Wasiirka Maaliyada Oo Lagaga Garhelay Kulan Garnaqsi ah oo Dhexmaray Ganactada Somaliland
 

 

Hargeysa (TNN)- Kulan garnaqsi ah ayaa la sheegay inuu xarunta madaxtooyada ku dhexmaray shalay wasiirka maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo ganacsatada Somaliland, iyadoo laba da dhinac oo ishorfadhiyaa gartooda ka hor sheegteen xubo wasiirro ah iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada.
 

Ma jiro war rasmi ah oo dhinacyo ka soo saareen kulanka garnaqsiga ah ee dhexmaray Wasiirka Maaliyadda iyo gacansatada dalka. Haseyeeshee, siday Jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo-wareedyo  la gu kalsoon yahay oo kulankaas u dhuun-daloola xalay, ganacsatada oo daba soday hadallo  wasii rka maaliyaddu saxaafadda ku faafiyey oo uu ku sheegay in lacago lagu leeyahay, isla markaana aanay bixin cashuurta ku waajibtay, waxay miiska keeneen caddaymo muujinaya in aan  haba ya raatee wax lacag ah lagu lahayn oo ay bixiyaan cashuurta ku waajibtay, halka wasiirka  maaliyad duna ku dooday in ganacsatadu aanay sidii loogu talogalay u bixin cashuuraha kala duwan ee ku waajibay.


Wasiirka Maaliyadda iyo qaar ka mid ah ganacsatada kulankaas ka qaybgalay oo Jamhuuriya  xid hiidho kala duwan la sameeyey xalay si wax looga weydiiyo kulanka dhexmaray iyo natiijada ka soo baxday ayaanay noo suurtogelin in aannu helno, hasayeeshee sida ilo-wareedyadu  xaqiijiy een kulanka garnaqsiga ah oo madaxtooyada ka dhacay maalintii Sabtida waxa gartu ku raacday ganacsatada oo soo bandhigay caddaymo muujinaya in aan dawladdu wax lacag ah ku lahayn oo ay si joogto ah u bixiyaan cashuuraha kala duwan ee ku waajibay.

Waxa kaloo ilahaasi tibaaxeen in markii wasiirka maaliyaddu garawsaday in aan wax cashuur ah lagu lahayn ganacsatada Somaliland, isaga oo raalligelin ka bixiyey hadalladiisii hore ee uu ku durayey ganacsatada dalka ee uu ku sheegay in aanay si fiican u bixin cashuuraha.


Source: Jamhuuriya