Wasiirka Macdanta Somaliland Oo Ustareeliya Kaga qeyb galayo Shir Caalamiya

 



Berbera (TNN):-Waiirka Macadan iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa u kicitimay dalka Ust areeliya oo uu kaga qayb gali doono shir caalamiya.

Wasiirka oo shalay ka dhoofay madaarka magaaladda Berbera ayaa qolka masashada kula ha dlay warbaahinta isagoo ka waramay shirka dalka Ustareeliya uu ka qayb galayaa yahay shir lagaga hadlayo arrimaha macdanta oo wadamo badan ka qayb galayaan gaar haan dalalka Af rika, waxaanu sheegay inay Martiqaad rasmiya uu ka helay dawladda Ustareeliya.

“Shirkaasi waxa soo agaasintay dawladda Ustareeliya waxaana furaya Wasiirka khaarajiga iyo Wasiirkooda khayraadka, fursad ayay noo siinaysaaa inaanu Wasiirkooda is aragno. waxaanu aad iyo aad ugu hanqal taagaynaa inaanu ka khudbadayno fursada ay na siiyaan Wasiirrada imanayaa dhammaantood ka wada hadli maayaan ee Wasiirro kooban ayaa ka hadlaya oo loo gu tallo galay inay hadlaan,”ayuu yidhi Wasiirka macdanta iyo Tamartu.

Wasiir Ducaale waxa uu intaas ku ladhay “Dawladaha Af-Soomaaliga ku hadla Anaga (Somalila nd) ayuun baa ka qayb galayna oo nalagu marti-qaaday.”

Wasiirku waxa kale oo uu ka warbixiyay hawlaha macadam soosarka ee dalka ka socda, waxaa nu yidhi “Hawshaasi waxaan jecelahay bishan dhamaadkeeda ama bisha soo socota horaante eda inay bilaabanto waa shaqada ugu weyn ee ugu qaalisan hawshan sahanka ayaa ugu badan hawshaasi oo illaa 7 illaa 8 bilood soconaysa cabiraadeeda iyo daraasadeeda marka arrintraasi dhamaato sanadka soo socda insha Allaahwaxaan rajeynaynaa hadii natiijadu wanaagsanaato macluumadkaa marka la’aruuriyo ee ladaraasadeeyo ee lafasilo inaynu markaa qodaalkii bilowno sanadka dambe”.



Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland