Wasiirro Iyo Marwada Koowaad Oo Furay Mashruuc Laga Fulinayo Sadex
Gobol
Hargeysa (TNN)- Mashruuc la xidhiidha nadaafadda biyaha oo laga
fulin doono sadexda gobol ee Hargeysa, Togdheer iyo Sool, oo ay wada
jir u fulinayaan Ha’yada Caritas iyo wasaarada dawliga ah, ayaa
maanta ka furmay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Shirkan waxa ka soo qeyb galay Wasiirro, Marwada koowaad ee
Madaxweynaha iyo masuuliyiinta Hayada Caritas.
Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo biyaha Md. Xuseen Cabdi Ducaale oo
ka hadlay shirkaasi ayaa sheegay in mashruucani uu waxtar weyn u
leeyahay dalka isla markaana uu salka ku hayo baahida aasaasiga ah
ee wadanka.
Wasiirku waxa uu sheegay inay ku faraxsan yahay inay mashruucan inay
wada fuliyaan Ha’yada Caritas oo uu tilmaamay inuu horena iskaashi
shaqo uga dhaxeeyay.
Wasiirka wasaarada Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen
Xoog) ayaa sheegay in mashruucani uu gacan ka geysanayo ilaalinta
caafimaadka dadweynaha Somaliland, waxaanu xusay in caafimaad
darradu ay ka soo bilaabanto biyaha wasakhaysan balse haddii la iska
xil saaro saxada biyaha in caafimaadka bulshaduna hagaagayo.
Wasiirka warfaafinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade oo
shirkaasi ka hadlay wuxuu yidhi “Ma shruucani waa mid aad iyo aad
waxtar weyn u leh dalka haday tahay xagga Caafimaadka, biyaha iyo
waxbarashada, waan ku hambalyeynayaa hay’ada Caritas kaalinta ay ka
qaadatay.”
Dhinaca kale, Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Waris ayaa
waxay mahadnaqday dh ammaan dadkii ka soo qeybgalay
munaasibadaasi.isla markaana waxay ku bogaadisay hay’ada Cari tas
waxqabadka ay wadanka ka hirgelisay, waxaanay tidhi “Hay’ada Caritas
waa hay’ad aad iyo aad wadankan shaqadiisa wax uga qabata waanu u
mahadnaqaynaa, midowga yurub taageerada faraha badan ee hordhaca ah
intaas way ka sii badan ee ay Somaliland u soo gudbiyeen waanu uga
mahad naqaynaa inay wax walba wax cad noqdaan in si fiican deeqda
loo maamulo in xidhiidh wanaagsan lala sameeyo hay’adaha, dawladuna
way balan qaadaysaa.Aad iyo aad ayaad kuligiin u wada mah adsan
tihiin.”
Source:Somaliland.Org
|