midnimadeena oo aynu
ilaashano iyo hal qawl oo aan ku hadalo,Iyo
Saxaafadeena oo mid qudha ah, cadawgana
il-dheer ku eegaan

Waxaa hubaal ah oo inagu socoda,
hadii aynu nahay Soomaaliland, Colaado fara badan, kana soo
burqanaya cadowga Soomaaliland. Waxaana ugu hore eya
Saxaafadii Soomaaliland oo la rabo inlaga dhex ridio khilaaf, Taasi
oo aad mudooyinkan ugu dambeeyey ku arkeyso in saaaxafdii
Soomaalilanad ku ma sh-quul-santahay ka hadalka inanyar oo qaxooti
ah, oo inta uu gurigiisa dhe x-dhigtay Compurter qora been aan
sal iyo raadtoona lahayn. Runtii waxaan aniga qabaa inaanu
istaahilin in wakhti lagu luimiyo.
Saaxaafadu waa indhaha umada waa kuwa loo sameeyey inay umada u
tilma amaan shar iyo kheyrba. waa kuwa la doonayo inay hal taar-gid
yeeshaan u na adeega danaha ummadda.waxaan haboon inay Iskana
ilaaliyaan wax kast a oo khilaaf ku keeni kara.
Meelaha kale ee weerarku ka imaanayo waxaa kow ka ah Wadaka Kenya,
hal kaasi oo uu jeefo naxliga ugu weyn ee nacaybka Soomaaliland.
Waxaa kale oo ku soo biiray FM-ta VOA, oo iyadan hada rukhsad loo
siiyey in ay wadanka been ka sheegto. Hore waxaa khaati looga joogey
tii BBCda iminkana tan ay aa ku soo biirtay.
Waxaa kale oo iyadauna jiraty masiibo kale oo ah qaxooti aad u fara
badan oo bar-yahan ku soo qul-qulaya wadanka, iyaga oo aan wax
dhibaato ah ka jrin meelaha ay ka imanayaan. qoxootigaasi waxaan
anigu qabaa in loo gacan haadinayo oo dano siyaasadeed ka dambeeyaan.
dadakaasi waa culeys wey n oo aan Soomaaliland qaadi karin
dhican-kastaba, Dawlada Soomaalilandna qorshe ay la damacsantahay
ilaa hada ma cada .
Hadaba , waxaa si oo dhibaatooyin ah ee aan kor ku soo sheegey waxaa
laga hortagi karaa midnimadeena oo aynu ilaashano iyo hal qawl oo
aan ku hadalo Iyo Saxaafadeena oo mid qudha ah, cadawgana il-dheer
ku eegaan..
By:Maxamed Yuusuf Buux
|