Waxa Sharaf Iyo Karaamo Mudan Odayaasha Dirta Koonfureed Ee Ku Baaqay!!!
 

Waxaan marka hore ku bilaabaya magaca Eebe kor ahaaye. Waxaan salaamaya dadka akhristan dhambaalkan yididiilada iyo naruurada xambaarsan waxa kale oo iyagana tix galin mudan tafatirayaasha sii daaya si loo akhristo.


Warka xaley sidii roob gudgude
Raadtv-gu noo keenay
Ee uu rabaqey uunku
Ma runbaa dirta Koonfureedow
Aduun raasamaal ma lehe.

Waxaan sharaf iyo karaamoba mudan odayaasha dirta Koonfureed ee sida raganimada iyo walaalnimadu ku jirto ugu baaqey in beesha caalamku aaney indhaha ka qarsan, waxa wanaagsan ee ay qabsadeen dadka ku dhaqan Somaliland, iyagoo weliba Somalida kale ugu baaqey in intooda caqli lahi ay qirto waxa ay qabsadeen dadka reer Somaliland.


Waxba yaanu xeerkey i marin,
Xoolana i siine
Xaashe`e nin liban kaa xistiyey
Xumihii waa yaabe.


18 sano sano ayey dadka Somaliyeed ee ku nool koonfurta Somaliya ku jireen dagaal iyo qalaalase ay ku naf waayeen kumaankun qof, kumaan kun kalena ay ku bara kaceen, halka kumaankun kalena ay ka dhuyaaleen dhulkoodii hooyo. Dhibaatada intaa leeg waxaa keliya oo sababey waa rag caqli gaaba oo dhamaantood ka fikiraya jeebkooda iyo danahooda gaarka ah. Weli fari kama qodna xal u helida koonfurta Somalia waxaana sii laba laxaadsanaya khilaafka u dhexeeya imaan lawayaasha marba shaadh gashanaya ee kolba intii markii hore isku kooxda aheyd ay u sii kala jajabeyso unugyo iyo ururo is khilaafsan. Waxaa wax laga xumaado ah in dano shaqsiyaad gaari ay leeyihiin uu maalin kasta god madow ku sii rido rajadii umada Somaliyeed. Taas oo keentey in magacii Somaliyeed uu noqdo wax laga naxo.

Bil xaqiiqatan waxaa la jooga markii caalamka iyo Somalida miyirka qabtaaba ay qiri lahaayeen in la joogo xiligii laabta iyo niyada laga ogalaan lahaa in Somaliland la siiyo aqoonsi buuxa oo caalamka ay kaga mid noqoto. Somaliland oo kameel koone ah ista taagtey Somalida tashan gara la` ayaa waxaa ka jirey 18 sano kala danbeyn maamul iyo nabadgelyo aan ka jirin wadamada Caalamka ugu maaliyada badan.

Dabcan hadii Caalamka, Africa iyo Somalida kelaba ay xaqiiqda u soo noqdaan oo ay Somaliland indha runa ku eegaan waxaa hubaal noqon doonta in markaa xal loo heli doono, xalinta khilaafka faraha lagaga gubtey ee ka aloosan Koonfurta Somalia. Haa, muran kuma jiro in maanta Somaliland aaney awood dhaqaale u hayn in ay si dhaba u xaliso khilaafka Somalia, waxaa iyana waaliya ninka ku taliya in Somaliland ay ku milanto halaaga ka socda Somaliyada Konfuureed.

Gegabagebadii waxaan anigoo ka hadlaya magaca dadka reer Somaliland aan mahad celin u fidinaya odayaasha dirta koonfureed ee shirka jariid ku qabtey magaalada Muqdisho iyagoo ugu baaqey caalamka iyo Somalidaba in la joogo xiligii Somaliland xuquuqdeeda muranka laga saari lahaa.


Alla mahad leh

 

 


Qalinkii: Osman Omar Dool
Oslo Norway