Wasiirka Maaliyada oo Kormeerkiisii u horeeyey ku tagay Magaalada Berbera.

 

 


Wasiirka oo tan iyo intii uu xilka la wareegay....................


Hargeysa (TNN)- Wasiirka Maaliyada Somaliland C/casiis Maxamed Samaale oo dhawaan loo magacaabay xilka Wasaaradaasi ayaa maanta kormeerkiisii u horeeyey ku tagay Magaalada kastanka Magaalada Berbera, waxaanu wasiirku soo kormeeray Xafiisyada dakhliga cashuu rta ah laga soo ururiyo.

Wasiirka oo tan iyo intii uu xilka la wareegay markii u horeeyey kormeer ugu baxay meel ka baxsan Caasimada ayaa waxa uu sidoo soo maray Dekada Magaalada Berbera, isaga oo ku lan la yeeshay Masuuliyiinta Gobolkaasi oo ay ka mid yihiin Badhasaabka Gobolka Saaxil, wa xaanay ka wada hadleen hawlaha kala duwan ee ay hayaan iyo sidii loo sixi lahaa wixii khal dama, waxaanu Wasiirku sidoo kale kulan la yeeshay Maayarka Magaalada Berbera.
 

Timacade News