Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo Martiqaad ku Tagay Dal ka Jarmalka, kullano muhiim ahna la yeeshay Madaxda Dalkaasi.

 


 


Wasiirku waxa uu halkaa ka jeediyay khudbad dheer oo taariikhi ah isagoo si buuxda uga dhaadhiciy ay...


Berlin,Germany (TNN)- Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland,Dr Mohamed Abdilahi Omer, oo marti qa ad rasmiya ka helay DawladaJarmalka,ayaa waxa uu maanta la kulmay,deeq bixiyayaal Jarmal ah iyo shirkado waawayn oo aad u danaynaya inay Somaliland Maal gashadaan.

Waxa kale oo uu Wasiirku la kulmay Xubno Ka mida Baarlamanka Jarmalka ee loo yaqaan (Bundes Tag) kana kala socday Xisbiyada talada haya ee CDU iyo CSU Qaybta uqaabilsan Arimaha dibada.

Wasiirku waxa uu halkaa ka jeediyay khudbad dheer oo taariikhi ah isagoo si buuxda uga dhaadhiciy ay Masuuliyiinta dawlada Jarmalka marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay iyo walib a horumarka Somaliland ku talaabsatay iyo in Somaliland la maal gashan karo.

Dhanka kalena waxa Wasiirka Arimaha Dibeda Somaliland, Dr.  Maxamed Cabdilaahi Cumar, Gudoons iiyay shahaado sharaf Gudoomiyaha jaaliyada Somaliland ee Jarmalka, Mr. Mohamed Husein Dhacsi.


Sidoo kale Wasiirka Arimaha Debeda Somaliland ,Dr. Maxamed Cabdilaahi Curmar, waxa uu la kumi doonaa maalinta Bariya Madaxda Waraasrada Arimaha Debeda Jarmalka taas oo uu marti qaad bu uxa Ka helay.

Wasiirku waxa uu Jarmalka u sii dhaafi doonaa Wadanka Holland ,oo uu kula kulmi doono Jaaliyadaha Holland, Biljamka iyo Jarmalka .
 

 


Timacade News Desk
Berlin,Germany