Wasiirka Qorshaynta Qaranka Oo Warbixin Siiyey Golaha Wakiilada Somaliland



 

Hargeysa (TNN): – Fadhigii maanta ee golaha wakiilada Somaliland oo uu shirgudoominaayey gudoomiyaha golaha wakiilada mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Ci ro) ayaa waxay xildhibaanada goluhu warbixin ka dhageysteen wasiirka wasaaradda qorshay nta qaranka Dr. Sacad Cali Shire.

Wasiirku waxa uu xildhibaanada golaha wakiilada faah-faahgn ka siiyey mashruuca loo yaqaan Somaliland Fund. Oo uu sheegay in uu yahay mid qiime wayn ugu fadhiya harumarinta qaranke ena. Wasiirku isagoo arrintaas ka hadlaayana waxa uu yidhi “Mashruuca loo yaqaan Somalila nd Fund waa mashruuc ay iska kaashadeen Ingiriiska, Denmark iyo Norway, hadda sanduuqa as waxa kui jira lacag dhan (Sagaal iyo konton milyan oo doolar) oo ay inaagu kala deeqeen dawladahaasi. Waxaana lacagahaas laagu talo galay mashaariicda harumarineed mudo ku sim an afar sanno.” Wasiirku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu ka hadlay deeqahaas wadamada bixiyey iyo inta uu wadan waliba bixiyey, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Deeqa haasi waxay ka kala yimaadeen wadamadaa aan hore u soo sheegay, wadanka Ingiriisku wa xa uu bixiyey (Afar milyan oo doolar), wadanka Denmark waxa uu bixiyey (Labaatan milyan oo doolar) iyadoo wadanka Norway-na waxa uu bixiyey (Shan milyan).”

Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranku waxa uu sheegay in sanduuqan ay maamulaan gud di heer qaran ah oo qorshaysa hadda baahida loo baahan yahay in wax laga qabto, isagoo ar rintaa ka hadlaayana waxa uu tidhi “Waxa jirta guddi la yidhaa guddida qorshaynta qaranka, guddidaas ayaa go’aamisa meelaha inoo mudan una baahan in wax laga qabto sannad walban a aynu lacagta sanduuqaas u isticmaalno.” Wasiirku isagoo hadalkiisa sii wata wax uu ka hadl ay qaabka ay guddidaasi u shaqayso, waxaanuu yidhi “Guddidaasi waxay ku shaqaysaa habka qorsheheena qaran oo ka kooban shan tiir oo kala ah, tiirka maamulka, tiirka bulshada, tiirka dhaqaalaha, tiirka kaabeyaasha iyo tiirka tiirka deegaanka.”

Wasiirka qorshayntu waxa kale oo uu ka hadlay mashaariicdii ugu muhiimsanayd ee sannadkii hore laga maalgaliyey sanduuqan, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Sannadkii ina soo dhaafay waxa la go’aandaday in la maalgaliyo oo loo arkay in ay mudanyihiin beeraha, xoolaha, biyaha, degaanka iyo wadooyinka.”

Dr.Sacad Cali Shire Wasiirka wasaaradda qarshaynta waxa uu sheegay in deeqaha dal la siiy aa ay isugu jiraan dayn iyo deeq, labadaa qaybood ayaa waxa u kala qayb samaan mid toos ah iyo mid dadban oo loo mariyo hay’addaha samofalka.
Wasiirku waxa uu kale oo uu xusay mashaariicda lagaga shaqaynayo lacagahaas ay jaangoyn tooda samaynayaan guddi isku dhaf ah oo ka kooban xukumada iyo goleyaasha qaranka.

Wasiirku waxa u sheegay in sanduuqani waxbadan ka taridoono waxka qabashada baahiyaha dalka ka jira, isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi “ Sanduuqani waxa uu noqon doon aa mid wax wayn ka tara mashaariicda horumarineed ee dalka, maadaama aynu inagu nahay kuwa maamulaya meelaha wax laga qabanayo iyo sida ay u kala wayn yihiin baahiyaheena waxqabad.”
Wasiirka qarshaynta qaranka waxa uu sheegay in dalkeenu maanta meel fiican marayo dadaa lka aynu ku jirno qaran ahaana aynu ku mutaysanay in wadamo badani ay si toos ah inoo siiy aan deeqo, isla markaana aynu yeelano sanduuq harumarineed oo dawlaha aduunka qaarko od ay inoogu soo shubaan si taas ah dhaqaalaha ay inoogu deeqayaan.

 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somalilnd