Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Maanta Safar ku Tagay Gobolka Gabiley , Kormeerna ku Soo maray Jidka Wajaale iyo Kalabaydh u Dhexeeya

 



Wasiirka xirsi oo ay weheliyaan Masuuliyiinta Heer Degmo iyo heer Gobol Daawo Sawiradda

Gabiley (TNN) wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland xirsi x.cali xasan, ayaa maanta korme er ku yimid gobolka gabiley ,waxaan si diiran ugu soo dhaweeyay badhasaabka gobolka gabiley Y uusuf ibraahin Geedi , Maayerka Degmada gabiley Shucayb Maxamed Muuse, xogyaha fulinta dawl ada Hoose C/raxmaan Nuur Abokor, Taliyaha qaybta gobolka gabiley Saleebaan Ubaxleh Ducaale.

Wasiirka xirsi oo ay weheliyaan Masuuliyiinta Heer Degmo iyo heer Gobol ,ayaa kormeer ku tagay jidka u dhexeeya kala baydh iyo wajaale oo haatan dhismaheeda ya bilaabeen ,haayada wadooyin ka Somaliland,Wasiir xirsi waxa kale oo kormeer ku tagay guriga martida ee laga dhisayo gudaha magaalada gabiley, isadoo kale waxa uu kormeer kusoo marey Gabyanka laga hirgaliyey doox we yn ee Arabsiyo, oo ay xukummada madaxweyne siilaanyo hirgalisay. Wasiirka iyo masuuliyiinta go bolka gabiley ayaa warbaahinta kula Hadley doox weyna ee magaalada arabsiyo waxaaney ka wa rbixiyeen u jeedada kormeerkooda

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka Hadley xogyaha fulinta dawlada hoose c/raxmaan nuur abokor, wa xaanu u mahadnaqay xukuumada Somaliland horumarka ay ka wada gobolka gabiley waxaanu yid hi “ mudane wasiir ku sooo dhawaw gobolkaagii, kormeerkan maanta ee aynu kusoo mareyna kala baydha ilaa gabiley waxanau soo dhawaynayanaa, waxqbadka hagar la,aanta ee ay xukuumada j amhuuriyada Somaliland ka wado gobolka gabiley,maantana halkan lagu badbaadiyey xabaalihii d adku gurayey waa ilaahay mahdii .“

Maayerka magaalada gabiley shucayb maxamed muuse waxaanu u mahadnaqay madaxweynaha S omaliland oo fuliyey Gabyanka xabaalaha arabsiyo ,wadada kala baydha iyo isku xidha oo madax w eynuhu fulinayo waxaanu yidhi “ mudane wasiir hawshaa maanta aad qabateen ee xabaalaha intii Somaliland jirteyba wayka horeeyeen, waa xukuumadii koowaad ee ka damqata xabaalaha dooxu gu rayo. Dawlada hoose ahaa waxaanu diyaar u nahay mudane wasiir waxqbadka xukuumadu ku talaabsatey inaanu ka qayb qaadano, in wadadii mudada badan la sugayey, ee intaa aynu dalka k u jirney sugayney, maanta ayey inoo bilaabmatey. Waxaa maanta nasiib u helay hirgalinta wadad ani madaxweynaha somlailnd, golaha deegaanka gabileyna waxaanu diyaar u nahay inaanu ka qay b qaadano. “ ayuu yidhi maayerka magaalada gabiley

Badhasaabka gobolka gabiley yuusuf ibraahin geedi oo halkaasi ka Hadley ,ayaa xukuumada ku Am aaney waxqabadka balaadhan ee ay ka wadaan gobolka gabiley waxaanu yidhi “ mudane wasiir w axaad aragtaa waxqabadka xukuumada siilaanyo, waxaa loo yaqaanaa xukuumadii waxqabadka, waayo laba sanadood iyo badh ayaa lagu muujiyey waxqbad muuqda.wadada isku xidhaysa kala baydha iyo wajaale dadweynuhu gobolka gabiley aad iyo aad ayey u farxeen dhismaheeda . “ ayuu yidhi badhasaabka gobolka gobolka gabiley

Gabogabadii waxaa halkaasi ka Hadley wasiirka madaxtooyada Somaliland xirsi x.cali xasan, waxa anu ka warbixyey u jeedada socdaalkiisa waxaan hadaladiisii ka mid ahaa” runtii aad baan ugu far xa sanahay mashruucii madaxweynuhu dhadax dhigay oo maanta gabo gabo marayo, kormeer ka ygan maantu wuxuu ahaa inaanu soo eegno mashaariicda horumarineed ee ka socda gobolka ga biley, una kuur galo xaaladood, aad iyo aadna waan ugu farxsanahay sida wacan ee ay usocdaan, waxaan kormeer ku tagay wadada wajaale iyo kala baydha isku xidhaysa , si fiican ayey u socotaa dhismaheedii, gabyanka lagu xidhayey xabaalaha arabsiyana maanta gobo gabo ayey yihiin taasi na waa himiladii madaxweyanaha , ina wadanka iyo gobolkaba waa loo qabto . “ ayuu yidhi wasii rka madaxtooyada Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee kormeerkan wasiirka wasaarada madaxtooyadu ku yimid gobolka gabiley ayaa noqonaya kormeerkii sadexaad mudo bil iyo badh ah,

Dhinackale dadweyanah reer gabiley ayaa aad usoo dhaweeyey dhismaha wadada isku xidha kala baydha iyo wajaale oo haataan dhismaheedu socda.
 


C/raxmaan xaaji
Timacade News Desk
Gabiley ,Somaliland