Wasiirka
Maaliyada Oo Golaha Wakiiladda Hor-geeyay Miisaaniyad Sanadeedka
Cusub ee 2013
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa
markii Munadanayaas ha loo.............
Hargeysa (TNN) - Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa maanta golaha
wakiilada hor geysay odoroska Miisaaniyadda sanadka cusub ee
2013-ka, taasi oo 17% ka badan tii hore.
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa
markii Munadanayaas ha loo qaybiyey odoroska Miisaaniyada, waxa uu
halkaasi ka jeediyay khudbad uu ku shar axay odoroska iyo meelaha ay
ka filayaan inay ka soo bixi doonto miisaaniyadda sanadka cusub oo
dhan 125 Milyan oo doolar.
Wasiir Samaale waxa uu mudanayaasha golaha Wakiillada uga
xog-warramay miisaaniyad da 2013, isaga oo ammaan u jeediyay
shaqaalaha wasaaradda maaliyadda oo uu sheegay inay dedaal dheer u
galeen sidii ay u kordhin lahaayeen miisaaniyadda qaranka, isla
marka ana oddoroskii miisaaniyaddii sannadka 2012 ay u soo wada
xeroon lahayd “ILAAHAYBAA mahadle, wixii ILAAHAY fududeeyo ayaa
fududaada, waxaan u mahad-celinayaa shaqalah aa Wasaaradda
Maaliyadda, Madaxdooda kala duwan ee suurto-galiyey in miisaaniyadda
2012-ku ay sidii loogu tallo-galay u soo baxdo, kuwaasi oo
la’aantood aanay hawshaasi fusheen, waxaan u mahadnaqayaa cashuur
bixiyayaasha oo si xilkasnimo ah u bixiyey cash uurta, waxa kale oo
aan u mahadnaqayaa golaha Wakiilada, Golaha wasiirrada iyo dadkii
xilkasnimada muujiyey ee nala shaqeeyay”
Wasiir Samaale waxa uu sheegay in oddoroska miisaaniyaddii sannadkii
hore ay ahayd 106 Milyan oo Dollar, halka ay ta sannadka 2013-na ka
tahay 125 Milyan Dollar, isaga oo xusay inay miisaaniyadda sannadkan
ku soo dareen kala-sarraynta ciidamada oo mid waliba uu ku mushahar
qaadan doono derajadiisa iyo 1500 oo shaqaale cusub ah oo ay
wasaaraduhu qaadan doonaan, si shaqo-abuur loogu sameeyo da’yarta
jaamacadaha ka soo qalinjebisa.
Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale waxa uu tilmaamay in
mashaariicda horumarka ay ku jiraan dab-demisyo loo soo iibinayo
magaalooyinka iyo diiwaangelinta dadweynaha Somaliland, si aanay
doorashooyinka dambe u dhicin wax khalkhal ahi, isaga oo xusay in
kharashkaasna ay bixinayso dawladda Somaliland.
Samaale waxa uu sidoo kale xusay in miisaaniyaddan ku jirta lacagtii
la siin jiray xisbiyada qaranka oo looga kordhin doono intii ay
waayadii hore qaadan jireen, iyada oo tanna looga dan leeyahay ayuu
yidhi sidii xisbiyada loo kobcin lahaa.
Timacade News Desk
Hargeysa , Somaliland
|