Waxa
Miisaaniyada 2009 Ka Muuqata Been Abuur badan

Mr.Cali Guuleed oo ka tirsan
qurbo-jooga xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, isla markaana ah
aqoonyahan dhinaca dhaqaalaha wax ka qora ayaa si kulul u naqdyey
miisaaniyad sannadeedka ay wasaarada maaliyadu soo gudbisay
sannadkan 2009, taasi oo uu ku tilmaamay mid aan isku dheeli tirnayn
oo madmadaw badani ka muuqdo.
Qoraal dheer oo uu Cali Guuleed ku naqdiyayo Miisaaniyada oo uu
xalay Jamhuuriya Soo gaadhsiiyey waxa uu u qornaa sidan;
“Miisaniyaddaha uu Wasiir Cawil soo gudbinaayay shantii sanno ee uu
xilka hayey, waxa ka muuqatay inaan la isku hawlin oo saacadda u
dambeysa inta tii hore la soo qaato lambarada uun la kala beddelo
iyada oo aan cidna la gala tashan khaasatan wasaaradaha ay khuseeyso.
Wasiirku waxa uu caaddeystay ina aannu soo bandhigin kharashka runta
ah (actual) ee baxay sannadkii hore si loo ogaado loona naqdiyi karo
faraqa (defict or surplus) u dhexeeya miisaniyadda mala’awaalka ah
(estimate) iyo kharashka runta ah. Mar haddii taa la waayo oo ay
noqoto mala-awalkii sannadkii hore oo la garab dhigaayo mala-awaalka
sanadkan wax qiima ah oo aay ku fadhida ma jirto. Shanta sanno ee uu
Cawil wasiirka ahaa sannad qudha ma soo bandhigin kharashka runta ah
(actual expenditure) ee baxay.
Dakhliga Miisaaniyaddo waa mala-awaal cilmiyeysan (educated guess)
oo ku saleysan cabir (projections) xaaladda dhaqaale, tu hore iyo tu
soo socotaba. Marka la cabiro dakhliga ayaa dabeetana laga fuudh
yeelaa baahida haddaba taal iyada oo la kala fadilaayo (Prioritize),
taasi kama muuqato miisaniyaddaha uu wasiir Cawil soo gudbiyo.
Waxa ka muuqata miisaniyadda 2009 sidii ay kuwii horeba uga muuqatay
been-abuur cad sida miisaniyadda loo qoondeeyay naafadda iyo
agoomaha oo aan wax caqliga geli kara aheyn; ta loo qoondeeyay
kharashka madaxtooydu ku bixiso isticmaala nalka iyo biyaha; ta loo
qoondeeyay kharashka tababarka wershedleyda oo aan midna waxba ka
jirin (hoos ka daalaco) iyo kuwa kale oo la mid ah. Haddaba waxaan
hoos ku soo bandhigayaa dhaliilaha ka muuqda miisaniyadda 2009.
Lama Dhaqan Gelin Wax-ka-beddelkii Wakiilladu
Dalbadeen
Sida aan kor ku xusay kharashka runta ah ee afartii sanno ee hore
ciddina garanmeyso, waayo sannad qudha lama soo bandhigin. Waxase
cad ina aan la dhaqangelin tallooyinkii iyo wax-ka-beddelkii uu
Golaha Wakiilladu soo jeediyay khasatan sannadihii 2006, 2007 iyo
2008 intaaba. Miisaaniyaddii 2006 goluhu waxa uu soo jeediyay ina
shaqalaha loo kordhiyo boqolkiiba 30%; 2007 waxa uu soo jeediyay ina
mushaharka Madaxweynaha wax laga jaro oo loo kordhiyo jaamacadaha
iyo cisbitaalada; 2008 wax uu soo jeediyay ina a) gobollada bari
laga beddelo lacagta giinbaarka iyo b) ina loo qoondeeyo 2% dib-u-dhiska
gobollada Sool iyo Sanaag-bari. Intaasi midna lama dhaqan gelin,
taasina waa denbi qaranka laga galay, waayo Golaha Wakiillada ayaa
iska leh wax-ka-beddelka iyo ansixinta miisaaniyadda sida ku qayaxan
distoorka qodobka 55aad. Golaha Wakiillada waxa uu leeyahy sameynta
qawaaniinta (xeer-dejinta) waxase fulinteeda leh xukuumadda. Halkaa
waxa ka cad ina xukuumadda Rayaale hantida ummadda siday doonto ugu
tagrifaleyso iyada oo aan habayareete aanay cidna wax isaga
tirinaheyn.
Ma Dhabaa ina Dakhliga 2009 uu Hoos-u-dhacay?
Dakhliga Miisaniyadda 2009 wax ku cad ina uu boqolkiibaa 5.5% hoos
uga dhacay kii sannadkii 2008, taas waa mid lala yaabo, waayo sida
ku cad miisaaniyadda Wasiirku soo gudbiyay:
* Cashuurtii soo dejintu way koradhay.
* Shaqaalihii xukuumadda sida ku cad miisniyadda wuu kordhay taa
macnaheedo waxa weeye cashuurta dakhilga shaqalaha (payroll tax) oo
korodhay
* Cashuurti macaashal/macaashka ganacsiga oo aad u kordhay sida ku
cad miisaaniyadda.
* Cashuurtii beriga oo iyana koradhay.
* Waxa kale oo iyana 20% kor u kacay dakhliga iyo dhaqdhaqaaqa
dhaqaale (economic activity) ee Dekedda Berbera sida ku cad
miisaaniyadda dekedda.
Halkaa waxa ku cad ina dakhliga ay dawladdu leedahay hoos ayuu u
dhacay waxba ka jirin. Ina xukuumadda dakhliga 2009 ka been-abuurtay
meela badan ayey ka muuqataa, waxase igaga filan oo aan metaal u soo
qaadanayaa dakhliga laga filaayo dhoofinta xoolaha 2009:
Dakliga Dhoofinta Xoolaha 2009
Lo’ada
81,181
$11
$892,991
Geel
26,031
$17
$442,527
Adhi
1,224,533
$2.5
$3,061,333
Isugeyn
1,331,745 Neef
$4,396,851
Sida shaxadan ku cad 1,331,745 Neef ayaa miisaniyadda ku cad ina
loogu talagalay inay dhoofaan 2009. Cashuurta la yidhaaahdo (live
stock levy) ee xukuumadda tidhi waa la filayaa inay ka soo hoyoto
2009 dhoofinta xoolaha ee ku qayaxan miisaniyadda waxa weeyey
$2,033,124.
Cashuurta runta ah ee ay tahey ina lagu muujiyo miisaniyadduna waa
shaxdan ku qayaxan ee ah $4,396,852. Halkaa waxa ka maqan dakhli
dhan $2,363,724 taas oo noqoneysa 54%. Waxaan halka metaal ahaan
idiinku tusay cashuurta dhoofinta xoolaha (L/S/Levy) oo qudha ee
boqolkiiba ay 54% ka maqan tahey. Cashuuraha kale ee ka midka yihiin
cashuurta moorka, cashuurta Dekadda (H.Tax); ta diiwangelinta iwm
waxa ka wada maqan 54%. Halkaa waxa ku cad ina miisaanyadda 2009
aanay hoos u dhicin ee ka maqan tahay 54%.
Dakhliga Miisaaniyadda ka Maqan
Ugu horreyn miisaaniyadda waxa ka maqan dakhli badan oo ay ka mid
yihiin:
a) Dakhliga Dekedda Berbera, b) Haamaha Shidaalka TOTAL, c)
Hay’adaha Biyaha oo dhan sida ta Hargeysa, d) Haya’da Laydhka
Hargeysa, e) Hay’ada Wadooyinka ( Roads Authority), f) Lacgta
Sarifka ka soo baxda ee ku xaroota Baanka Dhexe, g) Dakhliga iibga
hantida ma guuraaga ah, h) Labada dollar ($2) ee aan buuga gelin ee
marka la dhoofayo la iska qaado iyo i) 2% loogu tala galay Sool iyo
Sanag Bari ina lagu horamariyo oo dhan $739,046
Dakhliyo kale oo Aan Runta Laga Sheegin
Dakhliga liisamada/ruqseynta macdanta iyo shidalka $2,260
Iibka khayraadka $9,712
Dakhliga kaluumeysiga badda $52,768
Aujuurada duulista $350,197
Dakhliga Cashuurta gadida (sales tax)
Miisaaniyadda waxa ku cad dakhliga ah $3,438,098 oo lagu magacabo
cashuurta gadida. Haddaba waxa la yaab leh ina aanay jirin sales tax
meelna laguma qaado. Waxa jirta fiiga kala wareejinta hantida sida
baabuurta oo ka duwan sales tax. Waa wax lala yaabo!!!. Sidiba
cashuur an jirin oo intaa le’eg loogu qoraa miisaaniyadda?
Kabka Sarifka Raashinka Ciidanka ee laga Been-abuuray
Wasiirka Maaliyadda markii Golaha Guddida Dhaqaalaha ee Golaha
Wakiillada weydeeyeen lacagta adag ee dollarka ah ka soo xarootay
madaarada sida ka Hargeysa maxa miisaniyadda loogu soo dariwaayay
iyo waxa lagu qabto waxa uu ku jawabay waxa lagu; ‘kabaa raashinka
ciidanka.’
Jawaabtaasi waa soof-darran habaabis. Marka hore raashinka ciidanka
xukuumadda suuqa ayey ka soo iibsataa ee iyada dibedda raashin kama
kiinto. Halkaa waxa ku cad inaan xukuumadda u bahneyn dollar ku soo
iibsato raashin. Marka labada raashinka waxa bixisa hay’adda WFP
inta badan.
Kabka raashinka ciidanka ee ku qayaxan miisaaniyadda waxa uu dhan
yahey $700,109 oo qudha, waxaanna isla miisaniyadda ku qayaxan in
lacagta adag ee Dekedda Berbera ka soo xarootay ee Maareeyaha
Dekedda ku wareejiyay Bangiga dhexe tahay $3,188,945.
Waxa kale oo iyana lacag adagi (dollar) ka soo baxda ganacsata wax
dhoofisa oo lagu qasbo inay metalan neefkiiba ka soo celiyaan $7 oo
loogu sarifo sarifka officialka ah oo ah 3,000/= Somaliland ah.
Daraasad hore loogu sameyay lacagta adag ee sarifka ka soo gasha
xukuumadda inay kor u dhaafto kow iyo toban millon oo dollar (11
million dollar), halkaa waxa ku cad inaannu wasiirku runta sheegeen,
taasina waa denbi qaranka laga galay.
Naafada iyo Agoomaha la Hafraayo
Kharashka miisaniyadda ugu jira Naafad iyo Agoomaha waxa uu
dhanyahey $1,638,326, haddii wasaarad gaar ah ahaan laheyd waxay
noqon lahayd wasaradda sagaalaad (9th place). Waa wax lagu qoslo
tafaashishiina waan tan hoos ku qoran:
* Mushaharka naafada iyo agoomaha $1,632,326
* Shidalka naafada $4,208
* Habeen dhixida naafada $1,146
* Stationeriga naafada $550
Maansha Allaa haddii naafada iyo agoomha kharashka inta le’egi ku
baxeyso!!!. Haddii taasi jirto waxaynu la mid nahay waddamada
scandeneveynka (scandanivian countries).
Shanta Wasaradood ee u Miisaaniyadda Weyni Waa Kuwee?
Miisaniyadda waxay ka kooban tahay toddoba iyo afartan (47) waaxood
oo isugu jira wasaarado iyo haya’ado. Haddaba, shanta ugu
miisaniyadda weyni waa kuwan hoos ku qoran:
1. Ciidanka Qaranka (the army) $12,350,109
2. Bileyska (police) $4,602,527
3. Wasaaradda Maaliyada $2,531,815
4. Wasaaradda Madaxtooyada $2,504,739
5. Ciidanka Asluubta $2,323,267
Waxbarashadda waa ta lixaad (6th place); wasaradda guduhu waa ta
toddobaad (7th place); gaashandiggu waa ta sidededaad (8);
caafimaadku waa ta tobnaad (10); beeruhu waa ta 24-naad; caddaaladdu
waa ta 28-naad.
Sua’ashu waxay tahay miisaaniyadda ciidanka asluubtu sidiibaay uga
weynaat, Miisaaniyadda waxbarashada; ta difaaca; ta caafimaadka; ta
beeraha; ta xannaanada xoolaha; ta dibedda; ta..ta..ta.. Ma waxa ba
si ah mise Somaliland oo dhan ayaa jeel ku wadajirta? Waxa hubaal ah
ina miisaaniyadda intaa le’egi aanay ku bixin ciidanka asluubta ee
la isaga qoray oo loo isticmaalo wax yaalo kale.
Kharashka aan 2009 Lagu Tala Gelin
* Beddelka lacagta Ginbaarka
* Doorashooyinka dawladaha hoose
Kharashka Ilaalada Madaxtooyada
Kharashka ilaalada madaxtooyda loo qoondeyay waxa uu dhan yahey
$480,187 oo aannu mushaharku ku jirin. Haddii wasaarad gaar ah ahaan
lahayd waxay noqon lahayd wasaarad 15-naad xagga weynida marka laga
eego, waxanay ka weynan lahayd 32 wasaaradood oo ka mid yihiin
beeraha, ciidanka xeebaha, ganacsiga, hawlaha guud, warfafinta IWM.
Kharashka ku Baxa Nabad-sugidda
Kharashka ku baxa nabad-sugiddu waxa uu dhan yahey $22,082,582,
kaasi oo noqonaaya 54%.
1. Ciidanka qaranka $12,350,109
2. Bileyska (police) $4,602,527
3. Ciidanka asluubta $2,323,267
4. Gaashaandhigga $1,821,675
5. Ilaalada madaxtooyada $480,187
6. Ciidanka xeebaha $331,508
7. Wasarada daakhiliga-nabadgelyada $111,788
8. Guurtida-nabadgelyada $61,538
Wasaarado Dhawr Miisaaniyadood kala leh
Labada wasaradood ee kala ah difaaca iyo garsoorka (cadaalada) waxa
ay kala leeyihiin dhawr miisaaniyadood: wasarada difaaco waxa aay
leedahay laba (2) miisaniyadood oo kala ah ta ciidanka qaranka iyo
ta wasaarada difaac oo gaar ah.
Sidoo kale wasaarada garsoorku waxa aay kala leedahey saddex (3)
miisaaniyadood: ta maxkamadaha hoose; ta maxkamada sare iyo ta
wasarada caddaalada.
Sababtu waa maxay? Sida uu sheegay Boos wasiirkii hore ee difaaco
wasiirka difaaco ma xukumo ciidanka qaranka. Ciidanka qaranku waxa
uu toos u hoos yimaaddaa madaxtooyada. Wasiirka difaaco waa
magac-u-yaal aan awooddiisu dhaafsaneyn xeyn shaqaala ah oo
wasaraadda difaac hos fadhiday.
Sida oo kale xukaanta fadhiday maxkamadaha waxay toos ugu xidhan
yihiin madaxtooyada. Wasiirka cadaaladuna waa magac u yaal.
Deynta iyo Deeqda
Deynta iyo deeqda miisaniyadda ku cad waxay dhantahey $4,153,846.
Taasi oo miisaniyadda ka ah 10%:
Deeqaha iyo deynta $3,076,923
Deeqda D/Hoose $769,231
Deeqda dekada Berbera $307,691
Deeqda iyo deynta ah$3,076,923 cidda laga amaahday amba ku deeqday
wasiirku wuu diiday ina uu sheego. Qaynuunkuna waxa ku qayaxan wixii
deyn ah ee magaca wadanka lagu gelaayo waa ina uu golaha wakiilado
ansixiyaa. Taasina ma dhicin
Kharashyada la Yaabka leh
Isticmaalka nalka iyo biyaha $160,421
Iibsiga qalabka nalka iyo biyaha oo sanadwalba taagan $39,915
Qareenka saboolka $2,750
Tababarka wershadleyda $1,490
Sidey la yaabka u leeyhiin? Wasaarad qudha madaxtooyadan ku dhahoo
oo nalka iyo biyo bixisaa ma jirto haba yaraate. Madaxtooyado nal
iyo biyo toona weligeed may bixin haddana sannad walba way u
qorantahey. Waxa taa ka sii daran miyaad aragtay iibsiga qalabka
nalka iyo biyaha oo sannadwalba taagan. Sannad walba miyaay guuraan
oo galaan meel cusub oo la soo gelinaayo nal iyo biyo. Miyaanay
aheeyn mid lala yaabo!
Xukuumadda ma qareen ayay u qabata dhibanaha dan yarta ah ee an
awoodi karin qareen? Jawaabtu waa maya. Mise dadka wershedleyd ah
ayaay tababar u qabataa? Iyana waa ma ya.
Kharashka Xisaab Xidhka
Wasiirku markii la weydiiyay waxa uu u soo gudbin waayay
xisaab-xidhkii sannadihii hore waxa uu ku jawabay shaqada waxay
khuseysaa hanti-dhawrka. Sua’ashu haddaba waxay tahay kharaskan
xisaabxidhka ee dhan $30,769 ee ku jira miisaniyada wasaarada
Maaliyadda waa maxay? Jawabta waxa laga sugayaa wasiirka.
Kharashyada aan Macnaha Sameynen
Kharashka ururka NOW $48,157
Kalmada bahweynta Maandeeq $8,892
Haya’da NOW waa NGO xukuumadda loogu adeego, waanna xaaraan ina
xoolaha dawladda lagu isticmaalo.
Mashaariicda Horumarinta (development projects)
Kharashka loo qoondeyay masharrcda horumarka waxa uu dhan yahey
$225,717. To ah 1%.
Mshruuca Abu-Riin $32,033
Warshada Laas-qoray ee kaluunka $138,461
Warshada laydhka ee Berbera $55,223
Kharashka Ku Baxay Laydhka Berbera
Kharaska ilaa maanta ku baxay ballaadhinta iyo hirgelinta laydhka
Berbera waxa uu dhan yahay $989,940, taas oo kala ah sidan:
Miisaaniyadii sannadkii 2005 $307,692
Miisaaniyadii sannadkii 2006 $334,996
Miisaaniyada sannadkii 2007 $236,806
Miisaaniyada sannadkii 2008 $55,223
Miisaniyada sannadkii 2009 $55,223
Talow Berberi ma ka haqab biishay laydh????
Mushaharka Madaxweynaha, Ku-xigeenkiisa iyo Madaxtooyada
Miisaaniyadda loo qoondeeya Madaxweynaha, ku-xigeenka iyo wasaaradda
madaxtooyadu waxay dhan tahay $3,081,911. Taasi oo ah 8%
Mushaharka Madaxweynaha $400, 064
Mushaharka Madaxweyne-Ku-xigeenka $177,108
Wasaarada Madaxtooyada $2,504,739
Haddii intaasi wasaarad isku ahan lahaayeen waxa ay noqon laheyd
wasarada 3-aad
Waxa aan ku soo gebogebeynayaa wax yaalo kale oo badan ayaan naqdiye
lahaa laakiin maanta intaasi ayaan ku dhaafayaa.
Hadii aad doonayso in aad raad raacdo lambarada aan halkan ku soo
qoray waxaad ka duulaysaa miisaaniyadda oo ah
265,190,104,732/6500=$40,798,478.”
Jamhuuriya Online
|