Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada J. Somaliland, ayaa maan ta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhamaystay socdaal qaatay todobaad oo uu ku tagay dalalka Itoobiya iyo Jabuuti.

 


Hargeysa (TNN)-Wasiirka oo maanta u waramayay saxaafadda ayaa sheegay in socdaalkiisu ku soo dhamaaday guul waxaanu intaasi ku daray inuu kulamo lagu sii xoojinayay xidhiidhka iyo iskaashiga dalalka dariska uu la yeeshay Madaxweynaha dalka Jabuuti, Wasiirka Arrimaha dibada ee Jabuuti

 “ Waxaan dalka Jabuuti socdaalkii aan ku tagay kulamo la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibada Jabuuti iyo Madaxweynaha dalkaasi Md. Ismaaciil Cumar Geelle  waxa anu ka wada hadalnay sidii loo sii  adkayn xidhiidhka labada dal waxaanan uga mahad celinayaa madaxweynaha iyo xukuumada jab uuti siday ii soo dhaweeyeen ee walaaltimadda lahayd,” ayuu yidhi Wasiirku.

Dr. Cabdilaahi Cumar, waxa kale oo uu sheegay in uu dalka Itoobiya kula kulmay dhigiisa dalkaasi oo ay ka wada  hadleen sidii la iskaga kaashan lahaa cilaaqaadka labada dal iyo ilaalinta nabadgelyada mandaqada geeska Afrika.

Wasiirka Dibadu waxa kale oo uu sheegay inuu dalalka Jabuuti iyo Itoobiya kula kulmay Safiirada da lalka Britain iyo Maraykanka waxaanu sheegay inuu kala hadlay sidii wadamadoodu u gacan siin lahaayeen qadiyada aqoonsiga Somaliland.
 

 

Timacade News Desk
Hargeysa Somaliland