Wasiirka Qorsheynta Qaranka Iyo Horumarinta Somaliland Ayaa 50 Xubnood Usoo Xidhey Aqoon iswaydaarsi kusaabsan Cuntada Iyo Istaraatijiyada Biyaha.
 


Hargeysa (TNN)-Wasiirka Wasaaradda qorsheynta Horumarinta iyo Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa 50 xubnood usoo xidhey aqoon iswaydaarsi muddo 2 cisho ah kasocdey Hotel Maa nsoor.waxaanu sheegay inay lagama maarmaan tahay in loo guntado sidii dalka loogu samayn lahaa dalka qorshe ku aadan wax lagaga badalayo dhab dhaqanka liita ee ah inasyan bulshadu dhulkooda waxba kala soo bixin isla markaan loogu jaheeyo sidii looga bixi lahaa ku tiirsanaan ta waxyaabaha laga keeno waddamada dibadaha ah.

khudbad kooban oo Wasiirku halkaa ka soo jeediyey waxa uu ku sheegay lamaga maar maani mada ah inay bulshada Somaliland isku tashato isla markaana iska fadhiga macno darrada ah iyo laysinimada ku badalaan wax soo saarka dalkooda iyo ka faa'iidaysiga khayraadka ceegaa ga waddanka balse u baahan dadkii kala soo bixilahaa.

Wasiirku isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxaa hadalladiisii ka mid ahaa "dhibaatada ugu we yn ee maanta ummaddeena haysataa waxa weeye wax soo saar la'aanta iyo ku tiirsanaanta aan waxwalba ka sugeyno waddamada dalalka shisheeyaha inay inooga yimaadaan" ugu damb eyntiina Wasiirku waxa uu bulshada u soo jeediyey inay isu taagaan sidii looga bixi lahaa ku ti irsanaanta quutul daruuriga uga imanaya waddamada kale ee caalamka shaqaysanaya lana soo baxaan kharyaadka dalkooda ku duugan si looga maarmo in nolosha lagu dabaro raashin laga soo dajiyo maalinwalba dekadaha kaasi oo ka imanaya dalalka wax soo saarka leh ee dib adaha.



Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqalle02@gmail.com
Hargeysa Somaliland