Wasiirka Waxbarashada Somaliland oo Maanta la Kulmay Maamulayaasha Dugsiyada Waxbarashada Laascaanood:
 


Laascaanood (TNN)- Wasiirka waxbarashada somaliland Xasan Xaaji Maxamuud Warsame  (Xasan-Gadhwayne) ayaa waxaa uu maanta kulamo la qaatay maamulayaasha schoolada
dawliga ah iyo kuwa bareefadka ah ee ku yaala Gobolka sool.

Wasiirka waxbarashada somaliland ayaa waxaa uu sheegay in wasaaradiisu ay wax ka  qaba tay Gobolka sool wasiirka ayaa waxaa uu xusay in ay dacaytireen schoolo Bilaa daqado ah Sido kalle Ja jaban iyadoo schooladaas ay dayactir ku sameeyeen Schoolada waxaa kamida Schoolka Golkhaatumo Iyo Abyan.

Sidoo kale Wasiirka waxbarashada ayaa waxaa uu sheegay in ay maamulayaasha Schoolada Ay u feejignaadaan Ardayda sidoo kale waxaa uu sheegay Macalimiinta Qarkood ayaan  gar anayn macalinimo ay moodayaan in wax la xariiqo un Waxaana uu sheegay wasiirku in ay macalimiinta laftooda ufeejignadaan maamulayaashu.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in Ardada Marka ay soo baxayaan ilaaliyaan maxaa yelay Waxaa dhici kara qarax markaa ardadu waa ay ku ordaysaa waxaa sidaa yiri Wasiirka  waxb arashada somaliland xasan xaaji maxamuud warsame Xasan Gadhwayne.

Waxaa wasiirku sidoo kale xusay in uu Gobolka sool wax badan u qabanayo Sidoo kalena uu ku darayo schoolo,waxaa kale uu sheegay in uu samaynayo jamacada nugaal oo isagu Wali qabyo ah.

Wasiirka waxbarashada somaliland ayaa waxaa uu sheegay in uu tagayo, ha se ahaate marka uu soo noqdo uu hawlaha qabyada ka ah uu qabanayo.



Ciise cabdisamad
Timacade News Network (TNN)
Lasanood Office