Wasiirka Tamarta oo ka Hadlay Guulo uu ka soo Hooyay shirkii Macdanta Afrika



Hargeysa (TNN):-Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Mudane Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii uu Dalka Koonfurta Afrika kaga qayb galay shir Caalami ah oo lagaga hadlayey Macdanta qaaradda Afrika.

Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale oo maanta ka soo degay Madaarka Magaaladda Hargeysa, aya a waxa halkaasi ku soo dhaweeyey, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo shaqaalaha Wasaar addiisa oo ay hor kacayaan agaasimeyaasha waaxyaha, waxaanuu Wasiirku qolka Nsashada kula hadlay Saxaafadda oo uu faah faahin kaga bixiyey shirkaasi iyo waxyaabaha Somaliland uga soo kordhay.

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Mudane Xuseen Cabdi Ducaale oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Aad ayaan ugu farax sanahay in aan dalka ku soo noqdo, iyada oo aanu guul weyn ka soo helnay shirkii Dalka Koonfurta Afrika ee aanu tagn ay, waxaanu ahaa markii ugu horreysay ee shirkaas heer dawladeed la inagu soo marti qaaday oo illaa dhawr iyo socon Wasiir oo macdanta ah ay ka soo qayb galeen, halka 17 ka mid ah fursad loo siiyey inay ka hadlaan macdanta dalkooda oo ahaa shir ka dhacay Magaal adda Cep Town oo ah mid sannadkiiba mar ka dhaca, waxaana ka soo qayb galay illaa sagaal kun oo ka soo qayb gale, kuwaas oo isagu jira Dawladdo, Shirkaddo iyo Maal-gashade yaal, waana shirka adduunka ugu weyn ee macdanta ah, waana kii 20-aad ee dhaca, waxaana farxad weyn inoo ah inaynu ka mid noqonay dawladahaas oo calankeenu ka dhex muuqday, waana wax aad loogu farxo runtii, iyada oo aynaan ahayn dal la aqoonsan yahay in heerkaa s la inoogu macsuumo shirka oo aynu waliba ka hadalno oo aynu waliba ku soo dhowayno shirkadaha ka soo qayb galay wixii khayraad ah ee dalkeena ku jira”

Xuseen Cabdi Ducaale oo ka hadlayey weraysiyo uu siiyey warbaahinta caalamka iyo arrimo kale waxa uu yidhi “Waxaana i waraystay warbaahin caalami ah intii aan joogay shirka, kow aas oo ay ka mid yihiin CBCtv OO Caalami ah, cctv oo ah tv China laga leeyahay, waxa sidoo kale i waraystay wargeysyo caalami ah, waxaana wax weyn ah in markii ugu horreysay la maqlo dal la yidhaahdo Somaliland, macdantu ma hawl yara oo dawladdaha afrika oo dhan ayaa ku loollamaya inay shirkadahaasi waddamaddooda maal gashadaan, laakiin inagu markii ugu horreysay ayeynu ahayn ee aynu ka qayb galnay shirkaasi, waana shir fagaare weyn ah oo mageceenu uu baxayo weeyaan, waxyaalaha la inagu aqoonsanayana waxyaalahaas ayaa ka mid ah, in fagaareyaasha caalamiga ah la inaga helo oo aynu badheedheheena ka sheeganno, runtii taasi way noo suura gashay oo aad ayaan ugu farax sanahay, in aynu meel aynaan dawlad ahaan hore u gaadhin aynu gaadhnay”

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale oo ka hadlayey madaxd a uu kulamada la soo yeeshay iyo buug laga qoray shirka oo ay Somaliland ku jirto waxa uu yidhi “Buug ayaa laga qoray shirka oo lagaga hadlayey illaa 17 dal oo ka mid ah dawladaha ka soo qayb galay shirka oo afrika ah oo lagaga hadlayey khayraadka waddankooda, kuwa as ayeyna Somaliland ka mid ahayd, waxaana somaliland laga diyaariyey qoraal aad u fiican oo lagaga warramayo Somaliland iyo khayraadkeeda, waxaanaynu shirkaas ka helnay muu qaal aynaan hore u lahayn, waxaanay waa maal gashi oo fagaare siyaasaddeed ma ahayn aad ayaana la iiga soo dhaweeyey, baaq ayaanan u diray inay dalkeena soo eegaan oo ay il gaar ah ku eegaan, annaga oo ka duulayna in aan wixii la siyaasadaynin, baaq ayaan shirka daha u soo jeediyey inay dalka maal gashadaan, waxaanan la kulmay madaxdii ka soo qayb galay oo aan uga warramay Somaliland oo wakhti la siiyey in la wada hadlo, aad ayaanan ugu sharaxay oo qaar ayaa i weydiiyey Somaliland waa xaqee, markaa waxaan u sheegay in Somaliland tahay dal jira oo muddo 22 sanno jiray, waxaana isoo casuumay hogaan shirkan oo aanu hore isku aragnay oo sidaasi igu soo casuumay, waxaanu sidoo kale is aragnay Guddoomiyaha midowga Afrika oo ah haweynay Koonfur Afrikaan ah, waxaanan kala hadlay inay kursi sharafeed Somaliland siiyaan, markaa taasna Wasiirka Khaarajiga ayaan kala hadlayaa, taas oo aan fursad u helay in aan qadiyadda Somaliland uga warramo”

 




Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland