Wasiirka Khaarajiga Oo Ka Muquurtay Inuu Ka Jawaabo Kuraast ooda Cida Ku Fadhiisatay oo S/land Matelaysay, Kana Hadlay Shirkii Ay La Yeesheen Golaha Amaanka

 

 



Madaxweynuhu Waxa Uu Cadeeyey Siyaasadiisa In Xoriyada S/Land Ay Tahay Wax Aan Cid Kale Lagala Hadlay Had Iyo Jeerna Ay Ku Salaysan Tahay Rabitaanka Shuruucda Dalkan
 


Hargeysa, May 29, 2011 (TNN) – Weftigii uu hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr Maxa med C/laahi Cumar ayaa shalay dalka dib ugu soo noqday, isla markaana faahfaahin ka bixiyey Shir ay m agaalada Nairobi kula yeesheen golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo wasiirku ku tilmaamay inuu ahaa Shir Taariikhi ah oo ay ku soo bandhigeen himilooyinka siyaasadeed ee shacabka reer Somalila nd iyo xukuumaddaba ee ku saabsan Madaxbanaanida iyo horumarka Somaliland ee xaga nabadgelyada iyo siyaasada.

Dr Maxamed C/laahi Cumar waxa uu sidoo kale ka gaabsaday Su’aal laga weydiiyey waxa ka jira in kuraa stoodii shirka oo ay diideen weftiga Wasiirada ee Somaliland inay la fadhisitaan maamulada Somalia in cid kale oo sheegatay inay Matelayso Somaliland ay kuraastoodii ku fadhiisteen, taas oo wasiirku ka muquu rtay inuu jawaab cad ka bixiyo cida ay ahaayeen iyo inay jirtayba.

Wasiirka Khaarajigu waxa kale oo uu intaa ku daray in xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo ay culayska saarayso sidii looga midho dhalin lahaa himilada shacabka ee ku wajahan sidii ay beesha caal amka uga mid noqon lahayd, isla markaana ay u aqoonsan lahaayeen jiritaanka Somaliland.

Dr Maxamed C/laahi Cumar waxa uu sidaasi ku sheegay shir’jaraa’id oo uu shalay ku qabtay qolka nasas hada madaarka Hargeysa oo ay shalay ka soo degeen wasiiradii u kicitimay Nairobi.

Ugu horayna waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan:- “Weftigii Balaadhnaa ee ka socday xukuumadda Som aliland iyo golaha wakiilada ee aan ka midka ahaa waxaan ilaahay ugu xamdiyeynaa in aanu si nabad gel yo ah dalka ugu soo noqonay, waxaanu aad iyo aad ugu faraxsanahay in ay noo suuro gashay, in aanu la galno shir gaar ah golaha amaanka ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa, shirkaasi waxa uu ahaa shir ta ariikhi ah, waxa uu ahaa shir hawlgalkiisu uu muddo dheer socday, xukuumadda iyo Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysaaba ay si adag uga wada shaqeeyeen suuragalnimadiisa, waxaanu u baahnaa saaxiibo bad an oo aynu dunida ku leenahay gacan inaga siiyeen, waananu uga mahad naqaynaa arintaa.

Shirkaasi waxa aanu kaga hadlay qadiyada Somaliland arimihii ugu waaweynaa ee shirka lagu soo qaad ay ee ay xukuumaddu iyo xildhibaankii nala socday iyo wasiiradii shirka ka qayb galayba ay sida aadka ah uga hadleen waxa ka mid ahaa, himilada siyaasadeed ee shacabka reer Somaliland iyo xukuumaddeed aba, himilada la xidhiidha madaxbanaanida Somaliland, himilada la xidhiidha horumarka iyo qorshaha ay Somaliland leedahay ee xaga Nabadgelyada, Xaga Siyaasada iyo xaga horumarka intaba, waxaana nuxurkiisu ka turjumayey waxay ahaayeen dareenka shacabka reer Soamliland iyo himilada ay leeyihiin intaba, waxaana naloo muujiyey oo Golaha Amaanka masuuliyiintii aanu la kulanay ay noo muujiyeen sida dunidu ay maanta ula socoto, ulana dhacsantahay horumarka shacabka reer Somaliland ay gaadheen muddadii 20-ka sanadood ahayd ee ay jirtay waxa kale oo noo muuqatay in farintii shacabka reer Somaliland direen munaasibadii sanadguuradii 20aad ee wakhtigii madaxbanaanida ay la soo noqotay Somaliland, taas oo dalka iyo dibadaba si weyn looga dabaal dagay, waxa noo muuqatay fariintaasi inay gaadhay meelo farabadan oo dunida barigii hore aan dhawaaqa Somaliland gaadhi jirin, sharaftaa iyo mudnaanta waxa leh shacabka reer Somaliland gudaha iyo dibadaba intaba, xukuumadd ahaana waxa aanu gudanay waajibaadka naga saaran in aanu qadiyada Somaliland gaadhsiino, meelaha ugu waaweyn ee dinida arimaha siyaasada iyo nabadgelyada iyo arimaha kaleba lagaga faaloodo, sidaynu ogsoonahayba Golaha Amaanku waa hay’ada dunida ugu saraysa ee ay aduunyadu wada leedahay horena dalka umay suura galin in qadiyada Somaliland halkaas oo kale gaadho, markaa arintani runtii waa guul taariikhi ah oo shacabka reer Somaliland u soo hoyatay, xukuumadda iyo golayaasha qarankuna ay aad iyo aad uga qayb galeen una soo hooyeen”.

Dr Maxamed C/laahi Cumar waxa uu intaasi ku daray isaga oo hadalkiisa sii wata “Xukuumadda Maanta jirta ee uu hogaaminayo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa ay culays iyo xoog badan saaraysaa sidii looga midhodhalin lahaa himilada shacbaka reer Somaliland ee ah in aynu ka mid noqono beesha caalamka oo Somaliland noqoto dal Ictiraaf iyo iskaashi buuxa ka hela beeesha caalamka. Arintaa iyadoo laga turjumayo madaxweynuhu waxa uu cadeeyey siyaasadiisa arimahaa ku saabsan in xoriyada Somaliland ay tahay wax aan cid kale lagala hadlay had iyo jeer in ay ku salaysan tahay rabitaanka shuruucda dalkan u taala dawladuna ay xooga saarayso sidii looga midho dhalin lahaa, arimahaasi ka midho dhalinteedu waxa ay keentay muddadii 10ka bilood ahayd ee aanu jirnay, markii ugu horaysay dakeena waxa booqasho ku yimid wufuuda iyo madaxda dalalka IGAD, gaar ahaana IGAD masuuliyiintiisa oon hore dalka u iman jirin ayaa ilaa laba jeer dalkeena yimid. Waxa kale oo dalkeenu xidhiidh la yeeshay wadamada reer galbeedka iyo kuwa deeqaha bixiya intaba oo aynu ka warhaynay madaxdii dalalka dunida ka tirsanayd ee halkan maalin walba noogu imanaysay, waxa kale oo dalku imika la yeeshay xidhiidh bilow ah oo wanaagsan dunida islaamka ah ee aynu walaalaha nahay, waxa maanta hirgalay oo ah runtii wax aad iyo aad loogu faraxo in golaha amaanka ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa oo aan waligeen qadiyadeena intaa aynu jirnay gaadhin, in aynu maanta noo suuro gashay in si kafool ka fool ah shir gaar ah xukuumadda Somaliland la gasho oo aan cid kale ku wahelin, masuuliyiintii dalka ka socotay iyo masuuliyiinta ka tirsan golaha amaanka mooyaane iyo safiiro iyo diblomaasiyiin reer galbeed ah mooyaane aan cid kale ku wehelin in ay suuro gasho waxa weeyaan waa horumar weyn oo ay Somaliland ka gaadhay dhinca aqoonsiga iyo ka mid noqoshada beesha caalamka aad iyo aadna waanu ugu faraxsanahay, waxaanu ka mahad celinaynaa wadamada aanu saaxiibka nahay ee gacanta naga siiyey suuro galnimada shirkan oo muu ahayn arin fudud, waa arin meelaha qaar aan aad looga bislayn, waxaananu ugu madnaqaynaa dalalkaasi iyo ururadaasi gacantii ay ka geysteen. Shirkaasi ka dib waxa weftigaasi u suuro gashay inuu shir shaqo ah oo dheer la yeesho ilaa iyo dhawr iyo toban safiir oo ka tirsan safiirada dalalka reer galbeedka ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi waxa ka mid ah safiirka Ingiriiska waxa ka mid ah safiirka Faransiiska, Germany, Norway, Sweden, Talyaangia iyo wadamo farabadan oo kale oo intuba ay danaynayaan horumarka siyaasadeed, horumarka nabadgelyo iyo horumarka xaga shacabka ee Dhaqaalaha iyo Dhinacwalba leh ee dalka ka socda”.

Intaasi ka dib waxa warfidiyeenadii ka qayb galay shirkaasi jaraa’id ay su’aalo ka waydiiyeen Wasiirka Arimaha Dibada shirkii ay ka qayb galeen ee magaalada Nairobi, Su’aalahaasina waxa ay u dhaceen sidan:-

S: Mudo imika sanad ah waxaad ahayd Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland, Wasiir nimadaadu waxa ay ku soo beegmatay xili jawiga siyaasadeed ee Somaliland Cambaaranayn badani kaaga timid, matalan markii ugu horaysay ee Somalialnd shir noocan ah oo kale ka qayb gasho, mucaaridka Somaliland waxa ay kugu eedeeyaan in degdeg siyaasadeed oo aanad bishaylka siyaasada aanad aad ugu bislaan oo aad shirarka noocan oo kale ah aad ku degdegto, tuhumada jira oo kale in kulankii Nairobi aad la kulanteen masuuliyiin Somali weyn ah, waxaas oo iskaashanaya xaq ma loo leeyahay in xukuumaddiina wakhtigan xaadirka ah ee aad wasiirka arimaha dibada ka tahay laga shakiyo oo looga shakiyo arimo Somaliweyn?

J: Siyaasada Arimaha dibada ee xukuumadda Somaliland waxay sidii warbixintaydaba ku jirtay madaxweynuhuna uu cadeeyey dalkana siyaasadiisa ka muuqata waxa ay ka turjumaysaa ilaalinta xoriyada iyo madaxbanaanida somalialnd, waxay qaadanaysaa talaabooyin firfircoon oo looga shaqayn lahaa sidii dalka loogu heli lahaa ictiraaf siyaasadeed, iskaashi dhaqaale, iskaashi nabadgelyo iyo iskaashiyo kale oo horumarineed arintaasi markaa waxa ay u baahan tahay siyaasad firfircoon oo dalka wax u taraysa in la keeno, dawladu waxa ay ka faa’idaysanysaa isbedelada siyaasadeed ee dalka u keeni kara in dalkuunu yeesho iskaashi iyo horumar iyo ictiraaf, maaha sidaa aad u dhigtay, waxaan ugu baaqayaa kooxaha aad adigu carabaabtay in ay ka fiirsadaan inta aanu hadalku ka soo bixin.

S: Waa safarkaagii labaad ee dadka Somaliland shaki galiya, ee wasir ahaan ay u arkaan in aad shirar Somalia aad ka qayb gasho oo aad maamul goboleedyada Somalia aad meel la fadhiisanaysaan, maxaad dadka reer Somaliland shakigaa kaga saari karaysaa?

J: Arinsaa saaxiibkay Xuseenbaa si wanaagsan uga hadlay, shirarka aanu ka qayb galo waa shirar u dhexeeya somalialnd iyo beesha caalamka, kan aanu imikana ka nimid waxa uu dhex maray dawladda Somaliland iyo golaha amaanka, waana danta qaranka Somaliland.

S: Shirkii aad ka qaybgasheen waxa jirtay in aad diideen in aad meel la fadhiisataan maamulada ka jira Somalia, sidaa darteedna cid ka socota Somaliland ay fadhiisatay kuraastii Somaliland loogu talo galay idinkuna wasiiro ahaan aydaan ka qayb galin, Yay ahaayeen cidaasi?

J: Weftigii Somaliland ee ka koobnaa Afarta Wasiir iyo mudane ka tirsan baarlamaanka ay ka qayb galeen waxa uu ahaa shir dhex maray soamliland iyo golaha amaanka shir kale oo ka qayb galay ma jiro.
 

 

Source:Haatuf