Waxa La Yaab leh?

Waxa maalmahan qalabka wararka lagu tabiyo ku soo baxayey amaan aanu u qalmin,nin ka mid ah ragii godka dheer ku riday in aan la aqoonsan Somaliland,hadalka u jeediyey cid buu ku tirtirsiyey,ma ahayn ujeedo adiga laguula jeeday ama nasteexo ah.Miyaanay dadkeenu dareen lahayn ?

Miyaanu ahayn kii Siyaad Barre u dhiibayey dhalinyarada?jeelkii Nagaadh miyaanay xasuusan?waxan u taagnaa Gabadh dhibtii ,xanuunkii,kulaylkii iyo ciqaabtii xad dhaafka ahayd ee loo gaystay Jeelkaa Nagaadh Ilmihii caloosheeda ku jiray uu ka soo dhaco,ayaa amarkaa bixiyey Ismaaciil Cumar Geelle oo ahaa maamulaha xarunta madaxweynaha iyo taliyaha ciidanka sirdoonka Djibouti lama soo koobi karo maamulaha xerada yar ee geeska Afrika caadaawada gaar ahaaneed ee uu u hayo dalkeena,waa sidee beer laxawsigu?ma waxaynu nahay sidii umusha?

Nimaan dadnimadaada, dalkaaga dadkaaga,midkoodna an heerinayn maxaad ugu riyaaqasaa?diintiyo waalnimo nimaad diigwadaagtaan jidhkaa kuu dhibaaxsha,ee waa ma damqade shisheeye.dadyohoy bal dib u eeg wixii shalay ku soo maray waxa maanta jooga,waxa soo socda intaanad u riyaaqin cadawgaa,cidlada ka odorosin,adoon hubsan.
 

 

 

By: Abdirahman Ibrahim Bouh