Jaaliyadda Oo u Diyaar-garoobay G/Deegaanka Sheffield Oo u Codaynaya Aqoonsiga Somaliland
 

 



 “Waxa ay noqonaysaa Tallaabo hor leh oo loo qaaday xagga aqoonsiga,Danjire Cali Aadan  

London (TNN):- Golaha Deegaanka magaaladda Sheffield ee dalka Ingiriiska ayaa la filayaa in ay maalinta Arbacadda ah ee todobaadkan cod u qaadaan inay Somaliland u aqoonsadaan dawlad madaxbanaan oo xor ah.

Waxa lagu wadaa in shirkaasi golaha deegaanka Sheffield uu yeelanayo Arbacada todobaad kan ay goob-joog ka noqon doonaan masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis, Guddoomiyaha Golaha Wakiilad da C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), Safiirka Somaliland ee UK iyo xubno ka socda Jaaliy ada reer Somaliland ee magaaladda Sheffield.

Mawduucaasi oo ah mid ay si aad ah ugu dheg-taagayaan guud ahaan bulshada Somaliland gaar ahaana kuwa dhaqan dalka Ingiriiska, isla markaana ay horgeynta golaha deegaanka Sheffield ka dambeeyeen ama soo abaabuleen qaar ka mid ah jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaaladda Sheffield ayaa la filayaa in Arbacadda cod loo qaado.
Waxyaabaha laga filan karo in dawladaha hoose ee Sheffield ay arrintaasi ansixiyaan iyo fa a’iidada uu Somaliland u yeelan karaba waxaanu ka waraysanay safiirka Somaliland u fadhiy a magaalada London Ambassador Cali Aadan Cawaale oo aanu xalay khadka telefoonka kula xidhiidhinay isaga oo joogay London.

Danjire Cali Aadan Cawaale, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna, waxa uu yidhi “Hawshaasi oo la filayo in si dhab ah loogu dhawaaqo maalinta Arbacada ah ee soo socota, Golaha Deeg aanka Dawladda Hoose ee magaalada Sheffield oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn dalka Ingiriiska, waana arrin ay ka soo shaqeeyeen muwaadiniin reer Somaliland ah oo is-xilqaamay, isla markaana dedaal badan u galay, hawshaasinaa sidii ay uga soo shaqeeyeen Illaahay waa ku guuleeyay dadkaasi reer Somaliland ee is-xilqaamay, waanay ku guulaysteen in ay ku qanciyaan Dawladda Hoose ee Sheffield inay dalka Somaliland Dawlad Hoose ahaan aqoonsadaan.”

Waxaanu intaasi raaciyay “Waxaa noo imanaya Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis, waxa kale oo isna ha lkan jooga guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo isna shalay (doraad) halkan soo gaadhay, masuuliyiintaasi ayaana ka qaybgalay oo goobjoog u ahaanaya hawshaasi ku dhawaaqeed. Halka uu shirkaasi ka dhacayo ee xarunta golaha deegaanka Sheffield ayaanu tegaynaa, ja aliyadana cid ayaa ka tegi doonta, weliba cidii hawshaasi ka soo shaqaysay” ayuu yidhi safi irku.

Danjire, Cali Aadan Cawaale oo aanu waydiinay haddiiba uu ku dhawaaqo Golaha Deegaanka Shefield inay aqoonsadaan Somaliland, waxa ay arrintaasi soo kordhin karto, waxa uu ku ja waabay “waxay soo kordhin kartaa bulshadda reer Somaliland inay ogaato xaqiiqada dhabta ah iyo awooda ay leeyihiin iyaga oo ah muwaadiniin Ingiriis ah marka hore, marka labaadna dalkoodii ay ka soo jeedeen ee Somaliland u adeegaya inay wax badan ku tari doonaan Qara nkooda, oo ay wax badan ka qaban karaan qadiyadooda, iyo inay tusaale u noqon doonto umada kale ee Somaliland, waxaanan filaynaa in ay muftax u noqoto qadiyada Somaliland ee 23 jirsanaysa bisha May ee soo socota ay la jaanqaado iyada oo ay Somaliland aqoonsi ka haysato dadyawga qaarkood”.

Sidoo kale Safiirka oo aanu weydiinay su’aal ahayd haddii Golaha Deegaanka Sheffield ku dh awaaqo inay aqoonsadeen Somaliland uu taasi macnaheedu yahay in dawladda Britain ay a qoonsatay Somaliland, waxa uu yidhi “maya, sidaa looma qaadan karo, laakiin, waxa ay noqo naysaa tallaabo hor leh oo loo qaaday xagga aqoonsiga, waxa kale oo ay noqonaysaa xildh ibaanada iyo golaha baarlamaanka masuuliyiinta kaga jira Shefield oo iyaguna mawduucan taageeray inay iyaga iyo dhigooda kale ee taageera qadiyada Somaliland ay ka hawlgalaan, una noqon doonto hub ay u adeegsadaan dawlada Ingiriisku inay wax ka qabato”.
 


Source: Wargeyska Dawan