Wasiirka Wasarada Arimaha Dibada oo wafti ka socda Xidh ii dhiyaha
Arimaha Bini-aadminimada iyo madaxa World Bank ee Somaliland,
Somalia iyo Eritrea Qasirga Madaxtooyada ku qaabilay
Hargeysa (TNN)-Wasiirka Arrimaha
Dibedda JSL, Mudane, Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ay weheli y
a an Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee Cusubi ayaa Maanta Gelinkii
Hore Qasriga Madaxtooya da ku qaabilay Wafti Balaadhan oo uu
Hogaaminayay Mark Bowder oo ah xidhiidhiyaha Arimaha Bini-aa
dminimada, ee Somaliland & Somalia iyo Jaraj Chopra oo ah madaxa
World Bank ee Somaliland, Soma lia iyo Eritrea,
Wasiirka Arimaha Debeda ayaa waxa uu weftiga uga waramay Siyaasada
Xukuumada Cusub ee Dhi nacyada horu-marinta iyo Dhaqaalaha,
waxaanu u sheegay in ay Xukuumada cusubi Soo dhawayna yso
waxlaqabsiga Beesha Caalamka Diyaarna ay u tahay Sii-Xoojinta
Xidhiidhkii ay Somaliland La lahayd Haya’adaha Caalamiga ah.
Dhinaca kalena waxa uu wasiirku tilmaamay Qodobada ay Xukuumadu
Muhiimada siinayso kuwaas o o uu Sheegay inay ka midyihin
Shaqo u Abuurista Dhalimyarada Tirada Badan ee wakhtigan Camalka
la’, Dhismaha Kaabayaasha Dhaqaalaha sida wadooyinka, Xoojinta
Amaanka iyo Tababarada Ciidam ada Nabadgelyada iyo kor u
qaadida tayada waxbarashada iyo Caafimaadka.
Waxaanu intaa ku daray in ay Xukuumadu soo Dhawaynayso ujeedada
socdaalkooda Diyaarna ay u tahay inuu xidhidhku halkisii ka sii
socdo iyadoo ay lagamamaarmaan tahay in dib loo eego kaalmadii
Bini-aadminimo ee ay Beesha Caalamku Hore u siin jirtay Somaliland.
Ugu danbayna waxa uu wasiirku soo jeediyey in la qaban qaabiyo shir
balaadhan oo ay Beesha Caa lamku Somaliland Ugu yaboohdo
Kaalmo Horu-marineed taladaas oouu waftiguna soo dhaweeyey
Saraakiisha waftiga hogaaminaysay oo kala ahaa Mark Bowder oo ah
xidhiidhiyaha Arimaha Bini-aa dminimada, ee Somaliland & Somalia iyo
Jaraj Chopra oo ah madaxa World Bank ee Somaliland, Som alia
iyo Eritrea, ayaa iyaguna marka hore Somaliland ku hambalyeeyey
tubta hanaanka Dumuquraa diyadeed ee ka hirgalay Dalka iyo
sidii ay u dhacday Dooorashadu.
Madaxda Waftigu waxa kale oo ay sheegeen in Wakhtigan ay Beesha
Caalamku si wayn isha ugu ha yso Somaliland una hanwayn tahay.
Geesta ka dibna weftigu Waxa ay ka warameen ujeedada Socdaalkooda oo
ay sheegeen inay tahay isu Xog-waran ay Xukuumada Cusub kala
yeeshaan Barmaamijyadii ay Hay’adahan Caalamiga ah ee uu Waftigu ka
kooban yahay kawadeen dalka.
Gebegabadii kulankani wax uu ku dhamaaday is Afgarad buuxa.
Madaxwaynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud ayaa Xafiiskiisa ku
qaabilay Madaxda Wef tiga hogaaminaysa Booqasho gaaban oo salaan ah
oo ay madaxwaynaha ugu hambalyeeyeen Doo rashadii loo doortay xilka
Madaxwaynenimo ee dalka iyo Dumuquraadiyada ka hirgashay Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
|