Wasiirka Maaliyada , Mudane . Maxamed Xaashi Cilmi oo  dalka dib ugu soo laabtay

 


Hargeysa , June 2nd,2011 (TNN)-Wasiirka Wasaarada maaliyada Somaliland, Mudaned, Maxam ed Xaashi Cilmi ,  ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markuu socdaal caafimaad in m uddo ah , ugu maqnaa  dalka Boqortooyada Sucuudiga.

Mudaned. Maxamed Xaashi Cilmi,  waxaa Garoonka Diyaaraaha  ee  Egal Internationa Airport , ee magaalda Hargeysa,  ku soo dhaweeyey  Wasiirka Arrimaha Gudaha, mudane Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Wasiirka Waxbarashada Somaliland,  Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiir Ku xigeenka Maaliyada , Warsame Siciid Cabdi iyo dad aad u fara badan.


Wasiirka Wasaarada Maaliyada,waxaa hadalasiisii ka mid ahaa:


"Waxaan socdaal u tagay dalka Sucuudiga ILAAHAY ayaa mahad lehe , waan soo noqday wa anan soo dhamaystay hawshii aan halkaasi u tagay , aad iyo aadna waan u fiican nahay, waa ILAAHAY mahadii inaan dalka ku soo noqdo anigoo caafimaad qaba.

Dhakhataro wanaagsan iyo cisbitaalo qalab wanaagsan haysta ayaan tagay Sucuudigu waa meel horumartay sida runtii oo aqoontii iyo hayntiiba isku darsatay. Waxaanan kala kulmay w anaag," ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda oo madaarka ugu waramayay saxaafaddu.

 

Timacade News