Waxa loo dhegtaagayaa
ama La dhawrayaa Dhawaaqa Madaxwaynaha.
Haddii go'aanka madaxwaynaha ee furashada ururada siyaasada ay
noqoto MAYA,waxaa halkaa si ku kala fogaan doona....
Hargeysa (TNN)-15-kii bishii March ee sanadkan madaxwaynaha
Somaliland Axmed Maxamed Max amuud (Siilaanyo), wuxuu uu magacaabay
guddi heer qaran ah oo ka soo talo bixisa furashada ururada
siyaasada.
Guddidaaasi ka soo talo bixinta ururada siyaasada ee uu madaxwayne
Siilaanyo magacaabay w axaa ay qiimayn ku soo sameeyeen dhamaanba
qaybaha kala duwan ee bulshada ku kala nool G obolada dalka sida
Arday Jaamacadaha,Culimada iyo Ganacsatada.
Waxaanay sheegeen badhtamihii bishan may ee aan ku jirno in ay soo
dhamaystireen hawlahoo dii shaqo,isla markaana ay madaxwaynaha u
gudbiyeen baadhitaankaasi iyo qiimayntaa ay soo sameeyeen,laakiin
wakhtigaasi ay Guddida ka soo talo bixinta furashada ururada
siyaasadu shee geen in in ay hawlahooda soo dhamaystireen waxaa
fooda inagu soo haysay munaasibadii 18-ka may,sidaasi darted waxaa
uu madaxwaynuhu sheegay in uu natiijada ku dhawaaqi doono ka dib
marka ay dhamaato xuska iyo dabaal dega 18-ka may.
Ka dib xuskii iyo dabal degii
munaasibda 18-ka may la soo noqshada gooni isu taaga Jamhuuriya da
somalialnd shacabka iyo siyaasiyiinba waxaa si aad loo dhawrayaa ama
loogu dhegtaagayaa dhawaaqa ka soo baxa madaxwaynaha ee la xidhiidha
furashada ururada siyaasada,waana la hubaa in marka uu madaxwayne
siilaanyo soo saaro natiijada furashada ururada siyaasada in ay ka
ku kala qayb sami doonaan saaxiibo badan oo ay ka dhaxaysay
siyaasadu.
Haddii go'aanka madaxwaynaha ee ku saabsan furashada ururada
siyaasada ay noqoto MAYA,w axaa halkaasi ku kala fogaan doona
saaxiibo badan oo ay siyaasadu isku haysay, gaar ahaan mas uuliyiin
badan oo haatan ka tirsan xukuumada ayaa laga yaabaa in haddii ay
maqlaan jawaabta ah MAYA, in ay xanaaq ama cadho awgeed ay ku
biiraan Dawlada TFG-da ama kooxaha xag jirka ah ee ka jira somaliya.
Dhinaca kale haddii ay noqoto in uu madaxwayne Siilaanyo ogolaado in
la furo ururada siyaasada waxaa ay taasina ka cadhaysiin doontaa
Axsabta siyaasada,gaar ahaana Madaxda xisbul xaakim ka, kuwaasi oo
mar mar badan ku cel celiyay ama ku dooday in aanay suurto gal ahayn
in la furo ururada siyaasada.
Isku soo wada duuboo qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland gudo
iyo dibad,siyaasiin iyo ganacsato iyo shiciba waxaa ay si aad ah ugu
dhawrayaan oo ay dhegta ugu taagayaan wakhtiga uu madaxwaynuhu ku
dhawaaqi doono natiijada go’aankii guddida ka soo tallo bixinta
furashada ururada siyaasadu ay soo ururiyeen.
Madaxwayanaha Somaliland Axmed Maxamed maxamuud Wakhtigii uu ahaa
guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee uu ku jiray ololaha doorashada
madaxtooyada waxaa uu balan qaaday in haddii uu ku guulaysto
doorashada in uu furi doono habka xisbiyada,laakiin taasi waxaa ay
ku adkaatay markii uu noqday madaxwaynaha.
arinta madaxwaynaha wakhtigan hor taala ayaa ah laba daran mid
dooro.....
Khadar Cabdi Muuse
Timacade News Desk
Hargaysa/office
|