Wasiirka Wasaaradda
Ganacsiga Somaliland ayaa xadhigga ka jaray
dhisme cusub shan dabaq ka kooban
oo shirkadda Dahabshiil ka hirgalisay magaalada Burco, xarunta
Gobolka Togdheer.
Xaflad ballaadhan oo loogu talogalay furitaanka dhismaha cusub ee
casriga ah, ayaa waxa ka qaybgalay masuuliyiin ka socda xukuumadda,
maamulka Gobolka Togdheer, madaxda sare ee shirkadda Dahabshiil,
madaxdhaqameedyo, aqoonyanno iyo martisharaf tiro badan.
Wasiirka Ganacsiga munaasibaddaa ka hadlay, ayaa sheegay in xukuumad
ahaan soo dhawaynayaan ganacsiyada gaarka loo leeyahay, isla
markaana dhiirrigelinayaan, “Siyaasadda xukuumadda ee dhinaca
ganacsiga ayaa ah horumarinta iyo dhiirrigalinta shirkadaha
ganacsiga gaarka ah,” ayuu yidhi Md. Cismaan Qaasim.
Waxa kale oo Wasiirku xusay in shirkadda Dahabshiil kaalin weyn ka
qaadato horumarinta iyo kobcinta dhaqalaha dalka, xukuumad ahaanna
markasta mudnaanta koowaad siin doonaan shirkadaha ganacsiga ee
muwaadiniintu leeyihiin.
Maareeyaha guud ee shirkadda Dahabshiil Mr. Cabdirashiid Maxamed
Siciid, ayaa sheegay in goobta laga sameeyay dhismahan cusub ee
casriga ah tahay halkii u horreysay ee 25 sanno ka hor shirkaddoodu
ka bilowday hawlaha xawaaladaha lacagaha, taasoo uu tilmaamay in
maanta gaadhay ilaa heer caalami ah.
Mr Cabdirashiid waxa uu intaa ku ladhay in aan shirkadda Dahabshiil
ku koobnayn oo keliya hawlaha ganacsi, balse qayb weyn ka qaadato
horumarinta iyo dib-u-dhisyada adeegyada bulshada, “Waxaanu gacan ka
gaysanaa hawlaha samafalka sida, dib-u-dhiska cusbitaallada,
biriishyada iyo dugsiyada, kuwaas oo aanu ka fulino dhulka
Soomaalidu degto oo dhan, taasina waxay muujinaysaa in faa’iidadii
aannu dadweynaha ka helnay badhkeed dib ugu celino.”
Waxa kale oo Maareeyuhu carrabka in dhismayaashan cusub ee casriga
ah shirkaddu ka wada hirgalisay badi gobollada dalka, muhiimadda
laga leeyahayna tahay in mustaqbalka laga dhigo bangiyo caalami ah
oo ummadda u adeegi doona.
Nuux Siciid Ducaale oo ah Guddoomiyaha Dahabshiil ee gobollada
bariga Somaliland, ayaa isaguna faahfaahin ka bixiyay adeegyada kala
duwan ee shirkaddu u qabato dadweynaha oo kala ah, xawaaladaha
lacagaha, dhigaalka, ganacsiga iyo isgaadhsiinta, isla markaana in
ka badan 620 xarumood ku leeyihiin 45 dal oo ku kala yaal shanta
qaaradood ee adduunka, “Sidaa daraadeed, muhiimadayadu waxa weeye in
meel kasta laga helo adeegyada shirkadda Dahabshiil.”
Waxa Mr. Nuux Siciid xusay in dhismahani cusub ka kooban yahay shan
dabaq, muddo sannad iyo badh ahna socday, kuna baxay dhaqaale dhan
hal milyan oo doollarka Maraykanka ah, kaasoo uu sheegay inuu
saldhig u noqon doono qaybaha xawaaladaha iyo isgadhsiinta,
“Adeegyada xawaaladda lacagta ee aannu qabanaana waa dakhli si toos
ah dalka soo gala, qofkana soo gala,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu,
isagoo dhinaca kalena u mahadnaqay shirkadda Daryeel oo iyagu
hirgaliyay dhismaha cusub iyo dhammaan marti-sharafta kala duwan ee
ka qaybgalay xafladda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale,
ayaa isaguna minaasibaddaas ka caddeeyay in xukuumaddu
dhammaystirtay shuruucdii iyo nidaamkii lagu dhaqi lahaa bangiyada
madaxabannaan ee dalka, kaas oo uu sheegay inay hada hortaal Golaha
Wakiillada.
Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), ayaa sheegay in shirkada
Dahabshiil wax badan oo la taaban karo ummadda u qabatay, kuna
koobnayn xawaaladaha lacagaha oo qudha, balse gacan ka gaysato
arrimaha samafalka ee bulshada.
“Madaxda Dahabshiil waxa looga baahan yahay in shirkadda ka bixiyaan
saamiyo, si ay u noqoto saami-wadaag oo aanay ku koobnaan
hantiilayaasha leh oo keliya,” ayuu yidhi Gaarriye
Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay, Guddoomiye-ku-xigeenka
Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar, ku-xigenka Maayarka Burco
Axmed Cabdi Falay, Suldaan Maxamuud Guuleed Mire, aqoonyahan
Ibraahin Cabdi-yare iyo xubno kale, kuwaas oo dhammaantood ku
dheeraaday waxqabadka shirkada Dahabshiil, si weyna uga mahadceliyay.
Munaasibadan oo ahayd mid si weyn loo soo aaasimay, isla markaana
kulmisay siyaasiyiin mucaarad iyo muxaafidba leh, ayaa u muuqatay
mid ka caaganayd yooyootanka siyaasadeed ee looga bartay in isku
waydaarsadaan xukuumadda iyo mucaaradku xafladaha dhiggeeda ah,
balse waxay ku koobanayd oo keliya muhiimaddii loo qabtay oo qudha.
Dhismaha cusub ee sirkada Dahabshiil xadhigga ka jartay, ayaa noqon
doona kii ugu casrisanaa ee wakhtiyadan dambe laga hirgeliyo
magaalada Burco ee xarunta Gbolka Togdheer.
Kayse A.Digaale
Kdigale@Yahoo.com
Burco
|