Wasiirka Warfaafinta Oo Kulan La Yeeshay Safiirka Itoobiya U Fadhiya Somaliland
 

 


Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in kulankaasi uu gogol xaadh u ahaa safar uu isagu ku tagayo.....
 


Hargeysa (TNN)-  Wasiirka Warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Dalka Itoobiya u fadhiya Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale oo kulankaasi ka dib Saxaafada uga waramay waxyaabaha uu kulankaasi ku saabsanaa ayaa sheegay in kulankaasi kaga wada hadleen sidii dawlada Itoobiya ay tababaro u siin lahayd shaqaalaha idaacada Radio Hargeisa, maa daama idaacada cusub ee Radio Hargeysa ay dhawaan hawada si toosa u soo gelayso.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in kulankaasi uu gogol xaadh u ahaa safar uu isagu ku tagayo dalalka Itoobiya iyo koonfurta Suudaan oo uu hawlo wasaaradiisa la xidhiidha kala soo yeelan doonaan dawladaha labadaasi dal.

Safiirka dalka Itoobiya u fadhiya Somaliland Mr Tayetasfaaye oo isna ka hadlay kulan uu la yeeshay Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay kulankan dhexmaray isaga iyo Wasiirka Warfaafinta.

Waxaanu tilmaamay in shaqaalaha idaacada Radio Itoobiya ay wax wayn ka tari doonaan u fidinta aqoon dheraad ahna ka siinyaan shaqaalaha idaacada Radio Hargeysa, wixii aqoon ta iyo khibrad ay dheeryihiin ee ay u leeyihiin shaqada idaacadaha.

 

Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland