Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada ee S/L an d Marwo Fadumo Suudi Hassan aya Boqasho ku Timid Qatar
 


Doha (Longlivesomaliland News)-Waxaa xalay oo y bishu ahayd Axad 25 bishan October, ka soo degtay madaarka weyn ee Doha, Qatar Wasiirka Qoyska iyo  H orumarinta Arrimaha Bulshada ee Somaliland Marwo Fadumo Suudi Hassan.

Waxaa gegida diyaaradaha ee Doha kaga hortagey wasiirka Jaaliyadda reer Somaliland ee Doha oo rag iyo dumarba leh . Waxaa wasiirka halkaa ugu mahad naqday sida diiran ee ay jaaliyaddu u casuuntay, ugana soo dhoweeysay Doha.

Waxaa wasiirku muddo week ah booqasho lagu casumay ku joogtay Waddanka Kuweit Booqashadaa oo ay ku ekayd Sabtidii. Waxaa wasiirku kula kulantay  Ku weit Jaaliyadda Somaliland mucaarid iyo muxaafadba, iyagoo si qiimo badan u soo dhoweeyey wasiirkan. Waxaa ay si rayn rayni ku jirtay ugu mahadnaqeen wasiirka waqtiga khaaska ah ee ay gelisay socdaalkeedan taariikhiga ah. Waxaa Marwada dhankeeda ka xustay sida habka iyo hannaanka weyn leh ee  Jaaliya dda Somaliland ee Kuweit ay usoo dhaweeyeen.

Waxaa kaloo ay Marwadu kula kulantay Kuweit madax sare oo reer Kuweit ah. Waxaa Wasiirku halkaa ugu balanqaaday madaxda sar sare inay xukuumadda reer Somaliland ay u fidin doonto martiqaadyo si loo xoojiyo cilaaqaadkan cusub ee ka dhexeeya labada wadan ee Kuweit iyo Somaliland.

Waxaa wasiirku Marwo Fadumo Suudi Hassan socdaalkeedu qaadan doonaa  mu ddo shan cisho ah, iyadoo Magaaladan Doha kula kulmi doonta Jaaliyadda  Soma liland mucaarid iyo muxaafadba, iyadoo uga warammi xaaladda waddanku ku  su ganyey, iyo dhamaanba hawlaha ay wasaaraddeedu u qabato. Waxaa xusid  mu dan oo xaqiiq ah in Marwadan tahay ta KELIYA ee DUMAR eek u jirta  xukuumm ad Somaliland. Waxaanad ka arki kartaa kartida wasiirkan leedahay sida huffan ee ay u dhistay wasaaradeeda, iyo waxqabadka muuqda ee ay keentay  mudd addi shanta sannadood ee ay haysay wasaaraddan

Maahan markii ugu horreeysay ee Wasiirkani booqdo wadan dibadeed, ee  wax aa wasiirkani ka mid yahay wasiirada ugu firfircoon ee xukuummaddeena ee had iyo jeer wargeliya jaaliyadaheena dibadda. Waxay sidoo kale si isdaba joog ah uga qaybgashaa shirarka caalamigaa ee la xidhiidha wasaaraddeeda.

Waxaan idinla socodsiin doonaa waqtiyada soo socda socdaalka Wasiirkan ee Doha, Qatar.
 

 


Amina Said