Wasiirka Maaliyadda oo
Markii ugu Horreysay ka Hadlay Khilaafka Kala
Qaybiyey UDUB
"Darawal waa nin culus oo soo halgamay ee waa
in ninka cadhooda aan soo celinaa xisbi ahaan…. gaar ayaan ula
hadlay oo waxaan ku idhi, abti ….”
Wasiirka Maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa markii ugu
horreysay ka hadlay khilaafka ka dhex aloosan xisbul-xaakimka talada
haya ee UDUB iyo garabka cadhada ku maqan ee uu hoggaamiyo
Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal).
Wasiir Cawil oo ka hadlayey xaflad qado-sharaf oo uu shalay
hudheelka Crown ee magaalada Hargeysa ugu sameeyey koox ka mid ah
qurbo-joogga UDUB ee ka qaybgalay shirweynihii labaad ee xisbiga,
ayaa xubnaha iyo taageerayaasha xisbigooda ugu baaqay in u midoobaan
sidii ay doorashada soo socota ugaga guulaysan lahaayeen axsaabta
mucaaradka ah.
Ugu horreyn Wasiirka Maaliyadda oo ka hadlayey kaalinta qurbo-jooggu
kaga jiraan horumarinta dalka, waxa uu yidhi; "Aad iyo aad baad u
mahadsan tihiin qurba-joogga haddaad tihiin sidaad iiga aqbasheen
martiqaadkan, casuumadihii ayaa idinku batay oo xataa wakhti baad u
waydeen aad eheladiinii u heshaan si aad ula fadhiisatan, taasina
waxa weeye niyad-samida idiin taal iyo halkaad kaga jirtaan dalkeena
mid siyaasadeed iyo mid wacyigelin ah. Dawladda quwadaas leh ee
Yuhuudda waxa wax ka dhigay dadkooda dibadda ku nool, waana in aad
taas ogaataan."
"Waxaan anigu xasuustaa anigoo aan weli UDUB gelin markii xisbiga la
aasaasay bil iyo badh kadib ayaan dalka imi, laba nin oo aan aad u
jecelahay ayaa la ii sheegay in xisbigii ka cadhoodeen markii
doorashadii xoghayaha guud uu ku guulaystay ninka la yidhaahdo Dr.
Cabdi Aw Daahir, laba nin oo aan aad u qiimeeyo mid abtigay buu ahaa
Cabdillaahi Darawal, gaar ayaanan ula hadlay oo waxaan ku idhi, abti
xisbiga dhexdiisa ayaad wax ku noqon kartaa nin xisbigii ka
falaagoobay wuxuu noqdaa nin xisbigii ka fogaaday. Wuu iga aqbalay
isaga iyo Cabdi Aw Daahir-na gacanta ayaan isku saaray oo aan
heshiisiyay, waxaan ku idhi laba qof oo culus baad tihiine
xisbigiina ahaada, Cali wuu iga aqbalay, ninka innaga fogaada waa in
aynu soo celino, Cabdillaahi-na waa ninkaas soo halgamay ee
taariikhda ku leh dalka, xisbigana markuu ku jiro waxtar buu u yahay.
Markaa Darawal waa nin culus oo soo halgamay ee waa in ninka
cadhooda aan soo celinaa xisbi ahaan, Cali-na waa kaas maanta
madaarkii Hargeysa inoo hagaajiyey, ciddii innaga cadhoota waanu soo
ceshanaynaa," ayuu yidhi Wasiir Cawil oo si gaar ah ula hadlay
murrashax Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal).
Waxa kale oo Wasiir Cawil sheegay in xisbiga UDUB yahay ka
badbaadiyey Somaliland ee halkaa soo gaadhsiiyey, isla markaana
markale ku guulaysan doono doorashada soo socota, "Xisbigeenna UDUB
waa xisbigaas u taagan inuu dalka badbaadiyo ee halkaasna soo
gaadhsiiyey shantii sanno ee u dambeeyay, halkaynu soo gaadhnay waa
meel runtii aynu ku faani karno xisbi ahaan, shacbi ahaan iyo
xukuumad ahaanba, doorashada soo socotana waxaynu dadka u sheegi
doonaa waxqabadkeennii oo la taaban karo, taas ayaanan qabaa in mar
dambe aan ku heli doono doorashada guusheeda."
Md. Cawil waxa uu tibaaxay in dadka isku xisbiga ah looga baahan
yahay isku aragti iyo midnimo muujiyaan, waxaannu qurba-joogga ku
boorriyey in dawladaha ay waddamadooda ku nool yihiin uga ololeeyaan
qaddiyadda Somaliland, isagoo dhinaca kalena in xisbiga UDUB ku
guulaysan doono doorashada madaxtooyada ee soo socota, "Waxaan
rajaynayaa in carruurteena dibadaha joogaa qaar ay Obama oo kale
noqdaan ay dhulalkaas madax ka noqdaan insha Allaah. La isma lahayn
nin Kasuumu [Kiiniya] ku dhashay ayaa Maraykankan Madaxweyne ka
noqonaya. Maanta waa wax dhici kara in inan reer Somaliland ah uu
madaxweyne ama Ra’iisal-wasaare ka noqdo dalalka Yurub, waa inaan
noqonaa xisbi ummadda u horseedaya meel sare oo aynaan noqon xisbi
ku mashquula u jawaabidda axsaabta mucaaridka ah, waayo innagu xil
baynu haynaa ninka UDUB ah waxa uu mar walba huwan yahay koodhkii
xisbiga xukuumiga ah, markaa inaynu doorashadan soo socota
guulaysanayno niyadda u sheegnaa, waynuna guulaysanaynaa bi'idmi
laah, waa inaynu dhaqan inoo noqotaa madaxda guusha keenta aan lala
tartamin oo sharcigana waynu gashanayba UDUB, haddii ay guul keeni
waayaan waa in xisbigu beddelaa, laakiin in xisbigu ogaado in niman
siyaasiyiin ah sida iminka Madaxweynaha Daahir Rayaale iyo Axmed
Yuusuf Yaasiin, u keeneen, in mar labaad kana loogu celiyo,
adduunkana waa wada sidaas.”
Mr. Cabdicasiis Mingista oo ku hadlayey afka qurba-joogga UDUB, ayaa
ka mahadceliyey martiqaadka Wasiirka Maaliyaddu u fidiyey iyo kuwii
hore ee Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland. Waxa kale oo uu ka
warramay kaalinta ay kaga jiraan qaddiyadda madaxbannaanida
Somaliland iyo dib-u-dhiska dalka.
Sidoo kale Wasiirka Warshadaha Md. Maxamed Saleebaan Maxamed oo
isaguna xafladdaa ka hadlay, ayaa sheegay in xukuumadda Madaxweyne
Rayaale ay qiime weyn siinayso qurba-joogga dalka ee dunida ku
maqan, "Wasiirka Maaliyadda isagana is-xilqaankaasi waan uga
mahdcelinayaa waa camiidul-wasiiraa odeyga Golaha Wasiirada waana
aabayoo kale waa hab-dhaqan odey oo dareen leh, wixii aad aragteena
dadkii aad ka timaaddeen gaadhsiiya," ayuu yidhi Md. Maxamed
Saleebaan.
Waxa kale oo xafladda qado-sharafka ah ka qaybgalay koox ka tirsan
wasiirrada xukuumadda Somaliland oo ka mid yihiin; Arrimaha Dibadda,
Xidhiidhka Goleyaasha, Duulista, Macdanta, Wershadaha iyo xubno tiro
badan oo ka tirsan guddida fulinta ee xisbiga talada haya ee UDUB.
Jamhuuriya Online
|