Wasiirka Madaxtooyadda oo Safar ku Tagay Burco iyo Shir-be eleed ka Dhici Lahaa Deegaanka Qoryaale oo la Joojiyey


 


Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga UCID iyo xildhibaanno iyaguna booqasho ku jooga magaala da Burco ee xarrunta gobolka Togdheer iyo ujeedooyinka ay u socdaan

‘Safarka Wasiirku waxa uu ahaa mid shakhsi oo ugaara, Xildhibaanadayaduna hawl wada tashi ayaa nu u nimi’Md. Cali Mareexaan.


Burco (TNN)- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay weheliyaan xildhiba ano ka tirsan Golaha wakiilada oo ay ka mid yihiin Md. Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan), Md. Ma xamed Jaamac iyo gudoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga UCID Md. Aadan Mire Waqaf ayaa fiidnim adii habeenkii Axadda soo gaadhay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.Socdaalka xubna han, ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa mid kala gaara ah oo qoloba u socotay hawlo gaara.

Md. Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), oo ka mid ahaa masuuliyiinta booqashada ku yimi Burco ayaa Jamhuuriya iyo HCTV, uga waramay muhiimada safarkooda , waxaanu yidhi isaga oo arrintaasi ka hadlaya “Socdaalka wasiirka Madaxtooyadu waxa uu ahaa mid gaar ah oo uu reerkiisii oo Burco yaalay ayuu u socday, balse xildhidhibanadayadu waxaanu u nimi arrimo la tashi iyo shir hore u qors haysnaa oo bishan July ka dhici -lahaa degmada Qoryaale ee ka tirsan Gobolka Togdheer, la isla gart ay in dib loo dhigo, markaa hawlahaas uun ayaanu u soconay.”

Geesta kale, Xildhibaanadan iyo Md. Waqaf ayaa la sheegay inay dedaal badan u galeen sidii loo jooj in lahaa shir-beeleed ka dhici lahaa degmada Qoryaale, kaasoo ay ugu dambayntii ku guulaysteen, ka dib markii waxgardaka iyo odayaasha degaankiisii ay ku qanciyeen inaan wakhtigan loo baahn ayn qabashada shir-beeleed.

Degmada Qoryaale ee ka titsan gobolka Togdheer ayaa muddooyinkii u dambeeyey laga hadal hay ay qabanqaabada shir-beeleed ay iskugu imanayaan beesha degaankaasi, balse gebi ahaanba waxa la joojiyay qabshada shirkaasi.

Dhinaca kale, xukuumadda Somaliland ayaa si weyn uga soo horjeeda in degannada dalka lagu qab to shir-beeleedyo, kuwaasoo hadalhayntoodu u muuqday qaar ka dhexjira degaannada dalka qaark ood.


Source: Wargaysaka Jamhuuriya