Wasiirka Maaliyadda Oo Sheegay Baabuurka Qaadka sida ee Cashuurta ka Baxsada la Wareegayaan, Jaadkana Gubayaan

 

Hargeysa (TNN)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan ganaax culus ka qaadayaan Baabuurka hal mar lagu qabto isaga oo Jaad (Qaad) lala baxsanayo iyada oo aan la soo marin Kastammada cashuuraha, ka laba jeer lagu qabtana lala wareegayo isaga iyo qaadka saaran-ba.

Wasiirka Maaliyadda Md. Maxamed Xaashi waxa uu sidaa ku sheegay Waraysi ay shalay  Xafi iskiisa kula yeesheen Wariyayaal ka tirsan Wargeyska HargeisaStar iyo Space Chenal TV. Waxaana ugu horreyn Wasiirka Maaliyadda la waydiiyey inay wax Mushahar ah shaqaalaha dawladda oo aan muddo mushahar qaadan siiyeen iyo in kale, waxaanu ku jawaabay oo uu yidhi; ”Marka hore shaqaalaha iyo Ciidamada Mushaharkooda iyo Raashinkoodu maaha wax Wasaarradu u wayday, Miisaaniyad baynu qorannaa Oddoroska dakhliga iyo kharash wixii  b axay ayaa laysku eegaa oo Miisaaniyadda ayaa la raacaa, kolkaa hore kharash ka baxay  ay aa laysku eegaa oo Miisaaniyadda ayaa la raacaa, markaa kharash ka batay dakhligii ma  jir in, sabab lacag loo waayaana ma jirin, ee waxa dhacay waa qaladaad kale oo waatii Guddiga loo saaray, waxaanan taa faahfaahinteeda u dhaafayaa Guddigaas.

“Waxaannu dhaxalnay Shaqaalaha oo afar bilood oo mushahar ah leh, tan marka lagu  dara na waa shan bilood, shaqaaluhuna wax kooban bay qaataan oo inay muddadaas iska  gaadh aa waxay xamili karaan maaha, waxa intaa noo dheeraa Raashinka Ciidamada, Ramadaan  b aa soo gashay oo xataa Timmir bay leeyihiin Ciidamadu, intaannu joognay Ciidamada intoodii badnayd waannu khaarajinnay, waxyar baa Madaxtooyada oo aannu imaka ku jirno ayay  w ax u hadhsanaayeen. Shaqaalihii Gobollada wixii Maroodi-jeex ka baxsan waxaannu bixinnay bishii April, May iyo June Mushaharkoodii. Maroodi-jeexna waxaannu siinay bishii May, June-na waxaannu siinaynaa wiiggan soo socda, markaa kharashyadii Shaqaalaha intoodii  badna yd sidaas ayay nooga baxeen. Waxaan ku rejo waynahay bishan dhammaadkeeda, illaa  bis ha dambe tobaneeyada hore inaan wax mushahar ahi nalagu yeelan oo aannu wada  bixin no.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland.

Maxamed Xaashi mar uu ka jawaabay su’aal laga waydiiyey inuu shaqaalaha dawladda  Mus haharka u kordhinayo, maadaamoo ay hore u ballan-qaadeen, waxa uu yidhi; ”Taa mushahar kordhinta shaqaala, tusaale gaaban haddaan ku siiyo, marka la leeyahay shaqaalaha wax halloo kordhiyo, shaqaaluhu waxa uu wax soo saar yeelanayaa marka la daryeelo, haddaanu daryeel qabin waxa is beddalaya wax soo saarkiisii, Cashuurta Berriga oo ah ta ugu badan waxa innaga soo gala 8%-kiiba, 92% ayaa maqan, 92-kaa maqan, haddii Shaqaalaha 20 iyaga loogu daro, waxa soo hadhaya 70%-kiiba. Markaa toddobaatankaa hadhay waxay ku keeni karaan wax badan, wax waliba waxay leeyihiin wax laga duulo, shaqaalaha haddaan xaqiisa la marin oo aan beeshan la siin, intii lagu daryeeli lahaa in aad uga badan ayaa  luma ysa.”

Wasiirka Maaliyadda oo wax laga waydiiyey waxay ka yeeleen mid ka mid ah Baabuurta  Qaa dka keena oo ay qabteen isaga oo aan la cashuurin, isla markaana doonayey inuu bilaa  cas huur Hargeysa ku soo galiyo, waxa uu ydihi; ”Waannu khasirnay 100% boqolkiiba boqol, inay dhaafaanna may ahayn ee inay meesha cashuurta lagu bixinayo maraan oo cashuurta laga qaado ayay ahayd, wixii iska dhicdhici jiray ayuun bay ahayd, laakiin kolkii aannu qabannay waannu khasirnay, kuwa dambena sidaas baannu damacsannahay, ka laba jeer ku noqdana Jaadkaba waannu ka gubi Gaadhigana waannu kala wareegi doonnaa.”

Mar la waydiiyey Wasiirka in Kastamka Kalabaydh lagu eedeeyo inuu yahay mid musuq  bad ani ka jiro, sidaa awgeed tallaabooyinka ay ka qaadayaan, waxa uu ku jawaabay: ”Kolka  me el lagu cusub yahay Soomaalida in laysku maqlo maaha oo dadka is hayntiisa iyo eedayntiisa ayaa badan, kolkaannu madaxda beddalno waxaannu rejaynaynaa inay madaxdaasi wax  ba dan daboosho. Mid baase xaqiiq ah oo ninka cashuur qaadaha ahi hadduu meel ku raago wuu la qabsadaa, oo imaka kala baydh qaarbaa illaa 2003 fadhiyey, kolkaa waxaannu  damacsan n ahay inaannu muddo gaagaaban isku beddalno shaqaalaha cashuuraha, laakiin qofku  mar ka uu meel ku raago dan buu ku qabaa, markaa markaad meel fog u beddasho wax badanna aanu qaadanahaynin wixii yaraa ee mushaharka ahaa uma qaybsamayaan, taa lafteedu  wa xay u baahan tahay in la tixgaliyo markaa sidii aannu arrimahaas isu waafajin lahayn  maad aamoo aan qofkii shaqaalaha ahaa iyo qoyskiisii u qaybsamaynin mushaharku daryeel in loo helo ayaa muhiim ah, markaa dib baannu ugu noqonaynaa.”

Sidoo kale, mar Wasiir Maxamed Xaashi Cilmi wax laga waydiiyey natoojada ay soo saareen Guddi loo saaray inay ka soo taliyaan dayn lacageed oo maamulkii hore ee Wasaaradda  Maa liyaddu sheegeen in lagu leeyahay, waxa uu ku jawaabay: ”Way dhammeeyeen koobbigii  Ma daxweynaha way u qoreen annagana way noo soo qoreen, markaa wixii ka soo baxay weli annaga ayay wax noogu hadheen.”

Wasiirka Maaliyaddu mar uu ka jawaabayey su’aal laga waydiiyey cidda qaadaysa cashuur laba dollar ah oo Madaarrada laga qaado, sharciga cashuurahana aan ku jirin, waxa uu yidhi; ”Horta wixii Maaliyad ah Wasaaradda Maaliyadda ayaa dawladda ugu xilsaaran, markaa wixii aan sharci ahayn ee cashuur ah in la qaado maaha, ee waa in wixii sharci ah la qaado. Imaka muddada aannu joognaa wax yar bay ahayd, markaa dib baannu ugu noqonaynaa joojinta wixii aan sharci ahayn, laakiin inta la joojinayo waa in wax lagu qabtaa.”

Gebagabadii Waraysigan waxa Wasiirka Maaliyadda la waydiiyey dakhliga Dekadda Berbera oo ay marar badan hore u sheegeen inuu meel leexsan maro halka uu hadda ku dhaco iyo cidda qaadda, waxaanu su’aashaas kaga jawaabay oo uu yidhi Maxamed Xaashi; ”Waxa  Dek adda ka soo baxa wax waxa leh Dekadda, waxna waxa leh dawladda dhexe, kolkii hore-se waxaba Dekadda ayaa lagu masa-bidi jiray way qaadan jirtay odhan maayee, markaa imaka waannu hagaajinaynaa oo wixii qaranku leeyahay waxa uu ku soo dhacayaa Miisaaniyadda, lacagta cidda qaadaysana sharci-baa ka yaalla.”

Source:Wargeyska Hargeisastar