Wasiirradii Xukuumadda Siilaanyo Oo Buux Dhaafiyey Guriga Madaxweynaha La Doortay

 



Hargaysa (TNN):- Kadib Markii lagu dhawaaqay Natiijada Doorashadii Madaxtooyadda ee d alka ka qabsoontay 13-kii Bishan,islamarkaana uu Ku Guulaystay Musharaxii Ka Sharaxnaa Xisbi Xaakimka Kulmiye Muj Muuse Biixi Cabdi, Waxa dalka ka bilawday u diyaar garawga X ukuumad Cusub oo uu soo dhiso Madaxweynaha La Doortay,Iyadoo ay si weyn guclo orod ugu jiraan Guud ahaan Wasiirada ka tirsanaa Xukuumadda Xilka ka degaysa, ka mid noqosh ada Xukuumadda la soo dhisayo,waxa sidoo kale Hargeysa isku soo guray Salaadiinta Beela ha Somaliland kuwaasi oo xil iyo Mansab Raadis ah.

Waxaa maalmihii u dambeeyay Guriga Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muj Muuse Biixi Cabdi iyo Meel kasta oo uu istaago mashquuliyay dad Xilal raadis ah kuwaasi oo ay ugu ho reeyaan Wasiiradda iyo Wasiiro ku xigeenada Xukuumadda Xilka ka sii degaysa ee Madaxw eyne Siilaanyo iyo Waliba Madaxda Hay’adda kale ee Dawlada ka tirsan,Waxa uu mid kast aa guclo orod ugu jiraa sidii uu uga mid noqon lahaa Xukuumadda Cusub ee uu soo dhisayo Madaxweynaha cusub ee Somaliland ee dhawaan la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi,ka asi oo ay Umadda Somaliland ka raajicinayso inuu soo dhiso Xukuumad tiro yar oo tayo leh ,islamarkaana ay ku badan yihiin wajiyaal Cusub,iyadoo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi dhin aciisa uu ku mashquulsan yahay oo uu aad uga fikirayo nooca ay noqonayaan Golihiisa Was iiradu.

Dhinaca kale,Saalaadiinta Beelaha Somaliland ayay intooda badani ku soo xeroodeen Maga aladda Caasimada Somaliland ee Hargeysa,waxa ay sidoo kale gaaf wareegayaan Guriga ama Xarunta fadhiga u sii ah Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee sinta ku haysa Guri Xaaski isa, Waxa ay salaadiintani Mansabyo ama xilal uga raadinayaan Reerahooda ama beelaha ay ka soo jeedaan Xukuumadda Cusub ee uu soo dhisayo Madaxweynaha Cusub ee Somalil and Mudane Muuse Biixi Cabdi. Salaadiintan ayaa iskugu jira Kuwo iyagu gacanta haya Mas uuliyiin hore xil uga sii hayay Dawlada Siilaanyo ee xilka ka sii dagaysa oo intooda badani la rumaysan yahay inaanay soo noqonayn iyo kuwo iyagu wajiyaal Cusub daadahaynaya kuw aasi oo doonaya in liiska Xukuumadda Cusub loogu daro,waxaanay u muuqdaan kuwo aan wali sal dhigin oo aan wali isla helin qorshayaashooda,waxaanay salaadiintani buux dhaafi yeen oo sidoo kale laga dareemayaa Huteel siyaasada lagu falanqeeyo ee Hargeysa kuy aala.

Sidoo kale,Waxa jira Dad yaw badan oo isku jira Kuwo u codeeyay Xisbiga Kulmiye oo la soo shaqeeyay iyo kuwa aan la soo shaqayn oo mid waliba dhinaciisa u libin sheeganayo kuwa asi oo isku garbinaya Xilal ka raadinta Xukuumadda Cusub,iyagoo kooxo kooxo u fadhiya Hu  eelada lagu sheekaysto ee dheega ku haya Xarunta uu ka degan Yahay Hargeysa Madaxw eynaha Cusub ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,waxaanu mid waliba quudaraynayaa inuu ka mid noqdo oo uu camal ka helo Xukuumada Cusub ee sida wayn loogu dheg taagayo noocay ay noqonayso.
 

 


Source:Foore