Wasiirkii Hore Ee Duulista Dawlada Xamar Oo Kashifay Heshiis Hawada Ku Saabsan Oo Uu La Saxeexday Maxamuud Xaashi
 


Hargeysa (TNN) :- Wasiirkii hore ee duulista ee Soomaaliya Siciid Jaamac Qoorsheel, ayaa ka hadlay heshiis uu sheegay inuu la saxeexday wasiirkii hore ee duulista ee xukuumadii Siilaanyo Maxamuud Xaashi Cabdi.

Mr. Qoorsheel oo u waramay Telefishanka Goob-joog, isagoo jooga magaalada Muqdisho, wuxuu aad u ammaanay Maxamuud Xaashi Cabdi oo uu ku tilmaamay nin aad u maskax fu ran oo ammaan leh, marka la eego arrimaha hawada Soomaalida, waxaanu soo bandhigay heshiis ay wada saxeexeen. Ugu horayn wuxuu yidhi

“Koodhka 252 Somaliya ayaa iska leh oo uu toos u soo galaa, badahaas waxii maraaya ee la rabo inay fasax qaataan dawlada dhaxe ee Soomaaliyeed ayaa iska leh, hawaduna sidaas oo kale ayay ahayd,laakiin wada hadalkii Somaliya iyo Somaliland la lahaa ha laga wada-hadlo siyaasiyiintii wakhtigaas ee tagaayay Ingiriiska ama Turkiga ayaa yidhi aynu horumarino hawada Soomaaliyeed, waxa la yidhi hawada Soomaaliyeed waqooyi ayaa la gaynayaa had iyo jeerna waxa la geeyaa caasimada Soomaaliyeed, caasimada muran ka ma taagna oo waatan aynu joogno( Muqdisho ) maantana waatan laga furay.”

Isagoo ka hadlaya Maxamuud Xaashi, wuxuu Mr. Qoorsheel yidhi

“Runtii rag aad u maskax furan oo ammaan leh, wasiirkii hore ee hawada Maxamuud Xaa shi ayaanu wada shaqaynay runtiina maalintii aanu hawadan ka shaqaynaynay waxay ahayd dareen ah dadkan kale ee ajanabiga ah sida Kiiniya ama gaaladan kale ee waxii ku shaqaysanaysa aanu waxii kala soo wareegno oo inagu Soomaali ahaan waxeenii aynu la soo wareegno aniga iyo isaga ayaana saxeexnay, qastiguna waxa uu ahaa wax danbe waanu ka wada heshiin doonaaye dhaqaale iyo meeshii wax la gaynaayaba ee umadaas kale ma kala soo wareegnaa waxeenii inagaaba iska lehe, runtiina nin geesi ha buu ahaa waanu adkaystay, mana ahayn inuu Somaliland ku dhaawacaayo laakiin wax furan bay ahayd oo isaguna waxba kuma heleen oo taawaradan la dhisaayo iyo inay dhaqaalaha wax ku leeyihiin la gaadheen, hadaanan aniga iyo isagu Istaanbul heshiiska aanan ku wada-gaadhneen, anigu waxaan qabaa wada-hadal ayaa lagu dhamayn karayaa.”



 

 



Xigasho:  Geeska