Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Kula Kulmay London
Diblomaasiyiin iyo Masuuliyiin Sare

London (TNN)- Wasiirul-dawlaha
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed-rashiid She ekh
Xasan oo muddoonkii u dambeeyey booqasho ku joogay waddanka
Ingiriiska, ayaa dhawaan kula mo gooni-gooni ah la yeeshay
diblomaasiyiin iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dawladda
Britain iyo dalal kale.
Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda Somaliland waxa uu ugu kulan
muhiim ah kula yeeshay xarunta S afaaradda Koonfur Afrika ee
Ingiriiska masuuliyiin sare ee safaaraddaas, kuwaasoo ay ka wada
hadle en sii xoojinta xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada
dal, gaar ahaanna waxa uu uga warra may doorkii reer Somaliland ka
qaateen halgankii shacabka reer Koonfur Afrika kula jireen nidaamkii
midab-takoorka ahaa.
Sidoo kale waxa uu Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan warbixin kooban
ka siiyayay siyaasadda arri maha dibadda ee Somaliland, isagoo ku
dheeraaday arrimaha nabadgalyada iyo la dagaalkan budhca d-badeedka.
Waxa uu intaa ku daray hawlaha uu qabto xafiiska Somaliland ee
Koonfur Afrika iyo doo rka jaaliyadda reer Somaliland ee dalkaas,
isagoo faahfaahinna uga bixiyey xidhiidhka Somaliland iyo ka
dhexeeya dalalka kalee Afrika.
Masuuliyiinta sare ee ka socday dalka Koonfur Afrika, ayaa iyaguna
dhankooda su’aalo ku saabsan horumarka Somaliland ka samaysay
dhinaca la-dagaalka budhcad-badeedda iyo la dagaalanka arga gixisada
weydiiyey Dr. Maxamed-rashiid Sh. Xasan.
Wasiiru-dawluhu waxa kaloo kulamo la yeeshay masuuliyiinta sare oo
ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Ingiriiska, oo ay ka mid
yihiin kuwa qaabilsan arrimaha Somaliland, waxaanay dhinacyadu ka
wadahadleen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada waddan ka
dhexeeya iyo kor-u-qaadidda k aalmada dawladda Ingiriisku siiyo
Somaliland, iyagoo wax ka weydiiyay geeddi-socodka dimuqraa diy adda
Somaliland iyo rrimaha firashada ururrada siyaasadda.
Isla maalintii Khamiistii ee la dhaafay waxa uu Dr. Maxamed-rashiid
Sheekh Xasan kulan gaara la yees hay odyaga ruug-caddaaga sida aadka
ah ugu ololeeya qaddiyadda Somaliland xildhibaan Lord Eric A vebury,
isla markaana ka tirsan aqalka odayaasha Ingiriiska, kaasi oo ay ka
wadahadleen sidii loo xoo jin lahaa ee dardar loo galin lahaa
saaxiibbadda Somaliland ee Baarlamaanka Britain, waxaannu wasiii rku
u soo jeediyayay inay ka taageeraan sidii Somaliland uga mid noqon
lahayd ururka Barwaaqa-so oranka ee Common Wealth.
Dr. Maxamed-rashiid waxa kulankaas ku weheliyay qaar ka mid ah
masuuliyiinta ururrada ictiraaf-ra adinta Somaliland ee UK, kuwaasoo
dhankooda iyaguna uga xog-warramay doorka qurba-joogga reer
Somaliland kaga jiraan horumarka dalkooda iyo siday uga mid noqon
lahaayeen beesha caalamka.
Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Somaliland oo beryahaba booqasho ku
joogay waddanka Britain, waxa kulamo la yeeshay masuuliyiinta
jaaliyadda Somaliland ku dhaqan dalalka Ingiriiska iyo Faransiis ka,
isagoo Faransiiskana kula kulmay masuuliyiin sare oo ka tirsan
wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas. Waxa kaloo uu kulamo
gooni-gooni ah magaalada London kula yeeshay saaxiibbadda Somalil
and ee UK.
Source:Jamhuriya
|