Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Somaliland,Dr. Max amed Cabdillahi Cumar,oo ka cudur daarta dalab xukuumada uga yimid

 


Hargeysa (TNN):-Xukuumada Somaliland ayaa la sheegay, in ay dalab u fidisey Wasiirkii ho re ee Wasaarada Arimaha Dibadda iyo Ganacsiga, Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo xilka l aga qaadey mudo ka dib Shirweynihii 3aad ee Xisbiga Kulmiye oo ku qabsoomay Hargeysa markaas oo khilaaf Xisbiga Kulmiye awgeed ah xulistii Xubnaha Gudida Fulinta iyo Golaha Dh exe xil ka qaadistiisa lagu hagaajiyey kadib markii uu taageeray Gudoomiyaha Kulmiye Muu se Biixi Cabdi oo ay xiligaa isku aragti ahaayeen.

Waxaanay Wararku intaa ku dareen in dalabka xiligan uga yimid Xukuumada Wasiirkii hore ee Wasaaradaha Arimaha Dibadda iyo Ganacsiga Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar uu ka cu durdaartey, isagoo cudurkaasiisa ku sheegay in uu hada ka howlgalo Hay'ad Caalami ah oo Afrika ka howl gasha,sidaa daraadeedna aaney suurtagal aheyn in uu mar kale xil ka qabto Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo,iyadoo la sheegay in lagala xidhiidhay dhinaca Madaxto oyaada hase yeeshee, aanu dalabka loo fidiyey aqbalin wakhti xaadirkan.

Wasiirkii hore ee Wasaaradaha Arimaha Dibadda iyo Ganacsiga, Dr Maxamed Cabdilaahi Cu mar ayaa, la sheegay in uu xiligan ku sugan yahay Magaalada Nairoobi ee Xarunta dalka K iiniya ,inkastoo aan wali la cadeyn mowqifkiisa dhabta ah ee ku aadan Xubinimada Xisbiga Kulmiye Golihiisa Dhexe oo dhawaan lagu arkey liis Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi u gud biyay Madaxtooyada oo magaciisu ku xusan yahay.