Wasiirka Qoyska Iyo Wefti Ay Horkacaysay Oo Kormeer ku Tagay Degmada Cadaadlay

 

Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha bulshada Somaliland, Marwo Faadumo Suudi Xasan iyo wefti balaadhan oo ay hoggaaminaysay ayaa shalay booqasho ku tagay degmada Cadaadlay ee gobolka Hargeysa
Weftigaasi waxa kale oo xubno ka ahaa Xildhibaanada Golyaasha Baarlamaanka [Guurtida iyo Wakiilada] kaga jira deegaankaasi, oo ay ka mid ahaayeen Md. C/Raxmaan Maxamed Jaamac (Xoog), oo ka tirsan Wakiilada , Md. Farxaan Ciise Ubaxle, oo ka mida Xildhibaanada Golaha Guurtida JSL iyo Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray iyo Cuqaasha deegaanka , Ururada dhalinyarada iyo Haweenka ee deegaanka ka soo jeeda.

Masuuliyiintaasi ayaa dadweynaha kala hadlay meel fagaare ah tuulooyinka Gadhka Warsame-Xaad, Weeraarta iyo degmada cadaadlay, waxaanay dadka ku dhiiri geliyeen in ay si weyn ugu soo baxaan diwaan gelinta dhawaan laga fulin doono gobolka Hargeysa, taasi oo ay ku tilmaameen fursad qaali ah oo muwaadiiinta lagu sugayo xuquuqdooda dastuuriga ah.

Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha bulshada Somaliland, Marwo Faadumo Suudi Xasan, oo halkaasi ka hadashay ayaa waxay tidhi "In Maanta dadka degmada Cadaadlay iska diwaan geliya, laghu salayn doono waxqabadka xukuumadda iyo Haa'yadaha dawliga ah, iyadoo meeliba meesha ay ka dad badan tahay awooda la saari doono."

"Waxaan ku boorinayaa reer caddadlay inay midoobaan, halkani waxay ahayd deegaanadii ugu horeeyay dhinacyada waxbarashada iyo xadaarada kala duwan, waxaan idiin sheegayaa in Degmada Cadaadlay sanadka fooda inagu soo haya laga bilaabi doono kulliyaddii ciidamada ee Madaxweynaha Somaliland balan qaaday."ayay intaasi raacisay Marwo faadumo Suudi Xasan.

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay muhiimada ay diwaan gelintu ugu fadhido dalka, waxaanu dadweynaha degmooyinka Caddaadlay iyo Sabo-wanaag uu ka dalbaday inay diwaan gelinta fiiro gaar ah u yeeshaan, isla markaana ay nabad gelyada ay haystaan ku faro adaygaan.

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay odayaal iyo wax-garad ka tirsan deegaanka oo Suldaanka ku amaanay sida uu xog ogaalka ugu yahay adeegyada bulshada ee degmooyinka Caddaadlay iyo sabo wanaag.

 

 


Source:Qaran News