Wax aan Distoori
ahayni, sharci ma noqonayaan, waana waxba kama
jir ...

Culimo Jiilaal joogta injir
lagama qabto, hore ayey u baxdey. Rag ay marka horeba naftu ka
dheereysayna iskaba daa hadalkood. Haddii waxa inna hor yaalley uu
ahaa masiirka qarankii ay SNM gacanta Odeyaasha gelisey, ee Kubbadda
noqdey, wax maanta Golihii su'aashu marka horeba ka taagneyd ka soo
yeedhayna kaba daran!!
Wax in la ansixiyo ama la diido ma aan diiddanin ee waa in qaraar
kasta oo la qaadanayaa Distoorka ku soo arooro oo uu waafaqo!! Ma
nihin ummad lagu qabsadey xoog milateri, dhawr iyo afartan qof oo ay
lacag la soo daabacdey asqeysey, masiirkooda kaga talin karto sifo
aan Distoori ahayn, iyaga oo adeegsanaya.
Guurtidu go'aankeeda iyo Waraaqeheeda iyada ayaa iska leh, Cidda ay
sanka kaga toleyso, Mas'uuliin aannu khabarkooda haynnose, iyada wax
u yaalla weeye!! Waaqica dhulka , Muwaadiniinta ayaa ka taliya,
Madaxnimadana Milge ayaa lagu muteystaa iyo waxqabad ee Lacag iyo
awood xeeladeysan midna rag laguma xukumo.qaraarkanu kii Afweyne
Cumar Carte Ra'iisal Wasaaraha ugu Magacaabey kama duwana, ee aan
waraaqdii lagu qorey dhaafin!!.
Dhawr iyo Labaatanka nin ee Riwaayaddan Dalka lagu khamaarayo dhex
keeney Golaha, waa in loo aqoonsado khaa'imiin qaran dumis ah,
Bulshaduna il gaar ah ku eegto. Nin sharciga ka sarreyn karaa ma
jiro ee Maxaa ka dastuuri ah
Cidan, Golaha ka yeedhey!! Sheekadii Bulsho!! Bile, wey ka dabar
go'dey Dalkan , nidaam ma guuraan ahna wuu leeyahay oo Dastuur qaran
ummaddu 97% ugu codeysey ayuu qaran ku yahay, Gole keliya oo si xor
ah oo xalaal ah ummaddu u soo doorateyna wuu leeyahay, Golahan ayaa
isna dib u eegi doona arrintan dhyallaan hadalka ah!!
Distoorkii Dalku haddii uu Garcadona, Shirkii Beelaha ayaa noo furan
kagana Gudbeynaa marxaladdan, April 6da, Cid sheegan karta
Madaxweyne iyo Alalagna, ma jireyso ee yaan waqtiga layskaga lumin.
Midna si wanaagsan in loo fahmo weeye. Dalkanu hadiyad kuma iman,
cid Alle abuurtey oo Xoog iyo Xeelad awoodeysan midna ku xukumeysaa
ma jireyso laa imika walaa waqti kale, shuruucda iyo Distoorka oo
lagu dhaqmo keliya ayaa qaran lagu ahaanayaa, Xeer jajab in Dalkan
lagu sugsiiyo, Ummado dhexdooda ay ka shidan tahay weli , mid aannu
aqbalaynno maaha.
Golaha sharciga ee keliya , sida xorta ahna loo soo doortey ,
waxaanu ka codsaneynaa in ay illeyn annaga ayey Wakiil naga yihiin
oo igmanney eh ay ku soo oogaan Riyaale iyo Budhcadda ku adeegataba
Qodobka 96aad ee Distoorka iyaga oo galey dmbiyada Khiyaamo qaran,
Dastuur jebin iyo Xil Gudan waa, Cid daneyneysa Dalkan jiritaankiisa
oo waqti u kordhineysaana aanay jirin.
Taariikhdu mid ha noo Diiwaan geliso, Riyaale iyo Kooxdiisu Lacagta
ay u soo daabacdeen duruufaha adag ee Bulshada haysta inay kaga
faa'ideystaan lagama ansixin Goleyaasha Sharci-Dejinta, lamana oga
tiradeeda dhabta ah. Sannadkii hore ee loo kordhiyey si uu
Doorashada ugu qabto ee uu ku guuldarreystey ayaa horteenna yaalle'e,
Guurtidu maxaa shurrud ah ee ay u dhigtey go'aankoodan haddi ay
Doorashadu ku qabsoomi weydo? Waxba, qaraarku miyaanu hadaf qaran
dumineed oo dhiirran ahayn? Ilaahay baa mahad leh in uu inta xun
ummadda ka muujiyey!! Go'aanka Marxaladdan Bulshada ayaa iska leh ee
Guurti iyo Madaxtooyo midna ma yaallo.
Dr. Cali Cabdi Muxumed
|