Wasiirka Madaxtooyadda Oo Dhagax Dhigay 4KM Oo Ka Mid Ah Jidka Dawga-cad Ee Waqooyiga Hargeysa
 


Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland, ayaa kormeerkiisa ka dib waxa uu dhagax dhigay 4KM oo cusub, kuwaasi oo .....


Dawga-cad (TNN):-– Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo wefti uu hogaaminayey ayaa maanta kormeer shaqo ku soo maray jidka Dawga-cad ee waqoo yiga Hargeysa oo dhismihiisu socdo.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland, ayaa kormeerkiisa ka dib waxa uu dhagax dhigay 4KM oo cusub, kuwaasi oo lacagta ku baxaysa ay kala bixiyeen xukuumadda Somaliland iyo Ganacsadayaasha Maxamed Aw Siciid ee shirkadda SOMCABLE iyo Maxamed Indho-birta.

Munaasibada dhagax dhiga, ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay guddoomiyaha guddida jidkaasi dhisaysa Cabdiqaadir Xaashi Cilmi, waxaanu u mahad-naqay masuuliyiinta dawladda ee halkaasi tagay, waxaanu sidoo kale sheegay in wixii dhaqaale ka soo gaadhay gudaha iyo dibada dalka ay wax ugu qabteen sidii loogu tallo-galay.

Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Dadka qurbaha iyo dalkaba jooga ee tabarucaadka Maalin walba ka geysta dhismaha dawga-cad, waxaanu tusaynaa in wixii ay noo dhiibeen aanu sidii ay ugu tallo-galeen uga soo baxnay oo aanaan shilin meel kale uga leexin oo xisaabtayadu furan tahay in la arko, shaqo wanaagsan inaanu qabanay ayaanu filaynaa, waxaanuna jecelahay inaanu dhamaystirno, waxa nasiib wanaag ah in dawladda iyo tujaartu ay lacag noogu tabaruceen oo aanu ka guddoonay”

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna halkaasi hadal kooban ka jeediyay dhagax dhiga ka hor ayaa yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaanu maanta guddida wadada dawga-cad dhisaysa kala soo qayb-galno oo runtii hawl aad iyo aad u wanaagsan qabtay, waxaanuna guddida iyo intii dhaqaale ku bixisayba ku bogaadinaynaa shaqada fiican ee la qabtay, waxayna muujinaysaa shaqada fiican ee la qabtay, dawlad ahaana waxaanu muujinaynaa inaanu taageersan-nahay oo aanu barbar taaganahay oo aanu wax kala qabanayno”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Maanta waxaynu dhagax dhigaynaa 4KM oo laba ka mid ah ay kala bixiyeen Ganacsadaha Maxamed Aw Siciid (Somcable) iyo ganacsadaha kale ee Indho-birta iyo 2KM oo dawladdu bixinayso, taasina maaha wax istaagaya ee tanni waa bilowgii iinsha Allaahu” ayuu yidhi waxaanu intaasi raaciyey “Waxaanan hambalyeynayaa haweenkii ururka GOBAAD ee bilaabay dhismaha jidkan”

Weftiga Wasiir Xirsi hogaaminayey ee kormeerka ku soo maray jidka Dawga-cad isla-markaana dhagax dhigay 4KM ayaa waxa ka mid ahayd Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aaden iyo masuuliyiin kale oo door ah.
 

 



Timacade News Desk
Dawga-cad,Somaliland