Waxa aan aad iyo aad u xasuustay ardaydii Reer Somaliland ee 80kii

 

Waxa aan aad iyo aad u xasuustay ardaydii Reer Somaliland ee 80kii ka yaacay wax-barashadoodii una beratamay inay u shahiidaan una god galaan inay rogaan heeryadii dulmiga, dhiigoodii sharaft lahaana sababay inay maanta jaamicado ka jiraan Somaliland.

 By: Mj. Ibrahim Duale Suleiman


Aniga oo akhriyaya maqaal ku xardhanaa mareegaha somaliland oo ku saab sanaa khilaaf soo kala dhex-galay ardayda jaamicadaha somaliland iyo komishanka qaranka kana dhashay qiimaha lacageed ee dhalinyarada jaamicaduhu hawsha ku qabanayaan. Runtii aniga ima damqi qiimaha lacagta iyo sida loogu heshiinayo waayo dad isu soo shaqo tegay iyo gorgortan waa lama huraan.

Waxa aan aad iyo aad u xasuustay ardaydii reer Somaliland ee 80kii ka yaacay waxbarashadoodii una beratamay inay u shahiidaan una god galaan inay rogaan heeryadii dulmiga,dhiigoodii sharaft lahaana sababay inay maanta jaamicado ka jiraan Somaliland.

Ma lihi ardayda maanta bilaash ha ku shaqayso waayo dhaqanka dalka yaal ma ogola wax hor ilaahay loo qabto oo dhagaxa wadada cidi kama dudo haddii ay dhacdona waa dhif.

Somaliland si ay hore ugu marto si dhakhso ah waxa loo baahan yahay in la helo bulsho diyaar u ah inay si muta dawacnnimo ah u qabato shaqada ugu adag, masuuliyiinta qarankuna shaqeeyaan 12 saacadood ugu yaraan, dawladdu xoog u dhinto kharashka.

Waxa aan runtii jeclaan lahaan in C/rizaq Alfo ku celiyo sheekadii taxanaha ahayd ee soo martay isaga iyo qaar kaloo badan oo wiilal iyo gabdhoba lahaa.
 

 

 


Ibrahim Duale Suleiman

London
somaliland44@hotmail.com