WAR-SAXAAFADEED

 


Shacbiga reer Somaliland, iyada oo la dhawrayo laguna shaqaynayo xeerarka iyo sharcig a dalka waxaa waajib inagu ah iyadoo in la dabaqo xeer No 17.2001, ee Sharciga dhulka lana fuliyo wareegtadii Madaxweyanaha ee dib u soo celinta gacan ku haynta iyo tasaruf ka dhulka iyo guriyaha dawlada waxana laydin ku wargelinayaa inaad soo gudbisaan liis ka danaha ee aad haysaan idina oo u kala saaraya.

1-Danaha guud ee aad kala wareegteen Golihii Deegaanka ee idinka horeeyay
2-Danaha guud ee idiin soo xarooday mudadii aad xilka hayseen
3-Magacyada cid iska leh Beeraha ay soo xaroodeen danaha guud iyo Beer kasta tirade dhulka ee laga jaray
4-Degmada/Waaxda ama goobta ay ku taalo
5-Tirada danaha guud ee la isticmaalay iyo sababta loo isticmaalay
6-Tirada danaha guud ee hadda la hayo iyo Tafaasiishooda idinkoo u soo kala saaraya adeegyada kala ah
· Goobaha Cibaadada (Masaajidada iyo Malcaamadaha)
· Goobaha Waxbarashada (Noocyada kala duwan ee Dugsiyada iyo Jaamacadaha)
· Garoonada Ciyaaraha
· Goobaha Caafimaadka (Cisbitaalada iyo MCH
· Saldhigyada Booliska iyo Xabsiyada iyo wixii la mida
 

Waxa Maayiyarada mar labaad lagu adkaynaya inay hawshan ku soo dhamaystiraan iya ga oo hal nuqul oo danaha guud ah ku soo xaraynaya Xafiisyada WHG/G/Gadiidka ee Go bol/Degmo mid kalana soo gaadhsiinaya xarunta Wasaarada Hawalaha guud ugu damba yn 21/03/2014


Waxa xusid mudan inaynu markasta maanka ku hayno sida uu dhigayo Dastuurka Qarank a  Jahmuuriyada Somaliland (Dhul qof looga qaaday dan guud in aan loo siin Karin qof kale dan dan gaara).ayuu ku yidhi Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Wareegtadaasi uu soo saaray
 

 

 

Cabdirisaaq Khaliif Axmed

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gureynta Somaliland