Wasiirka Qorshaynta Oo ka Hadlay Asbaabaha Hay’aduhu u tagi waayeen Sool
 



Hargeya (TNN):-Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horraysay ka hadashay sababta gobol lada Sool iyo Sanaag loo gaadhsiin waayey mashaariicda horumarineed ee ka socda dalka.

Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horraysay ka hadashay sababta gobollada Sool iyo San aag loo gaadhsiin waayey mashaariicda horumarineed ee ka socda dalka.

Wasiirka Wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in saba bta loo gaadhsiin waayey gobolada Sool iyo Sanaag Mashaariicda Horumarinta ay tahay Hay’ad aha Caalamiga ah oo diidan kuna tilmaamay goboladaasi qaar aan amaan ahayn oo aan la isku ha llayn karin, isla markaana uu khilaaf ka jiro.

Dr Sacad Cali Shire oo Maanta hor yimid Golaha Guurtida oo ugu yeedhay inay warbixin ka dhega ystaan, ayaa waxa kale oo uu sheegay in qorshaha xukuumaddu uu yahay in gobol kastaaba uu isku tashado oo uu isku fillaansho gaadho.

Wasiirka Wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo arrimahaasi ka ha dlaya waxa uu yidhi “Inta badanw waxa mashaariicda naga caawiya Hay’adaha Caalamiga, mark aa waxa ay yidhaahdaan Goboladda Sool iyo sanaag waa gbollo aan amaankoodu sugnayn oo aa n la isku hallayn karin oo uu khilaaf ka jiro, taas ayey ku sababeeyeen, laakiin runtii arrin ay wax ka jiraan ma aha, Sool iyo Sanaag waa laba gobol oo nabad ah oo laga shaqayn karo oo la tegi karo, kuwaas oo ay dadkoodu leeyihiin baahida ay gobolada kaleba leeyihiin, waxa ay u baahan yihiin in baahida wax lagala qabto oo la daboolo, fikirkaasina mid aanu ku raacsannahay ma aha Hay’adaha, waxaanu ku nidhaahnaa haddii aad ka baqaysaan Hay’adaha kale ee samafalka ee ka shaqeeya gobolada u dhiiba mashaariicda, taas ayaanu ku dhiiri gelinaa, waananu wadnaa waa nanu ku wadi doonnaa, waanay wanaag sanaan lahay inay xildhibaanadu nagala shaqeeyaan, m arkaa qaar ayaa ballan qaaday inay hawlo ka billaabi doonaan goboladaas, waxaanay sheegeen inay gelin doonaan Sool iyo sanaag lacag illaa laba milyan ah, san duuqan laftiisa waxaanu ka dal banay in lacag gaar ah laga siiyo gobolada sool iyo sanaag”

Dr Sacad oo ka hadlayey qorshaha xukuumadda ee dalka waxa uu yidhi “Anaga ujeedadayadu w axa weeyaan sidii uu gobol waliba isugu tashan lahaa, oo uu u yeelan lahaa ku talo gal gobol, isla markaana uu u adeegsan lahaa miskax, maal iyo muruq, waxaananu u baahannahay inaynu isku tashanno oo gobol waliba isku tashado, sidaas ayaanu u samaynay guddida qaran, inaga oo wixii xisaabaad ah u daynayna hay’adaha u xilsaaran ee daba galka xisaabaadka”
 

 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland