Wasiirka Khaarijiga Somaliland Oo Munaasibad Qado Shar afe ed Ah Ku Maamuusay Afarta Kooxood Ee Iskugusoo Hadhay 7-Final-ka Ciyaaraha Gobolada.


 


Munaasibadani Qado Sharafeed-ka ah oo ka dhacday Hottel Maansoor ee Magaalada Hargey sa ayaa waxa ka soo qayb galay ....


Hargeysa (TNN):- Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Dr: Maxamed C/laahi Cumar Ayaa Maanta Munaasibad Qado Sharafeed Ah Ku Maamuusay Afarta Kooxood Ee Iskugusoo Hadhay 7-Final-ka Ciyaaraha Gobolada Somaliland Ee Kala Ah Gabiley, Hawd, Daad-madheedh Iyo Hargeysa.

Munaasibadani Qado Sharafeed-ka Ah Oo Ka Dhacday Hottel Maansoor Ee Magaalada Hargeys a Ayaa Waxa Kasoo Qayb Galay Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxam ed C/laahi Cumar, Wasiirka Dhalinyarada, Ciyaaraha Iyo Dalxiiska Somaliland Cali Siciid Raygal, Maayerka Caasimada Hargeysa C/raxmaan Soltelco, Tobabarayaasha Afarta Xul Iyo Dhamaan Ciyaartoyga 4-ta Xul.

Ugu Horaynba Waxaa Munaasibadaasi Hadal Kooban Kasoo Jeediyey Maayerka Caasimada Ha rgeysa C/raxmaan Soltelco Isaga Oo Dhamaan Ciyaartoyga Kula Dardaarmay Inay Adkeeyaan Nabad Galyada Iskana Dhawraan Xanaaqa Faraha Badan Isagoo Codsi Usoo Jeediyey Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Kana Codsaday In Afarta Kooxood Ee Iskusoo Hadhay Ciyaarohooga Laga Kala Dhigo Laba Maalmood Maadaama Ay Wakhtiga Ciyaarta Hore Cad-ceedu Aad U Kulushahay.

Sidoo Kale Waxa Munaasibadaasi Hadal Kooban Kasoo Jeediyey Tababaraha Xulka Gobolka Ga biley C/raxmaan Cumar Isaga Oo Dhamaan Ciyaartoyga ISkusoo Hadhay Ugu Baaqay Inay Is Ilaaliyaan Maadaama Lagu Jiro Wakhtigii Ugu Dambeeyey Ugu Adkaa Isaga Oo Sidoo Kalena Ka Codsaday Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Inuu Laba Maalmood Ka Kala Dhigo Labada Ciyaarood Ee Bari La Ciyaari Doono Maadaama Ay Cad-ceede Kulushahay Isaga Oo Sheegay In Ciyaartoygii Ciyaartii Hore Duhurka Ciyaarayay Inay wada Xanuunsadeen.

Wasiirka Dhalinyarada, Ciyaaraha Iyo Dalxiiska Somaliland Cali Siciid Raygal Oo Isaguna Muna asibadaasi Ka Hadlkay Ayaa Ugu Horaynba Mahad Naq Balaadhan Usoo Jeediyey Wasiirka Ari maha Dibada Somaliland Dr: Maxamed C/laahi Cumar Oo Isagu Soo Abaabulay Munaasibadan Qado Sharafeedka Ah Sidoo Kalena Waxa Uu Wasiirku Kula Dardaarmay Dhamaan Ciyaartoyga Inay Nabad Galyada Ilaaliyaan Oo Aanay Khaldin Nidaamka Meesha, Waxaanu Wasiirku Ku Ka Jawaabay Codsi Ay Usoo Jeediyeen Maayerka Caasimada Iyo Tobabaraha Xulka Gabiley Oo Ahaa In Laba Maalmood Laga Kala Dhigo Labada Ciyaarood Ee Baritoole, Waxaanu Wasiirku Sheegay In Aan Waxba Laga Badalayn Xeerkii Ay Goboladii Hadhay Ku Ciyaareen Oo Ahaa In Duhur La Ciyaaro Isaga Oo Tilmaamay In Gobolada Hadhay Iyo Kuwa Wali Ciyaarayaa Ay Simanyihiin Oo Hadii Ciyaaraha Bari Laba Maalmood Laga Kala Dhigo Ay Noqonayso Cadaalad Daro Isagoo Sheegay Inuu Gudidii Ciyaarahana Kula Noqon Doono Hadii Ay Suurto Gasho Waxa Kale Oo Uu Sheegay Wasiirku Cidii Dambi Gasha Haday Haday Gobol Tahay Iyo Haday Shakhsi Tahayba In Dambigaa Lagu Qaadi Doono.



Geba-gebadii Munaasibadaasi Waxa Soo Afmeeray Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Dr. Ma xamed C/laahi Cumar Isaga Oo Ku Dheeraaday Ujeedada Qado Sharaftan Oo Uu Ku Tilmaamay In La Dhiiri Galiyo Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Iyo Kaalinta Ay Ciyaaruhu Kaga Jiraan Bulshada, Waxaanu Wasiirku Hambalyo U Diray Afarta Gobol Ee Iskugusoo Baxay 7-Final-ka Ciyaaraha Gobolada Somaliland Isaga Oo U Amaanay Afarta Gobolba Dadaalkii Iyo Ciyaar Wanaagii Ay Muujiyeen Waxaanu Wasiirku Si Gaara Ugu Mahad Celiyey Gobolka Hawd Oo Uu Ku Amaanay Edebta Iyo Anshax Wanaaaga Ay Muujiyeen Intii Ciyaaruhu Socdeen Ugu Dambayna Waxa Uu Wasiirku Mahad Naq Usoo Jeediyey Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Isaga Oo Ku amaa nay Hawsha Baaxadaa Leh Ee Ay Hayso.

 

 


Guuleed Muxumed Ibrahim
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland