwaynahana
Waxaanu Ugu Baaqaynaa Oo Aanu Lee nahay Madaxwayne Goaan Adag Ka
Qaado,Suldaan Xasan.
Hargeysa (TNN)- Salaadiinta Somaliland ayaa dareen cadho leh ka
bixiyay falka lagula kacay Muj. C/qani Guun iyo caruurtiisa, oo ay
ciidamada booliska Somaliland saaka xoog kaga saareen gurigii uu
deganaa, oo ku yaala degmada 26-ka June ee caasimada Hargaysa, gaar
ahaana xaafada Hindiya Laynka.
Gurigan ay ciidamada boolisku sida khasabka ah kaga saareen mujahid
C/qani Guun iyo caruurtiisa oo ka mid ah guryaha dawlada ayay muddo
labaatan sano ah deganaayeen mujaahid C/qani Guun iyo laba qoys oo
kale.
Waxaanay talabadani dhacday ka dib markii dhismaha gurigaasi ay
iibsadeen guddida rugta ganacsiga S omaliland oo la sheegay in ay
doonaya in ay halkaasi ka dhistaan dhisme u noqda xarun, waxaana la
shee gay in labadii qoys ee kale ee gurigaasi la deganaa mujaahid C/qani
Guun la siiyay lacag si ay guryo kale u iibsadaan meeshaasina ay uga
guuraan,balse in aan C/qani Guun isaga la siinin wax lacag ah, ka
dibna uu ka dalbaday guddida rugta ganacsiga in ay isna lacag
siiyaan sida qoysaskii kale ee la deganaa gurigaasi, taasina ay
sababtay in saaka si xoog ah ay ciidamada boolisku kaga saareen C/qani
Guun iyo caruurtiisii isla markaana banaanka u daadiyeen.
Falkaasi ay ciidamada boolsiku kula kaceen qoyska mujaahid C/qani
Guun ayaa waxa si xun uga cadhooday isla markaana halkaasi
gacantooda kaga dareeriyay shaqaalihii duminayay gurigaasi qaar ka
mid ah salaa diinta ugu magaca wayn Somaliland.
Suldaan Xasan Suldaan C/raxmaan, oo ka
mid ahaa salaadiintii halkaasi soo gaadhay oo warbaahinta halk aasi
kula hadlay ayaa sheegay in falkii lagaga saaray gurigii uu deganaa
mujaahid C/qani Guun in ay ka da nbeeyeen guddida rugta ganacsiga,
gaar ahaana guddoomiyaha guddidaasi iyo wasiirka diinta iyo awqaf ta.
Gurigan aynu arkayno waxaa saaka ciidamada booliska Somaliland ay ka
dareeriyeen oo dibada u tureen Muj. C/qani Guun iyo xaaskiisii iyo
caruurtiisii ayaa dibada looga saaray, isaga oo ka mid ahaa
mujaahidii ntii dalka u soo halgantay ee xaqa ku lahaa, qadiyadaas
oo ay ka danbeeyeen guddida rugta ganacsiga oo uu ugu horeeyo
guddoomiyuhu, waxa kale oo goob joog ka ahaa wasiirka diinta iyo
awqaafta Somaliland iyo xubno kale oo ganacsato ah oo muhiim ah,
ayuu yidhi Suldaan Xasan.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi Waxaa mujaahidkaa isaga
iyo caruurtiisa guriga laga soo dar eeriyay loogu amar ku taagleeyay
shaadhkii dawlada, taasi oo aanay xukuumada ka istaahilin mujaahidii
ntii dalka u soo halgamay, iyaga oo xurmo iyo sharafba inaga mudan,
ninkaas oo boqol jeer u soo dhaaw acmay dalkan kuna suntanaa dadkii
taariikhda ku lahaa halganka. gurigan wuxuu ku jiray muddo 21-sano
ah, gurigu waa guri dawladeed dawladuna xaq bay u leedahay, sharci
hore oo xukuumadii hore ay jidaysa y ayaa dhigaya dadka in aan cidlo
lagu daadin xaasaska iyo caruuraha ku jira guryaha dawlada ee wax u
dhigma waxa ay maanta hayaan taas oo ay wax ku kaban karayaan in la
siiyo,ayuu yidhi Suldaan Xasan.
Suldaanku isagoo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi Halkan saddex guri
ayaa ka muuqda, saddexdaa guri la ba guri oo ka mid ah dadkii
deganaa si fiican ayaa loo raray, laakiin ninkaa mujaahidka ah waxa
ku dhacay wax loola jeedo dulmiga ku dhacay ayaanu aad iyo aad uga
xunahay, waxaanu canbaaraynaynaa cida fal kaa ka danbaysay
guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo inta xubnaha ka ah, guddida rugta
ganacsiga waanu la kulanay noomay xurmayn sidii salaadiin ahaaneed
waxaanu ka xunahay in aanu kala kulano hadalo milgo daran oo nabad
geliyadana wiiqaya, anaga oo ah salaadiintoodii.
Maanta ayay Haraysa wax ka dhaceen, shalay ayay ka dhaceen
masuuliyiin ayaana sababaysa, masuuliyii nta noocaas ah ee sababaya
in dhiig biniaadam daato wax xal loo helayo ma aha aad iyo aadna
waanu u ga xunahay, waxaanu madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland ugu
baaqaynaa in uu si deg deg ah wax u ga qabto ninka guddoomiyaha
rugta ganacsiga ah iyo wasiirka diinta iyo awqaafta, ee mansabkii
dalka ugu sareeyay ee cadaalada haya, oo aanu maanta kala kulanay
arrimo waayeelnimo iyo odaynimo ku jirin, oo aad arkaysaan sida ay
bacadk u wadheen dadkii dalkan u soo halgamay.
Waxaanu ugu baaqaynaa shacabka Somaliland iyo dadka kale ee
dhaq-dhaqaaqyada wada in ay nabad ge liyada ilaaliyaan, waxaa maanta
nabadgeliyada wiiqaya oo kow ka ah guddida rugta ganacsiga, madxwayn
ahana waxaanu ugu baaqaynaa oo aanu leenahay madaxwayne goaan adag
ka qaado, balo daaman la qa btay leedahay ee dabo la qabto ma
laha,ayuu hadalkiisii ku soo gabo-gabeeyay Suldaan Xasan.
Source: Hadhwanaagnews
|