Wasiir Samaale oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay in
xarunta loo dhisayo da b-damiska ay tahay mid muhiim weyn leh,
waxaannu sheegay in muddo dheer hawshani soo socotay, laakiin hadda
lagu guulesytay hirglainteeda, diyaar ku yihiin dhammaan baabuurtii
dabdamiska, xaruntoodiina loo dhisayo, waxaannu caddeeyey in lacagta
lagu soo iibiyey qala bkan ay bixisay Wasaaradda Maaliyadda. “Mashruucani waa mid bilow ah, laakiin waxa lanaga sugaya afarta degmo ee magaalada Ha rgeysa sidii aannu ugu sameyn lahayn baabuur dabdamis oo u gaar ah. Waxa kale oo jirta in gobolladii kale ee Somaliland u baahan yihiin baabuurta dabdamiska, kuwaasoo dabka dhib badan ka haysto oo magaalooyinka qaarkood bakhaarradii ku yaallay laba casho gubanaya an, sidaa daradeed aniga iyo Wasiirka Maaliyaddu waa in aannu u diyaargarownaa baahida as oo sannad walba Wasiirka Maaliyaddu miisaniyadda ugu daraa lacag, taasoo qorshuhu yahay in guud ahaan Somaliland min tuulo illaa degmo ay hesho dabdamisyo,” ayuu yidhi Md. Warancadde. Waxa kaloo uu shacabka reer Somaliland u diray farriin ku aaddan hawsha dabdamiska oo uu xusay in aanay goob walba joogin, “Sidaa awgeed, haddii baabuurtu ka soo habsaaman waa in aanay dadku shiidin iyagoo ka xanaaqsan raagidda laga raagay, markaa waa in dadku u samraan ilaa inta la helayo baabuur dabdamis oo xaafad walba yaal. Waxa kaloon wadayaasha baabuurta ugu baaqayaa in marka ay maqlaan dhawaqa gawaadh ida dabdamiska, kuwa caafimadka ee ambalaaska iyo booliska in waddooyinka loo banneeyo, si hawsha ay ku degdegayaan hore ugu gaadhaan, ciddii amarkaas ka hortimaadna tallaabo cad ayaannu ka qaadi doonnaa,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Wasiirka Daakhiliga oo digniin culus u diray wadayaasha baabuurta kala duwan ee dalka. Maayirka Caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco) oo isaguna munaasibaddaas ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey lacagta ku iibka gaadiidka iyo qalabka damdamiska, waxaannu yidhi; “Dabdamiskan la soo iibiyey waxa lacagta ku baxday bixiyey Madaxweynaha Somaliland iyo Wasaaradda Maaliyadda, lacagtaas oo dhan $260,000 dollar. Dawladda Hoose waxay bixisay $100,000 doollar iyo Suuqa Waaheen oo bixiyey $20,000 do llar. Xaruntani waa xaruntii dabdamiska ee magaalada Hargeysa. Waxa kaloo aannu samey naynaa afar xarumood oo daafaha magaalada laga dhisi doono oo dabdamisku la dhigayo. Waxa kale oo aannu labada suuq ee Waaheen iyo Gobannimo u sameyn doonnaa laba dhuu mood oo waaweyn oo biyo wixii dhib ah ee yimaad lagu bakhtiyo. Sidoo kale, waxaannu keen nay qalabkii bakhtiinayey haddii shidaal gubto.”
Waxa kaloo iyaguna halkaas ka hadlay salaadiin iyo ganacsato,
kuwaasoo sheegay in caasim addu baahi weyn u qabtay dabdamis ku
filan, waxayna u mahad-celiyeen xukuumadda Somal iland.
|