Wasiiro Katirsan Xukuumada Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Bilaabeen Dhismaha Waddada Isku Xidha Hargeysa Ilaa Berbera Oo Si Heer Caalamiya Loo Dhisayo+Sawiro

 


Hargeysa (TNN):- Xukuumada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday galabta inay si rasmiya u bilowday dhismaha waddada isku xidha Hargeysa ilaa Berbera,gaar ahaan marka Halaya la dhaafo hal KM dhinaca Berbera, taas oo wejiga 1aad lagu dhisi doono 10-KM heer caalami ah,halka wejiga 2aad-na leeyar fudud laamida la saari doono, isla markaana gododka wadd ada ku buux-buuxin doonaan. Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan sida waxa uu ku sheegay mar uu galabta kormeer ku booqday goobta ay dhismaha waddadu uu ka socdo, waxaana ku wehelinayey Wasiir kuxigeenka Amniga eeWasaarada Arrimaha gu daha iyo Amniga Md. Cabdilaahi Abokor, Wasiiru-dawlaha Wasaarada Madaxtooyada Somalil and Md.Maxamed Muuse Abees,Xoghayaha Dawlada Hoose Mawliid Aadan Weris iyo masuuli yiin kale.

Dhismaha waddadan waxa fulinaysa Road Development Authority (RDA) oo ka shanaysa shi rkadda waddanig ah ee Chine Horn Group.Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa waxa uu sheegay inuu ku faraxsan-yahay inay bilaabaan dhis maha waddada isku xidha Hargeysa ilaa Berbera, isaga oo arrinta ka hadlayaana waxa uu yi dhi "Waxaanu ku faraxsanahay inaan bilowno waddada isku xidha Hargeysa ilaa Berbera o o ah waddo Strategy ah oo aad loogu baahan-yahay, oo qaranka Somaliland muhiimad baddan u leh, waana waddo ay maraan ugu yaraan 1,250-gaadhi ugu yaraan maalintii, waana wad do muhiimad u leh isku xidhka dalka oodhan, waana waddo isku xidha Caasimada iyo Dekedd a Berbera".

"Waxaanu waddadan daraaseynaynay muddo sidii loo qorsheyn lahaa qaabkeeda, waxaanu wejiga kowaad ugu tallogalnay 10-KM oo dib-u-dhis lagu sameynayo, iyo 10-KM oo kale oo leeyar fudud dusha laga saari doono (Reselling) iyo inta kale oo godadka la buux-buuxiyo,ma joojinayno dhismaha waddooyinka, laakin waxa naga koobnaa kharashka, laakin wejiga laba adna waanu wadaynaa".Ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadu.

Isaga oo haalkiisa sii watana waxa uu yidhi"Waxa hamigayagu iyo himiladayadu tahay inaan u laami si qurux baddan u dhisan inaanu ilaa Berbera sameyno ayaad arki doontaan haddii ILAAHAY yidhaahdo.Wakhti ayey qaadanaysa oo kharash ayey u baahan tahay,laakin qorsh aheeda ayaan la nimid,dedaalkeedana ayaan la imanaynaa wixii lagu tabcaana waa lagaadh a".

Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sheegay inay doonayaan inay waddooyinka dalka Somalila nd oodhan inay dhisaan, isla markaana uu u maqan yahay qalab wax baddan ka tari doona:" Qalab ayaa noo maqan, qalabka aanu imika hayno iyo kharashkayaga ayaa intan ku kooban, laakin waxaanu rajeynaynaa in waddooyinka dalka oodhan sidan oo kale loo dhiso".ayuu yi dhi.

Waynu gaadhi doona in laamida isku xidha Hargeysa iyo Berbera oo sidan quruxda baddan u dhisan oo kale iyo laamiyada dalka oodhan-ba:"Waxna weynu qabsan karnaa, waxna weynu horumarin karnaa haddii aynu la nimaadno niyadsamideedii,isku duubnideedii, iyo dedaalkii la nimaadno, waxaana nagga go?an inaanu gelino tacab iyo dedaal wixii awoodayada ah, Insha Allaahu waynu gaadhi doona maalin maal-maha kamida in laamida isku xidha Hargeysa iyo Be rbera oo sidan quruxda baddan u dhisan oo kale iyo laamiyada dalka oodhan-ba".Ayuu yidhi.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi"Laamiyadu way dheer yihiin waxa lagu qiyaasa ilaa 770-KM marka laga soo bilaabo Dilla halka ay waddadu ku joogtey inta cusub ee ay daw ladu ku dartey mooyaane ilaa iyo inta uu xadku ku joogo ee Laascaanood inta laamigi ah, waana inta kaliya ee isku xidhka laamiya ee dalku leeyahay.Waxa qorshahayagu uu yahay intii laami ahayd ee isku xidhneydna aanu laami hagaagsan ka dhigno, inta kalena aanu ku dedaalno inaanu laamiyo cusub ka dhisno"

"Waa markii ugu horeysay inaan laamiyo cusub dhisno 20-sanadood, waxaynu ku koobnayn kab-kabka iyo buux-buuxinta laamiyada,Laakin waxaanu qorsheynay in laamiyo cusub la abu uro sida laamida aanu gacanta ku hayno iyo waddada aanu gacanta ku hayno ee Wajaale,si da waddooyinka ay dhismaheeda wadaan bulshadu ee ay dawladuna gacanta ka siinayso, e e u baxaya Sallaxlay, Balli-gubadle, haday tahay waddada Cad wixii suuragal ah ayaanu buls hada kala qeybqaadan karno, Waddada Oodweyne Iyo Burco u kala baxda wixii suuragal ah tacab ayaanu gelin doona waanay nnaga go?an tahay waxaanan ka codsanaynaa bulshada reer Somaliland inay sidda ugu fiican uga qeybqaataan".Ayuu yidhi Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.


"Laamidan aad arkaysaan waanu qiimaynay Miter isku weerku waxa uu noqonayaa $ 15.5 Dollar, qofkasta oo muwaadin ahi wuu bixin karayaa, wax ayeynu qabsan kareynaa oo wax tayo leh ayeynu sameyn karnaa ayaad iyo aad ayaan ugu baaqaynaa bulshada inay ka qeyb qaataan dhismaha waddooyinka, dadka war-xumo tashiilka ah ee ka shaqeeya tashuushka, dadka waxba-mataraasha ah ee aan waddanka waxba ku kordhin ee afar iyo laabatanka sa cadood ka shaqeeya dacaayada inaan dhag loo jalaq siinin oo aan la dhageysanin, wax aanu muujin doona tacab rasmiya oo muuqda oo qof waliba indhihiisa iyo gacantiisaba ku taaban karo".Ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan. horseednews.com/hargeysa

 



Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland