Wasiirka Warfaafinta Oo Ka Hadlay Xiliga Dalka Laga Hir gelinayo
Idaacad weyn oo Gobolada wada gaadha
Hargeysa (TNN)-Wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta ee
Somaliland Md.Axmed Cabdi Xaabsade ayaa maanta daboolka ka qaaday in
bisha October ee sannadkan 2011 ay wadanka keeni doonaan idaacad
awood badan oo dalka oo dhan wada gaadhaysa.
waxa uu Wasiirku hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku
qabtay Huteelka Rays ee magaalada Boorame oo uu Socdaal shaqo ku
joogo.
Wasiirka Wasaarada warfaafinta ee Somaliland Md Axmed Cabdi Xaabsade
waxa uu ka warbi xiyay waxqabadyada kala duwan ee wasaarada
warfaafinta ka hirgalay mudadii ay xukuuma da cusub ee uu ka tirsan
yahay ay talada dalka haysay waxaanu xusay in markii u horaysay ay
ku guulaysteen in telefishanka qaranka la gaadhsiiyay guud ahaan
qaarada yurub isagoo talaabadaas ku tilmaamay mid ka mid ah
waxqabadyada ay u xusul duuban yihiin hirgalintooda.
Md. Xaabsade, waxa uu ka hadlay baahida ay ummada Somaliland u qabto
sidii loo heli lahaa idaacad wada kafaysa dalka waxaanu cadeeyay in
qorshaha ku talo galkoodu uu yahay sidii bisha tobnaad ee sannadkan
2011 ay u keeni lahaayeen idaacadii weynayd ee ay xukuuma du balan
qaaday isla markaana ay si sharci ah u naadiyeen shirkadda keenaysa
taasoo mar hore soo dhamaatay.
Wasiirka Warfaafintu ku dooday in xukuumadiisu ay si hufan ula
Dhaqanto saxaafada mada xa banaan ee dalka waxaanu carabaabay inaanu
jirin wax cabudhin ah oo dawladu ku hayso warbaahinta.
Wasiirku waxa uu ku eedeeyay qaar ka mid ah saxaafada dalka inay
baahiyaan warar uu ku sifeeyay xajiimayn oo wax u dhimi kara sumcada
qaranimada Somaliland iyo dedaalada loogu jiro in qarankani aqoonsi
caalami ah ka helo adduun weynaha.
Wasiirku waxa uu ku booriyay in suxufiyiinta gobolka Awdal ay
bulshadooda ugu adeegaan si wadaniyadi ku jirto kana dhawrsoonaadaan
wax kastoo iska horkeenaya ummadooda isla ma rkaana ay kaalintooda
ka ciyaaraan sii xoojinta horumarka iyo nabadgalyada dalka.
\
Wasiirka oo wax laga weydiiyay waxay ka yeelayaan mas’uuliyiintii
degmada Taleex ee Gobo lka Sool ee ay horaantii bishan afduubeen
ciidamo ka tirsan maamulka Garoowe waxa uu she egay in arrintan loo
saaray gudi todoba xubnood ah oo ka tirsan golaha Wasiirada oo hawsh
an ku dhex jira isagoo intaas ku daray in sida uu dhakhsaha badan ay
ku soo dhamaan doonto.
Source: Somaliland.Org
|