Wasiirka Khaarajiga Somaliland Oo Ka Hadlay Doorka Mihiimka Ah Ee
Saxafiyiinta S/Land Ka Qaadan Karaan Qadiyadda Aqoonsiga Marka La
Iskugu Tago Xarunta Koonfurta Sudan

“Midawga Yurub Waxa Ka Go’an Inay Gacan Ka Gaystaan Dariiqa (Berbera
Corridor) Iyo Taageerida Nidaamka Biyo Galinta S/Land”W/Khaariga Dr.
Max’ed C/Laahi
Hargeysa, July 6, 2011 (TNN) –
Wasiirka arimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar ayaa
shaaca ka qaaday doorka mihiimka ah ee ay saxafiyiinta Somaliland
uga qayb galaya xafladda wanqalka dalka Koonfu rta Suudaan ay ka
qaadan karaan aqoonsi ay Somaliland ka hesho beesha caalamka.
Waxaanu sheegay inay saxafiyiintaasi doorka ugu mihiimsan ka ciyaari
karaan soo bandhigida waxa ay Somalil and qabsatay, isla markaana
waxa uu tilmaamay inay marti qaadka uu madaxwayne Siilaanyo ka helay
dhigiisa Koonfurta Suudaan inuu la mid yahay ka loo fidiyey
madxwaynayaasha caalamka ee ka soo qayb galaya xaflad da wan-qalka
dalka Koonfurta Suudaan.
Wasiirka arimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar waxa
kale oo uu sheegay in madaxda dalka Koonfurta Suudaan madaxwayne
Siilaanyo inuu ka dhaxeeyo xidhiidh wayn oo soo taxnaa ilaa
wakhtigii uu Mad axwayne Siilaanyo guddoomiyaha u ahaa ururkii SNM.
Dr. Maxamed C/laahi Cumar waxa uu sidaas ku sheegay mar uu xalay
wargeyska Haatuf khadka tilifoonka ugu waramayey, isaga oo ku sugan
xarunta gobolka Saaxil ee Berbera, wasirka oo arimo badan ka
hadlayaana wax a uu hadalkiisa ku bilaabay “a Qayb-galka xafladda
loogu wanqalayo wadanka cusub ee Koonfurta Suudaan wa xa Somaliland
ugu jira Fursad wayn oo dhinaca aqoonsi raadiska ah, kaas oo inoo
suurta galinaya inaanu mada xda wadankaas iyo ka soo qayb galayaasha
caalamiga ah. Waxa kale oo noo qorshaysan inaanu qadiyadda So
maliland si salmi ah ugu soo bandhigno koonfurta Suudaan”.
S: Xidhiidhka aad dawladd ahaan la leedihiin madaxda dalka koonfurta
Suudaan waa mid intee leeg?
J: Masuuliyiinta imika xukunta dalka cusub ee Koonfurta Suudaan iyo
shacbigoodaba waxa ay ummadda Somal iland la leeyihiin xidhiidh wayn
oo qoto dheer, kaas oo soo taxnaa ilaa xiligii halgankii ay labadda
shacbi ku jire en. Hadaan dhinac ka eego madaxwaynaha Somaliland
Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ahaa guddoo miyihii ugu mudadda
dheeraa ururkii xaq u dirirka ahaa ee SNM, waxa uu madaxda Koonfurta
Suudaan la lahaa ilaa xiligaa xidhiidh wanaagsan, run ahaantiina waa
ta maanta Somaliland dhaxalsiisay in sida madaxwaynayaa sha Ethiopia
iyo Djibouti oo kale loogu casuumay in isagana loogu casuumo. Waxa
noo qorshaysan inaanu wala alahayaga Koonfurta Suudaan inaanu ka
codsano sidii ay noogala shaqayn lahaayeen aqoonsi aanu ka helno
beesha caalamka, waxaananu ka dalban doonaa inay na aqoonsadaan.
S: Xafladda wanqalka dalka Koonfurta Suudaan ee dhici doonta 9-ka
bishan sideed iskugu diyaargarayseen in aad ugaga dhexmuuqataan
wufuuda badan ee aduunyada uga imanaysa ka qayb galka maalintaas?
J: Waxaanu si wayn u muujin doonaa astaamaha qaranka Somaliland iyo
calankeenaba, waftigan uu madaxway ne Axmed Siilaanyo hogaaminayo
waxa ka mid ah xubno iskugu jira masuuliyiin xukuumadda ka tirsan,
xildhibaa no ka ka tirsan Baarlamaanka iyo qaybo ka tirsan
saxaafadda Somaliland. Waxaana xaqiiq ah in ka qaybgalka waftiga
Somaliland ee xafladaas aanay la mid ahayn wadamada kale ee ka
qaybgalaya, anagu waxaanu ku muujinaynaa qaranimadayada iyo guulaha
shacbiga Somaliland ku talaabsaday iyo waxaanu ka dalbanayno dunida
iyo Afrika-ba, taas oo ah aqoonsi caalami ah. Arimahaas oo dhan
waxaanu ku muujin doonaa Qoraal, hadalo iyo shirar-ba. Qadiyadda
Somaliland wax mihiimad wayn u leh hawl galadda xirfadaha ay
Saxafiyiinta Somaliland ku muujiyaan qadiyada Somaliland,
safaxiyiinta tagaysa Koonfurta Suudaan waxay si cad u muujin doonaan
waxay shacbiga Somaliland qabsadeen.
Waxaanu intii aanu joognay qorshaysanay inaanu marka aanu tagno
Koonfurta Suudaan inaanu la kulano mas uuliyiin gaar ah iyo dalal
gaar ah.
S: Sida laga warqabo waxa Somaliland ka amba-baxaya laba wafti ay
kala hogaaminayaan Madaxwayne Siilaan yo iyo madaxwaynihii hore
Daahir Rayaale, arintaasi miyaanay u muuqan laba wafti oo dalka wada
socda laak iin aan wada socon, isla markaana Kala qaybsanaan
muujinaysa?
J: Somaliland waxa ay leedahay madaxwayne qudha, kaas oo
madaxwaynaha koonfurta Suudaan uu si rasmiya ugu soo casuumay inuu
kala qayb galo shacbiga wadankaas xafladda wanqalka wadankaas.
Wufuuda wadank aas lagu casuumay waa madaxwayne-yaal, Somaliland-na
waxa uga qayb galaya madaxwaynaheeda iyo wafti ga uu hogaaminay,
markaa aniga iima muuqata wufuuf isbar-bar yaacaysa oo tagaysa Juba.
Cidii kale ee ka qayb galaysa waxay noqonaysaa inay uga qayb gasho
si shaqsiyadeed (Privet), laakiin dal walba waxa ka socdaa waa
madaxwayne kaliya iyo waftigiisa.
S: Waxa maanta (shalay) dalka yimid Madaxa horumarinta midawga Yurub
Mr Andris Piebalgs, kaas oo xukuu madda iyo labada gole-ba u
cadeeyey sida midawga Yurub ay u danaynayaan qabsoomida
doorashooyinka golayaasha deegaanka, arintaas xukuumadda ahaan
halkeed ka taagan tihiin?
J: Waa run waxa dalka maanta booqasho ku yimid ninka 25 wadan ee
midawga Yurub madaxda uga ah mucaa winadda iyo horumarinta Mr.
Andris Piebalgs, waxaanu masuulkani noqonayaa masuulkii ugu
darajadda saree yey ee reer Yurub ee dalkeena booqasho ku yimaada.
Waxaanay arintani muujinaysaa xiisaha ay Dunidu u hayso horumarka
iyo maamul wanaaga ka hirgalay Somaliland, waxaanay la kulmay
madaxwaynaha, qaar ka mid golaha wasiiradda iyo labada gole
baarlamaan-ba. Waxa kale oo uu kulan gaar ah la yeeshay hay’addaha
rayidka ah ee Somaliland iyo xubno baayacmushtarka ka tirsan, markaa
waxa uu guud ahaan la wada kulmay qaybihii kala duwanaa
bulsho-waynta Somaliland. Waxyaabaha ugu waawayn ee uu ka hadlay
waxa ka mid ahaa in isaga iyo ururkiisa midawga Yurub-ba ay
Somaliland la barbartaagan yihiin taageero iyo inay ka kaalme eyaan
dhinacyada horumarka, waxa kale oo uu sheegay in midawga Yurub ay ka
go’an tahay inay gacan ka gaystaan dariiqa Berbera ee la yidhaahdo (Berbera
Corridor) ee mudo dheer la hadal hayey. Waxa kale oo uu sheegay inay
taageerayaan nidaamka biyo galinta Somaliland si dalka looga helo
biyo nadiif ah oo la cabo.
Dhinaca kale midawga Yurub
waxa uu qayb ka yahay dadka taageera Barnaamijka Dimurqaadiyeynta
Somalila nd, waxaanu noo cadeeyey inay la iman doonaan wixii
taageero ah ee looga baahdo midawga Yurub. Waxa ka le oo ay wax
inagala qabanayaan sidii ay markii horeba gacan uga gaysan jireen
qabsoomid doorashooyinka, laakiin qabashooyinka doorashooyinka iyo
qadiyadeedu waa irimo u gaar ah Somaliland oo ay xor u tahay, isla
markaana midawga Yurub uu ka gaysto gacan farsamo iyo mid
dhaqaale-ba.
S: Siyaasada arimaha dibadda Somaliland Maadaama oo aad adigu
xukuumadda wakiil uga tahay, maxaad odh an kartaa way kuu qabsoomeen
oo aad shacbiga u sheegi kartaa?
J: Waxaan shacigayga sharafta badan ugu bushaaraynayaa in maanta
xidhiidhka ay Somaliland la leedahay b eesha caalamka iyo wadamada
jaarka ahba uu marayo heerkuu ugu sareeyey ee ay abid gaadho
siyaasada khaarajiga dalku. Iyada oo aan markhaati kale loo raadin
taas-na waxa cadaynaya safarkan madaxwaynaha Somaliland Axmed
Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo waftiga uu hogaaminayaa ay ku
tagayaan bari (maanta) xarunta dalka koonfurta Suudaan ee Juba,
sababta oo ah casuumadda loo fidiyey waxa ay la mid tahay ta loo
fidiyey madaxwaynayaasha kale ee caalamka ee ka soo qayb galaya,
haday noqoto ta loo fidiyey ra’isal was aaraha Ethiopia Md Males iyo
madaxwaynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle-ba, run ahaantii
waxaynu marayn aa meel aad loogu diirsado waana inaynu gacanta isku
qabsano sidii aynu beesha caalamka uga heli lahayn aqo onsi caalami
ah.
Source:Haatuf
|