Wasiirka
Qoyska Iyo Arrimaha Bulshadu Waa Wasiirkeena
Qudha Ee Inoo Maqan

Markaan
akhriyey maqaal ay qortay wiigii hore walaashay Aamina Siciid, kaas
oo ka hadlaayey Wasiirkeena Qoyska iyo Arrimaha Bulshada ee
Somaliland Marwo Faadumo Suudi Xasan. Wuxuu maqaalkaasi igu beeray
inaan markayga waxaan ka aqaan ka waramo wassirkeenan inala jooga.
Marka hore waxa xusid mudan inaan sheego inaan ka yara hadlo sidii
Aamina aqoonta gaaban ee aan u leeyay Marwo Fadumo Suudi Xassan.
Waxay ahayd sannaddu 1989 bishii November. Waxaan aniga iyo lix
carruur ah oon dhalay ka soo degnay magaalada New York anagoon cidna
ka granayn oo qaxootiya. Qof waliba wuu granayaa waxaan ka hadlaayo
dhibaatadeeda iyo naxdinteeda markaad ka soo degto waddan gaalaad oo
aad waxba ka garanaynin. Waxaa ilaahay nagu soo beegay nin Somali ah
oo Saudi Arabian airlines u shaqeeya oo ii sheegay inay jirto inan
caynkaas ah oo dadku wada yaqaan. Wuxuu lahadlay Marwo Fadumo isagoo
weydiiyey in reerkan diyaaradda la socday aynan cidna haysan oo ay
kaalmo u baahanyiin. Waxay ka codsatay inay aqalkeeda uu na keeno.
Waxaan la kulanay Marwada isla habeenkaa iyadoo nagu qaabishay waji
gacmo furan. Waxaa isla aqalka aanu kula kulanay reer kale oo
sidayada qaxaya kana yimid carabta oo ku socda Canada. Waxaan ku
nasanay aqalka marwada shan cisho oo aanan waligay ilaabayn.
Waxaanay aniga iyo carruurtaydii lana noqotay inaanu joogno
aqalkayagii midla mida, kumana soo koobi karo halkan waxyaabaha fara
badan ee uu qof qaxootiya uu u baahan karo ee ay Fadumo Suudi noo
gashay, iyadoon waqtigu ku yaryey.
Waxaa ilaahay Fadumo Sudi I yusay afar sannadood ka dib waqtigaa
anigoo Ottowa soo gaadhay. Waxaanu isgu nimid aqal maxaadaro ka
socotay, halkaana waxaan ka bartay waji cusub oo aanan aqoon oo
Fadumo leeday, kaas oo ah aqoon weyn oo ay u leeday diinta. Waxana
isku dayey inaan uga mahadnaqo arrintii ay noo gashay, waxaanse aad
ula yaabay markaan ogaaday in 25 ka dumarra ee meesha fadhiya ay 11
ka mid ay soo gacan qabatay waqtii la qaxaayey. Waxay kalooy ii
sheegeen inan Marwadu ay waddo tiil ahayd oo dadku isusoo sheego, oo
boqollaal aynan garanayn ay soo mareen.
Waxaa se xusid mudan oo igu lama illaabaan ah, markay hooyaday ay
bikhtiyaa nasiib ku heshay mid ka mid ah 87 aqal oo dadk reer
hargeisa loo dhisay, gaar ahaan xaafadda Abdi Iidaan, aqalladaa oo
ay gacan weyn ka gaysatay Wasiirku. Waxaa hawshan weyni ay ka mid
tahay arrimaha ugu waaweyn ee wasiirku ku hawlanayd muddadii ay
wasiirka noqotay. Waxaa mahaddaa leh ilaahay ka sokoow Adiga wasiir
Fadumo Sudi. Waxaana qiranayaa inaan tahay ta qudha ee qoys, ama
dumar, ama bulshadaba u maqan waddankeena. Waxaan kaaga sidaa mahad
ballaadhan dhamaan 173 qoysaskaa maanta deggan aqallada aad u
guntatay siday u hanan lahaayeen dantyarteennu.
Waxaan dareensiinayaa kuwa ila mida ee waddankan Canada jooga in
maanta ay nala joogto wasiirkeena keliya. Maaha UDUB, ama UCID, ama
KULMIYE,ama reer hebel baan u dhaxay ee waa Dumareey ka kaca oo
dhoolatusa in wasiirkeenni aqalkeena fadhido. Siyaasadna yaa laynagu
jabin, oo raggu idin odhan dawladda Riyaale iyo UDUB ayay u
shaqaysaa. MAYA waxay u shaqaysaa waa masaakiinta, danyarta, iyo
da’yarta Somaliland. Imisa goor baynu dhegaheen kaga dhagaysanay BBC
iyadoo u dagaalamaysa danta dumarka iyo qoyska. Berri baynu garan
markaynu midna ka weyno wasiirada, ama barlamaankaba.
Waxaan ku soo gunaanadayaa qoraalkan, waddankeena Somaliland waxa u
shaqeeya waa dumar, oo intaa gaadhsiiyey. Ninkii markhaati doonayoow
orod oo dhulkii dhaayahaaga ku soo arag. Maanta oo aynu qurbo
joognana innaga ayaa reerkaba isuhayna, ee rag siyaasad haboobsan
iyo kanaa xisbi hebel ah, iyo kanaa reer hebel ah ayuu shaqo ka
dhigtay. Mar hadday inala joogto wasiirkeennii, ta keliya ee
xukuumadda dhisan inoo jirta, ee inoo maqan waa inaynu si diiran, oo
hagar la’aanu ku jirto usoo dhowaynaa. Haddaynu illoowno maalin baa
iman aynu cidnaba ka weyno xukuumad rageedda ina dishootay. Kaca
dumaroow, oo hadba tiinna hormuudda taageerra waligiin.
Caasha Saleebaan
Vancouver Canada
ashasalebaan@gmail.com
|