Gudoomiyaha Golaha
Deegaanka Gabiley Aadan M ux umed Badde oo
Shir-jaraa,id oo uu ku qabtay

waxaa jiray arabsiyo oo dhulka
hanuunintu waxay ahaayeen dhul qiyaastii shan baloodh ah, shanta
baloodhna way dunsanaayeen oo waxaa ka buuxay baco, kaadi iyo qudhun
.......
abiley (Longlivesomaliland
News):- Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Gabiley Aa dan Muxumed
Badde ayaa maanta Shir-jaraa,id oo uu ku qabtay xafiiskiisa
maga alada Gabiley kaga waramay arimo dhawr ah oo ay xildhibaanada
gobolka ee go laha wakiilada iyo wargayska madaxa banaan ee
jamhuuriya buuniyeen.
Maayarka Gabiley waxaa uu si toos
ah uga jawaabayay eedaymo ay u soo jeedi yeen xildhibaano ka
tirsan golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland.
Maaryarka Gabiley Aadan Muxumed Badde waxaa uu hadaladiisa ku
bilaabay sid an:“waxaan maanta iskugu kiin yeedhay oo aan
doonayay inaan ka jawaabo arin waayahanba warbaahinta dalka ka
socotay oo la yara buunbuuniyay. Waxay wa r gayska jamhuuriya iyo
xildhibaano ka tirsan golaha wakiiladuba qoreen in caga fyo
laga iibinayo maamulka kilidhka shanaad ee itoobiya. Taasi oo ay
sheegeen in maamulka golaha deegaanku ka xaraashayo. Horta itoobiya
waa dal aynu jaar iyo walaalo nahay wax laga xaraashayaana ma jiro,
arintaasina waxka jiraa ma jiro ee waa been aan sal iyo raad toona
lahayn.
Waxaan dadka u caddaynaya inay buunbuunin tahay arintaasi waxaa
cadaynaya cagaftaa dheer ee jaraa,idka ku sawiran ee laleeyahay way
xaraashayaan, hor ta maba lihin cagaf noocaas oo kale ah.
Cagafyadayadu waa kuwa beeraha qoda xabad kaliya oo nooca loo
yaqaano buldowsar ah. Markaa waxaasi waa buunbu unin qofku
waxa uu doonana inuu iska sheego maaha, laakiin waxaa leenahay
m arka danta Gabiley laga hadlayo, danta Gabiley meel alla meeshay
gasho oo kas ta waanu u tagi, annagaana ka wakiila, umada
anakaa ka wakiila, waxaa jira jira golle deegaan, guddi fulineed oo
ka tirsan goalaha deegaanka, waxaa kale oo jira guddi joogta ah.
Markaa wixii dantu tahay waanu u hawl gali. Qofka arin ka hadl
a yaana waa inuu wax ogaado oo waxa uu ka hadlayo xog-ogaal u ahaado.
Labada xildhibaan ee
jaraa,idadada ka hadlaya: midi waxa uu leeyahay Itoobiya ayaa laga
xaraashayaa kala kalana ina adeerkii oo Itoobinayaana ayuu ka
xaraa shayaa maayarku.
Horta inay iyagu is waraystaan oo ay wax isku mid ah ka wada
hadlaanbay aha ayeen. Waxaa leeyahay xildhibaanada, waxaa
tihiin xildhibaanadii laga soo doort ay gobolka, waxaaanan
filaynaa inaad wax na tartaan oo wax nagu soo kordhi saan oo
talo iyo tusaaleba nala ag istaagtaanbaan eegaynay, laakiin, inaad
uma dda wax aan jirin ku carqaladaysaan, oo waxaan jirin u sheegtaan
umadda sidii ay nabadgalyo darro jirto.
Waxaa jira baahi loo qabo cagaf sheewal ah, cagafta sheewalka ahna
ma iibsan karno. Waxaa magaalada koonayaasheeda yaal xashiish faro
badan oo aan idin soo tusi doono (saxaafada) oo ciidaas ka faro
badan. Gabiley waxaa hareeraha ka mara laba doox. Labaduba waxay
tagaan ceelasha laga soo dhaamiyo biyaha, meelaha xashiishku
yaalaana way dul yaalaan labada doox.
Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Gabiley mar uu ka hadlayay baahida
keentay i nay ku bdedeshaan cagafyadan iskaraabka ah mid cusub
oo sheewal ah waxaa uu yidhi “maalin dhawayd aqal danyar ah ayaa ku
gubtay gudaafada agteeda, haayadbaanu ka codsanahay inay wax nagala
qabato, oo god kale nala qodo.
Godkaana magaalada ayaanu ka
saarnay, kadib waxaa loo baahan yahay godkan xashiishkiisa inaanu
qayb aasno, qaarna qaadno oo godkaa kalee cusub gayno. Waxaa kale oo
loo baahan yahay wadadan yaryar ee cusub ee aanu dhisnay iyo
wadooyinka kaleba, cagaf sheewal ah oo aanu wax ku qaadno ayaa loo
baahan yahay. Cagafta sheewalta ah markaanu u baahano waxaa nalagaga
kireeya hal ka saac $50 dollar (konton doolar) oo waliba waxaa
lagu daraa inta ay noo soo socoto Gabiley gudeheedana lagama helayo.
Wax gunti la galiyo cagafyadu way ka wayn yihiin, wax gooni loo
qarsanayona maaha, hadday dadwaynaha tahay, hadday golaha deegaanka
tahay, iyo haday wasaarada arimaha gudaha tahay ba. Ugu horayn
arintan waxaa isla soo qaaday oo iska arkay golaha deegaanka, waxaa
kale oo socday in maamulka gobolka aanu u gudbino, kadibna wasaarada
arimaha gudaha usii gudbino oo wixii la is wada waafajiyo lagana
wada tashado. Is aragayagii ayaa la xandhagaystay oo la buunbuuniyay
ee wax la iibiyay iyo w ax lakala bedeshay toona ma jiraan.
Laakiin goluhu wuxuu isla gartay cagafyad aa qaar ka mid ah
aanu ku bedelano cagaf sheewal ah. Nidaamkiina wuu socdaa oo waanu u
gudbinaynaa haday tahay gobolka iyo arimaha gudahaba.
Dhinaca kale oo gudoomiyuhu waxaa uu ka hadlay arintii dhulkii
hanuuninta ar absiyo oo lagu eedeeyo inay iibiyeen maamulka
Gobolka iyo Golaha deegaanka Gabiley Gudoomiyuhu isagoo arintaa ka
hadlayana waxaa uu yidhi “waxaa jiray arabsiyo oo dhulka hanuunintu
waxay ahaayeen dhul qiyaastii shan baloodh ah, shanta baloodhna way
dunsanaayeen oo waxaa ka buuxay baco, kaadi iyo qud hun,
oo waxay u dhawayd suuqa dadka qayilaya ayaa usoo kaadi tagi jiray.
Waxaananu isla garanay inaanu
dhisno xafiisyadii dawlada hoose ee Arabsiyo. Dawlada hoose ee
Arabsiyo waxay ku jirtaa guryo kiro ah oo aan anigu ugu imi
day. Waxay maamulka arabsiyo iyo xildhibaanada golaha deegaanka ee
arabsiyo laga soo doortay iga codsadeen inaanu meel maamul oo haddii
aanan kari karayn aan u ogalaado in goobtan la iibiyo, kadibna meel
kale loogu dhiso. Codsigiina waan ka ogolaaday, codsigiina waxaanan
hor geeyay golaha sidii sharciga ilayn aniguuni wax iskama goosan
karee, golihiina way ogalaadeen. Maanta waxaa idin tusi doonaa (saxaafada)
meeshii aanu ugu tlagalnay oo ah shan xafiis iyo Hool. Lacagta
meesha lagu iibiyay waxay ahayd $25,000 dollar (shan iyo labaatan
kun oo doolar).
Shirka jaraa,id ka dib maayarka Gabiley Aadan Muxumed Badde waxaa uu
saxaa fada soo mariyay Goobta uu ku yaalo dhulka hanuuninta Arabsiyo
iyo sidoo kale goobta loo dhisayo dawlada hoose ee magaalada
Arabsiyo oo la filayo in xadhiga laga jaro todobaadyada soo socda.
Waxaa kale oo uu maayarku saxaafada geeyay meesha lagu shubi jiray
qashinka magaalada Gabiley oo buux dhaaftay iyo goobta cusub ee loo
baneeyay in lagu shubo qashinka magaalada oo sadex kiiloo mitir
waqooyi ka xigta magaalada Gab iley.
Sidoo kale gudoomiyuhu waxaa uu warbaahinta tusay cagafcagafyada
lagu eed aynayo in laga iibiyay itoobiya oo uu sheegay inay
wali yaalaan, laakiin ay ahayd qorshe la doonayay in la hirgaliyo
kadib marka laga wada tashado. Labada cagaf ayaan ahayn kuwa beeraha
lagu qoto laakiin ahaa kuwa dhaadheer ee silsilad aha leh,
kuwaasi oo uu sheegay gudoomiyuhu inay doonayaan inay ku bedes
haan mid ka wayn labadanba, kana cusub.
Nimcaan Dheeg ibraahin
Longlivesomaliland News Reporter
Gabiley/Office
nimcaan@longlivesomaliland.com
|